Maryam xanuun badan oo dhiiga cadada ah baa haya. Alex ma dareemayso in ay gabadh tahay, balse wiil oo kale. Emil ayaan sida xun ee uu dareemaayo aan waligii cidna kala hadal. Simon waxa uu ka cabsi qabaa in guskiisa uu kici waayo. Amanda waxay ka warwarsan tahay in ay uur leedahay. Aliyah iyo Reza waxay ka baqayaan inay qoyska Reza ka soo hor jeedsan doonaan xiriirkooda.
Dhamaan dadka ku nool Iswiidhan waxa ay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka marka ay u baahan yihiin. Soo wac 112 haddii aad adigu ama qof kale uu qabo dhaawac ama cudur nolosha u halis ah.
Qofka shaqaalaha ee aad kula kulanto rugta caafimaadka ma aha inuu kala hadlo qof kale, ama wax rugta lagaaga qorey uu u gudbiyo cid kale. Taas waxa loo yaqaanaa sir dhowrista. Sir dhowristu waxay qabanaysaa dhamaan dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka.
Halkan waxa aanu ku soo aruurinay talooyin, filimo iyo linkiyo laga helaayo macluumaad wanaagsan oo aad ku kalsoonaan karto. Qaarkood ayaa lagu turjumay luuqado badan, waxyaabaha qaarkoodna waxa lagu heli karaa Iswiidish oo kaliya.