Dhaqso uga bax bogga!
Qoys

Qoyskeyga go’aan miyuu ka gaarayaa noolasheyda?

Får familjen bestämma över mitt liv? - somaliska

Waalidkaaga iyo dadka wakiilka kaa ah waxey mas’uul kaa yihiin ilaa aad ka gaareyso 18 sano jir. Laakiin ma aha iney wax walba kuu go’aamiyaan. Waxaad xaq u leedahay inaad go’aamiso arimaah la xiriira noolashaada. Waydiiso taageerada qof kale haddii qoyska uu rabo inuu go’aamiyo ama kontoroolo noolashaada.

En ung kille står en bit ifrån en grupp människor som syns som skuggor. Illustration.

Xaqqa waxbarasha

Dhammaan caruurta Sweden joogta waa iney dugsi aadaan ka bilow fasalak 1aad ilaa 9aad. Taa micnaheedu waa inaad soo xaadirtaa fasalka haddii aadan xanuunsanayneen. Ma jiro qof kaa hor istaagi kara inaad aadid dugsiga. Qofna kaama hor istaagi ‎karo inaad ka qeyb gasho ‎casharrada qaar. Tani waxey sidoo kale ku saabsan tahay socdaalada dugsiga iyo shaqo ku sugga.

Waad go’aansaneysaa haddii aad rabto inaad galmo sameysid

Waad siigeysan kartaa ama galma ayaad sameyn kartaa, haddii aad rabto. Adiga ayaa go’aaminaya wax walba oo ku saabsan jirkaaga. Ma jiro qof ka tirsan qoyska ama qof kale oo kaa joojin kara.

Ma ogaan karaan inaad galma sameysay iyo in kale. Iyagoo baaraaya siilka ama guska, ama qaab kale. Siilka gudahiisa ma jirto xubin kaloo dul saaran qeybta kore ee siilka.

Waxaad heli kartaa badbaada ka dhan ah uurka, haddii aad u baahato. Uma baahnid fasaxa waalidka ama qofka wakiilka kaa ah, si aad galma qof ula sameyso ama aad u guursato.

Waad go’aansaneysaa haddii aad rabto inaad guursatid

Waxaad guursaneysa oo kali haddii aad rabto, waxaadna guursaneysaa qofka aad rabto. Labadiinana aad is rabtaan. D'ada uugu hooseysa ee guurka waa 18 sana jir. Waa sharci dara in qof lagu qasbo guur ama xoog lagu guursado.

Tani waxay waalidka u ogolaataa iney go’aansadaan

Waa kuwaan tusaalooyinka waxyaabah waalidka ama wakiilka uu sameyn kara marka aad 18 sana jir ka yartahay:

  • In lala socdo sida aad dugsiga ku tahay.
  • Waxey kaa ilaalineysaa inaad sameyso waxyaabaha dhibka ku ah caafimaadkaaga, sida cabidda khamriga ama sigaarka.
  • Hubi inaad gasho sariirta wakhti hore.
  • Hubii inaad aado dugsiga ilaa aad ka gaarto fasalka 9-aad.

Dadka waaweyn waxey sidoo kale go’aamin karaan waxyaabaha sida nadiifinta qolkaada. Waxey kaa codsan karaan inaad guriga ka caawiso. Laakiin waa iney ku siiyaan wakhti aad wax ku barato, aadna wax walab ku sameyso wakhtiga iyo fursadda ad rabto aadna nasato.

Ma jiro qof sidaan kugu sameyn kara

Waxaa jira waxyaaba uusan qof kugu sameyn karin. Xitaa ma aha waalidkaaga ama wakiiladaada ama qof kale oo ka tirsan qoyska. Tusaalooyinka qaar:

  • Naftaada inaad u soo ban dhigto rabshad, sida in lagu riixo, timahaada la jiido ama wax laguugu dhufto.
  • Isu ban dhigidda rabshada maanka, tusaala, sheegidda wax ku cabsi geliyo ama laguugu yeero waxyaaba xun.
  • In meel lagugu qufulo ama albaabka lagaa soo xidho.
  • Kuu hanjabo.

Waa muhiim ineysan jirin wax magac xumo u soo jiita qoyska. Waxaa laga yaaba iney jiraan sharciya guriga ka jira, sida gabar galma ma sameyn karta ilaa ey ka guursato. Sidaa dareteed, uma baahan iney qof la joogto, ama wiilal ey la wadaagto wakhtigeeda nasashada. Sharciyadaan ayaa ah kuwa ugu adag gabdhaha, laakiin waxaa sidoo kale jira sharciyada wiilasha. 

Sharciyada qoyska waxey kaa hor istaagi karaan inaad la kulunto asxaabta dusgiga ka dib, aad isticmaasho baraha bulshada ama aad xirato dharka aad rabto. Sharciyada waxey kaa hor istaagi karaan inaad shaqeyso ama aad la shaqeyso qofka ad rabto iyo inaad guursato qofka aad rabto. 

Dad badan ayaa ku ilaalin kara si loo hubiyo inaadan wax khaladaad ah sameynin. Waa lagu ganaaxi karaa haddii aad ku xadgudubto sharciyada guriga. Tusaalae, haddii lagu garaaco, laguu hanjabo, wax xun laguugu yeero ama qoyska lagaa saaro. Tani waxaa la yirahdaa rabshad la xiriirta xushmadda ama dhibaateynta. Waa sharci daro in qofka la shaaciya arimahiisa sharciyadaan aawadood. Sidoo kale waxey ku xad gudbeysaa xuquuqda bani’aadamka, iyo Xeerka Qaramada Midoobey (UN) ee Xuquuqda Caruurta.

