Dhaqso uga bax bogga!
In caawimo la raadsado

Xarunta daryeelka dhalinta

Ungdomsmottagning - somaliska

Waxaad Xarunta daryeelka dhalinta tagi kartaa haddii aad qabto su'aalo ku saabsan jidhka, galmada ama kahortagga uurka. Waxaad sidoo kale halkaas tagi kartaa haddii aad jiran tahay oo aad u baahan tahay qof aad la hadasho.

Tre ungdomar sitter i ett väntrum på en ungdomsmottagning. Illustration.

Xarunta daryeelka dhalinta waxa weeye meel da'yarta lagu qaabilo, halkaas oo aad ka heli karto waxyaalo kala duduwan. Waxaad halkaa taggi kartaa marka laga bilaabo da'da 12 ama 13 sanno jir ilaa intaad u dhaxeyso 20 iyo 25 jir. Waa ay kala duduwan yihiin xarumaha qaabilaada ee kala duduwani. 
Halkan ayaa waxa ku yaala tusaale waxa lagaa caawin karro:

  • Haddii aad qabto su'aalo ku sabsan jidhka.
  • Aad wax ka warwarsentahey ama aad dareemeyso inaad niyad jabsantahey ama istarees aad qabto.
  • Haddii aad qabto su'aalo ku sabsan galmada iyo xidhiidhka.
  • Aad u baahan tahay wax kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka.
  • Aad u baahan tahay wax kaa ilaaliya uurka.
  • Aad rabto inaad iska baadho cudurada xubnaha taranka.
  • Aad rabto inaad sameyso tijaabada uurka.
  • Xarunta daryeelka dhalinta ayaad intooda badan sidoo kale ka heli kartaa kondhoom.

Waa imisa kharashka la bixinaayo marka xarunta daryeelka dhalinta la aado?

Waa lacag la'aan haddii aad 18 jir ka yartey. Xarumaha intooda badan ayaa sidoo kale lacag la'aan lagu tagi karaa haddii aad ka weyn tahay 18 jir. Meelaha qaar ayaa lagaa qaadi lacag la mid ah ta goobaha caafimaadka.

Marka laguu qoro daawada uurka la iskaga ilaaliyo ama daawo kale oo warqad dhakhtar kuugu qorey, ayaad lacagta bixineysaa markaad daawada kasoo qaadanayso farmasiiga. Warqada daawadu waa fariin ka socota xarunta daryeelka oo ku socota farmasiiga.

Qaar badan oo xarumaha daryeelka dhalinta ayaa lacag la'aan kaga heli kartaa daawada la iskaga ilaaliyo uurka, laakiin ma aha kuligood.

Maxaan sameynayaa haddii aan rabo inaan aado xarunta daryeelka dhalinta?

Waxaad tagi kartaa xarunta daryeelka dhalinta ee aad rabto ee dhamaan wadanka oo dhan ku taala. sida caadada ah waa in la waco oo wakhti laga qabsado. Xarumo badan ayaa wakhti haya todobaadka xilli ka mid ah halkaas oo aad tagi karto iyada oo aanad wakhti ballan qabsan. Taas waxa loo yaqaanaa iska -kaalay ama drop-in.

Xiliyada furitaanka

Xarumaha daryeelka dhalinta qaarkood ayaa furan maalin walba. Kuwa kale ayaa furan xiliyo gaar ah todobaadkii.

Ayaan u taggi karaa?

Xarumaha daryeelka dhalinta waxa ka shaqeeya shaqaale xirfado kala duduwan leh. Umuliso iyo la taliye waxay joogaan xarumaha oo dhan, iyadoo inta badan uu dhakhtarna joogo.

Uma baahnid inaad ogaato cida aad la kulmeyso markaad halkaas tagto. Taas waxaa kaa caawinaaya qofka aad la hadleyso markii ugu horeyso.

Miyey cidi u baahan tahay inay ogaato inaan meeshaa tagey?

Dhamaan dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka waxa qabanayaa xeerka sir haynta. Qof ka shaqeeya xarunta daryeelka ma aha inuu cid u sheego inaad halkaa tagtey, ama waxa aad ka hadashay.

Halkan ayaad ka akhriyi kartaa wax dheeraad ah oo ku saabsan xeerka sir dhowrista.

Goobaha kale ee aad adigu tagi karto.

Halkan waxaad tagi kartaa haddii aanad awoodi karin ama aanad rabin inaad tagto xarunta daryeelka dhalinta:

  • Xarunta daryeelka caafimaadka vårdcentral.
  • Mid ka mid ah skolsköterskan ama skolkuratorn haddii aad dugsiga dhigato.
  • Xarunta caafimaadka ardeyda, haddii aad dhigato jaamacad ama kulliyad.
  • Xarunta qaabilaada umulisada, haddii aad doonayso caawimo ku sabsan daawada uurka la iskaga ilaaliyo.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Waxyaalaha kahortagga uurka

Waxa jira siyaabo kala duduwan oo la iskaga ilaaliyo in uur loo qaado. Muuqaalkan waxaad ka arki kartaa waxyaalaha ugu badan ee la isku ilaaliyo.

Mawduuc

Filim: Miyay ku soo mareen wax baqdin badan ku galiyey?

Waxaad baqdin dareemi kartaa mudo dheer ka dib. Waxaad u baahan kartaa caawimo si aad u dareento amaan mar labaad.

Mawduuc

Cuddurada lagu faafiyo galmada

Waxaad qaadi kartaa cudurada lagu kala qaado galmada marki aad galmo la sameyso. Isbaar nafsad ahaantaada hadii aad u maleyso in aad qaaday cuddurada lagu kala qaado galmada. Waxaa jirto daawo taaso caawineyso. Daawada waa mid bilaash ah.

Mawduuc

Filim: Talooyin si aad uga wanaagsanato

Miyaad ogsoon tahay inaad adigu sameyn karto waxyaalo kala duduwan si aad uga wanaagsanaato (sidii aad dareen fiican u dareemi lahayd) oo aad tamar ka badan ugu hesho? Halkan waxa ku qoran afar talooyin!

TAad bogga xaggiisa sare