Dhaqso uga bax bogga!
Tobaakada, khamrada, xashiishada

Sigaar Cabis

Rökning - somaliska

Qiiqa sigaarka wuxuu qabaa waxyaaba badan oo sun ah. Sigaar cabidda waxey keeni kartaa dhaawacyo iyo cuduro kala duwan. Waxaa laga yaabaa in sigaar aad baratid laakiin waa liiska joojin kartaa.

Två fimpade cigaretter. Illustration.

Sigaarka wuxuu leeyahay tubaaka, oo laga soo saaro caleen la qalajiyay. Tubaakada waxey leedahay wax kaloo sun ah oo la yirahdo “nikotiin”. Waxaa jira waxyaaba kaloo sun ah oo tubaakada ku jira. 

Sigaar cabidda waxey sababi kartaa dhaawacyo iyo cuduro, oo uu ku jiro cudurka kansarka.

Tubaakada waxaa sidoo kale ey ku jirtaa snuff, sigaar waaweyn, sigarooliska, beebka tubaakada iyo naarjiinka. Sigaar elektrooniga inta badan wuxuu qabaa nikotiin.

Tubaakada ama waxyaabaha leh nikotiinka ma ah in laga iibiyo dadka ka yar 18 sano jir. Sharciga jira ayaa badbaadinaaya dadka da’a yarta.

Maxaad u cabtaa sigaarka? 

Dadka qaar waxey sigaarka u cabaan sababtoo ah dhadhan fiican ayuu leeyahay, ama damaashaad iyo dareen fiican ayey ka helaan. Dadka waxey sigaarka u cabaan si ay isu dejiyaan, tusaale, marka ey walwalsan yihiin ama culeys saaran yahay. Laakiin dhab ahaanti ma degeysid markaad sigaarka cabtid, waxaadba ka qaadi walwal hor leh. Waxaa jira siyaabo kala oo aad isku dejin kartid ama dareen fiican ku heli kartid. 

Waxaa laga yaabaa inaad isku deydid in sigaarka aad cabtid sababtoo ah waxaad rabtaa inaad ogaatid sida aad dareemeysid. Waxaa laga yaabaa inaad sigaarka u cabeysid si laguu arko inaad tahay qof weyn ama isku filan. Ama waxaa u cabeysaa sigaarka sababtoo ah dad badani ayaa cabo. 

Dadka intiisa badan ma u maleeyaan in sigaarka dhadhan fiican laga helo marka ugu horeyso. Waxaa laga yaabaa in si aan ficneyn aad dareentid ama aad yara wareertid. 

En person säger till en annan: "Har du provat?". Det andra svarar "Nej, det luktar äckligt." Personer som röker i bakgrunden.

Waxaa laga yaabaa in sigaarka cabidda aad u baratay

Si sahlan ayaad u baran kartaa sigaarka. Inaad ku tiirsanaato micnaheeda waxaa weeyaan, jirka ayaa baranaaya shey wuuna rabayaa mar kale iyo mar kale. Sidaa darteed waxaa fiicaan inaad cabin sigaar. 

Sigaar cabidda caafimaadkaaga uma fiicno 

Waxaa laga yaabaa inaad wax isbadal ah ka dareentid jirkaaga ka dib markaad bilowdid sigaarka.

  • Ilkahaaga jaale bey noqonayaan.
  • Qunfac ayaa kuugu kordhismaaya.
  • Waxaa kaa soo baxaaya finan yar yar.
  • Xaaladdaada ayaa xumaaneysa.
  • Cunaha ayaad qareer ka dareemeysaa ama waad xanuunsaneysaa.
  • Wey adkaaneysaa in guskaaga uu kacsado, ama ma qoyaaya markuu dareenkaagukaco.

Sigaar cabidda waxey sababi kartaa dhaawacyo ama xanuun

Markaad sigaarka cabtid, khatarta waxaa ka mid noqon karto cudurada wadnaha iyo sambabyada. Ku dhawaad nus dadka sigaarka caba wey dhintaan ka hor dadka aan sigaarka cabin.

Dadka intiisa badan wey og yihiin in sigaarku uu khatar yahay, laakiin weli wey sii cabbaan. Waxaa laga yaabaa inaad u maleysid inaadan xanuunsaneynin ama aad wakhti dhow joojin doonto.

Sigaar haa cabin haddaad uur leedahay

Ilmaha ku jira caloosha waxaa gaaraaya waxyaabaha sunta leh ee sigaarka uu wato haddii adoo uur leh aad sigaarka cabtid. Waxaa jirta khatar ah in canugga uuu dhaawac gaaraayo, wakhti hore uu dhalanaayo ama uu caloosha ku dhimanaaya. Waxey guud ahaan ku saabsan tahay uurka. Jooji sigaarka haddii aad qorsheyneysid inaad uur qaado.

Sidoo kale waa halis inaad la joogtid dadka sigaarka caba

Waxaad heleysaa waxyaabah sunta ah haddii aad la joogtid dadka sigaarka cabo, mathalan haddi hal qol aad kuwada jirtaan. Waxaa la yirahdaa sigaar cabidda aan tooska eheyn. Waxey sababi kartaa dhaawacyo iyo xanuun, la mida sida adoo sigaar cabaayo.

Caruurta aad ayey xasaasi uugu yihiin qaaqa. Sidaa darteed, haa ku cabin sigaar meel ey caruur ka dhow yihiin.

Sigaar cabidda waxaan laga ogoleyn, makhaaxidaha, goobaha shaqada, dugsiyada, banaanka isbitaalada iyo goobo kaloo badan.

Ma rabtaa inaad sigaarka joojisid?

Qof walba wuu joojin karaa sigaarka. Dadka qaar wey u sahalan tahay. Qaar kalena wey ku adag tahay iney joojiyaan, xittaa haddii ey rabaa.

Akhri qoraalka tilmaamaha sida sigaarka loo joojiyo.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Filim: Talooyin si aad uga wanaagsanato

Miyaad ogsoon tahay inaad adigu sameyn karto waxyaalo kala duduwan si aad uga wanaagsanaato (sidii aad dareen fiican u dareemi lahayd) oo aad tamar ka badan ugu hesho? Halkan waxa ku qoran afar talooyin!

TAad bogga xaggiisa sare