Ma u baahan tahay inaad ka warqabto walaalahaa?

Dadka qaar waxey u baahan yihiin iney ka warqabaan walaalahood ama qaraabadooda, sababtoo ah qoyska wuxuu ka welwelsan yahay iney ka bilaabato warar kutiri kuteen ah oo qofka la xiriira.

Laakiin dadka dhammaantood waxey xaq u leeyihiin iney noolashooda iskood u noolaadaan sida ey doonaan. Tani waxey ku lug leedahay qof walba iyadoon la fiirineynin wadanka aad ka imaaday, ama diinta iyo dhaqanka aad leedahay. Waxa adiga ama dadka kaloo qoyska ka tirsan ey ka fakaraan waxey u fiican yihiin qofka kala,waxaa laga yaabaa qofka kale inuu u maleeyo ineysan tan uugu fiican ahayn. Waa inaad taa ixtiraamto. 

Waxaad xaq u leedahay inaad noolaato noolashaada, uunasan ku xakameynin qof kale. 

Sharafta

Waa muhiim ineysan jirin wax magac xumo u soo jiita qoyska ama qaraabada. Waxaa laga yaaba iney jiraan sharciya guriga ama qaraabada ka jira, sida gabar galma ma sameyn karta ilaa ey ka guursato. Sidaa dareteed, uma baahan iney qof la joogto, ama wiilal ey la wadaagto wakhtigeeda nasashada.

Talooyin ku saabsan waxyaalaha aad samayn karto

  • U sheeg dadka waaweyn sida aad dareemeyso, haddii aad awooddo
    Suurto gal ma tahay in aad cid ka mid ah qoyskaaga kala hadasho sida aad dareemayso? Ama laga yaabaa mid ka mid ah waalidkaaga?

  • Lama hadli karto dadka waaweyn? 
    Aad bay muhiim u tahay in aad qof uun la hadasho, hadii guriga mushkilad kaa haysato. La hadal qof weyn oo aad ku kalsoon tahay, tusaale ahaan saxiibkaa waalidkii ama tababarahaaga, macalin, lataliyaha iskuulka ama xarunta qaabilaada dhalinyarada.

  • Ma ka qeyb gashaa ciyaaraha, howlaha ama waxyaabaha kalo ka dhaca dugsiga?
    U sheeg macalin ama qof kaloo weyn oo dugsiga jooga. Qofka waxaa laga yaabaa inuu kala hadlo waalidkaaga ama wakiilkaada muhiimadda ka qeyb galiddaada.

  • La xiriir urur dadka dhalinyarta ah ee ay dhibaatooyinka gurigu haysato caawiya. Waxay kaa caawin karaan waxyaabo kala duduwan. Uma baahnid inaad magacaaga sheegtid marka aad la xiriireyso. Liistada meelaha aad ka heli karto caawimo haddii aad qabtid su'aalo ku saabsan dhibaatooyinka qoyska.
  • Kooxda Adeega Bulshada ayaa ku caawinaya haddii aad joogto guriga
    Mararka qaar waxey qorsheynayaan goob ammaan ah oo aad ku noolaan karto, tusaala, haddii laguu hanjabo. Waxaad ka heli kartaa nambarka waaxda adeega bulshada bogga intarneetka ee barasaabka.

  • Wac booliska haddii adiga ama qof aad taqaano uu khatar ku jiro, tusalaa la garaaci raba, la garaacay ama loo hanjabay. 
    Wac 112 haddii ey deg deg tahay. Wac 114 14 haddii ey deg deg ahayn.‎ Wac +46 77 114 14 haddii aad dibadda jirto.

Mararka qaar dadka waaweyn waa iney soo sheegaan waxa aad sheegeysid

Qof walba oo ka shaqeeya waaxda daryeelka caafimaad waxaa waajib ka saaran inuu dhowro xogta, mana kala hadli karo qof kale arintaada. Laakiin, waxaa jira marar laga reebay dadka ka yar 18 sana jir. Shaqaalaha waa iney u sheegaan waaxda adeegga bulshada haddii ey u maleeyaan inaad dhib ku jirto ama dhibaato qabto. Tusaala, haddii rabshad laguugula kaco. ’’ Anmälningsplikt’’ Waxaa la yirahdaa waajibka ogeysiinta. Waxey sidoo kale qabataa dad kaloo badan oo da’a yarta la shaqeeya. Waad weydiin kartaa dadka waaweyn oo aad la hadleyso haddii arintaan aad la yaaban tahay.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Filim: Jaceylka sirt ah

Aliyah iyo Reza waxay ka baqayaan inay qoyska Reza ka soo hor jeedsan doonaan xiriirkooda.

Mawduuc

Filim: Adiga ayaa ka go’aaminaya jirkaaga

Dhamaan dadka waxay xaq uleeyihiin in ay go’aan ka gaaraan xaalada jirkooda. Waa xuquuq bani’aadanku leeyahay laakiinse maxay tahay micnaheeda?

Mawduuc

Sinaanta ragga iyo dumarka

Wiilasha iyo gabdhaha waa inay helaan fursad iyo xuquuq isku mid ah. Bulshadu ilaa hadda ma sina, laakiin waxa jira sharciyo iyo qorshayaal sida taas loo meelmarinaayo.

Mawduuc

Xuquuqda aadamaha

Xuquuqaha aadamahu waxay ku saabsan tahay inaad ku noolaato nolol wanaagsan. Waxaad xaq u leedahay waxbarasho iyo daryeel caafimaad. Waxaad xaq u leedahay in si caddaalad ah laguula dhaqmo iyo xuquuqda aad wadan kale ugu qaxi karto haddii aad khatar ku suggan tahay.

TAad bogga xaggiisa sare