Dhaqso uga bax bogga!
Tobaakada, khamrada, xashiishada

Khamri

Alkohol - somaliska

Khamriga wuxuu ku jiraa cabitaana kala duwan. Dadka intooda badan khamri cabidda waxey u arkaan iney tahay wax fiican ama wey ka helaan. Laakiin khamriga sidoo kale saameyn ayuu ku yeelan karaa jirka, dhibaata ayaana kuu imaani karta haddii wax badan cabtid marar badan.

Tre fulla personer i en soffa där en dricker öl. Illustration.

Khamriga wuxuu ku jira cabitaanada sida biir. Dadka intooda badan khamri cabidda waxey u arkaan iney tahay wax fiican, si ey u raaxeystaan ama uugu nasadaan. Dadka qaar khamriga waxey u cabaan si ey isaga bixiyaan dareemaha xun. Laakiin waxaa jira qaababka kaloo la isku dejiyo ama dareen fiican loo helo.

Da’a yarta inta badan isku daya iney isticmaalaan khamri waxaa laga yabaan iney U maleeyaan in farxad dareemayaan. Waxaa laga yaabaa iney u maleeyaan in dad kaloo badan ey khamrigu cabaan. Laakiin waxaa jira dad badan oo aan weligood khamri cabin.

Waxaa jira d’a aan la ogolayn in khamri laga iibiyo

  • Waa inaad jirtaa 18 sano jir si aad khamri uuga iibsato maqaaxidaha iyo dukaamaha.
  • Waa inaad jirtaa 20 sano si aad khamri uuga iibsato dukaamaha gaarka ah ee khamriga ee loo yaqaano systembolaget.

Waa mamnuuc in khamri loo gado qof aan 18 sana jir gaarin.

Sharciyadaan waxaa loo sameeyay si looga badbaadiyo d’a yarta khatarta khamriga. 

Khamriga wuxuu saameeyaa maskaxda

Khamriga wuxuu saameeyaa maskaxda. Waxaa la yirahadaaa cabsanaan. Markaad cabsan tahay waxaa dhaca waxyaabahaan:

  • Dareemaha aad bey u kacaan. Tusaale, waxaad dareemi kartaa xasillooni, farxad, bulsho dhex gelid iyo dhiiri gelin.
  • Isma xakameyn kartid waxna si fiican uma xusuusan kartid.
  • Aad bey kuugu adag tahay inaad fahanto waxyaabaha agtaada ka dhacaayo.
  • Waxaa laga yabaa inaad daal iyo si xun dareentid.
  • Waxaa laga yaabaa inaad matagdid ama aad miir daboolantid haddii ad aad u cabto.

Waxaa mar walba fiican inaad qiyaas khamriga u cabtid inta aad wax badan cabi lahayd. 

Xaalad xun ayaad ku dhici karta markaad cabsan tahay

Wey adag tahay inaad fahanto waxa fiican ama xun oo aad sameyneysid markaad cabsan tahay. Waxaa dhici kara waxyaaba khatar ah, iyo waxyaaba aadan rabin. Tusaale, dhibaato, shil, waxaad sameyn kartaa galmo aadan rabin ama waxaad tijaabin kartaa darooga kale.

Si xun ayaad dareemi kartaa maalin ka dib markaad khamriga cabitid

Waxaa laga yaabaa inaad weli si xun sii dareento maalin ka dib markaad khamriga cabtid. Waxaa laga yaabaa inaad qabto madax xanuun, aad xanuunsato, aad daasho, maskaxda ka daasho ama ay xasilooni dara kuugu dhacdo.

Khamriga wuxuu dhaawici karaa jirka

Cabidda khamriga waxey saameyneysaa dhammaan qeybaha jirka. Islamarka aad cabto ka dib, maskaxda saameyn ayaa gaareysa. 

Waxaa ku soo gaari kara dhaawacyo kala duwan iyo cuduro haddii aad wax badan cabto ama marar badan. Tusaale, xanuunyo daran oo caloosha ah, beerka ama wadnaha.

Dadka qaar marar ayey cabi karaan khamriga, iyadoo wax dhibaata ah aysan soo gaarin. Laakiin dadka qaar si xun ayey dareemaan waxeyna qabi karaan dhibaato. Waxaa laga yaabaa in khamriga uu ku qabto. Waa khatarta uugu weyn haddii aad wax badan cabtid ama mar walb aad cabto.

Xog dheeri ah oo ku saabsan khamriga waxaad ka akhrin kartaa iyo jirka oo Af Iswiidhish ah UMO.se.

Ma ka walwalsan tahay qof?

  • Haddii aad ka walwalsan tahay qof oo aad u cabsan:
    Kala xiriir qof weyn, la taliye caafimaad telefoon nambarka 1177, booliska ama booqo isbitaalka. Wac 112 haddii qofka uu miir daboolmay.

  • Haddii aad ka walwalsan tahay qof aad u caba khamriga ama marar badan cabo:
    La xiriir Goobta Qaabilaadda Dhalinyarada ama Xarunta Caafimaad, islamarkaana kala hadal xaaladda qofka. Adigoon lagu aqoonsanin ayaad sidoo kale wici kartaa hay’ad walba oo ka shaqeysa dhibaatooyinka la xiriira khamriga iyo daroogada. Ama waxaad ka wici kartaa Alkohollinjen telefoon nambarkaan 020-84 48 84. 

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Filim: Talooyin si aad uga wanaagsanato

Miyaad ogsoon tahay inaad adigu sameyn karto waxyaalo kala duduwan si aad uga wanaagsanaato (sidii aad dareen fiican u dareemi lahayd) oo aad tamar ka badan ugu hesho? Halkan waxa ku qoran afar talooyin!

TAad bogga xaggiisa sare