Dhaqso uga bax bogga!
Aniga

Sinaanta ragga iyo dumarka

Jämställdhet - somaliska

Wiilasha iyo gabdhaha waa inay helaan fursad iyo xuquuq isku mid ah. Bulshadu ilaa hadda ma sina, laakiin waxa jira sharciyo iyo qorshayaal sida taas loo meelmarinaayo.

Två personer sitter på marken bredvid varandra och tittar på varandra. Illustration.

Sinaantu waa in wiilasha iyo gabdhahu ay helaan fursad iyo xuquuq isku mid ah oo nolosha dhinac kasta ah. Sinaanta waa in wiilasha iyo gabdhahu jidhkooda go'aamiyaan iyo galmada.

Sinaantu waxay micnaheedu tahay in cid kastaa hesho xoriyad ka weyn. Cidkastaa waxay helaysaa fursad ay ku ahaato waxay doono, oo ay dareemeyso inay ka amaan badan tahay.

Wadamo badan ayaa laga wada hadlayaa sinaanta, iyadoo ay wadamo badan ay noqonayaan qaar ka sinaan badan. Laakiin wadana ilaa hadda ma aha mid sinaan buuxda leh.

Waxa ay sinnaantu khusaysaa wiilasha iyo gabdhaha labadaba

Badanaa waa gabdhaha cida sinnaan la'aanta wax ku weydaa. Ragga ayaa ah kuwa iyagu dunida awood iyo maal badanba haysta. Laakiin wiilasha ayaa iyagu siyaabo kale wax ugu waaya.

Waxa jira hadafyo siyaasadeed oo sinaanta ku lug leh

Iswiidhan ayuu baarlamaanka yidhi sinaanta ragga iyo dumarka waa muhiim. Waxa jira qorsheyaal ku sabsan sida ay bulshadu ugu noqoneyso mid siman. Qorshayaashu waxay tusaale ahaan khuseeyaan waxyaalahan:

  • Gabdhaha iyo wiilashu waa inay waxbaran karaan oo ay isku si lacag ugu shaqeystaan.
  • Gabdhaha iyo wiilashu waa inay kala qeybsadaan koritaanka carruurta iyo shaqada guriga.
  • Rabshadaha ragga ee ku wajahan dumarku waa inay istaagaan.
  • Dugsiyada, jaamacadaha iyo goobaha shaqada waa inay ka shaqeeyaan inay ahaadaan qaar siman.
  • Wiilasha iyo gabdhahu waa inay helaan xuquuq isku mid ah oo ku sabsan caafimaadka iyo inay helaan daryeel wanagsan.

Waxay noqon kartaa takoorid in laguula dhaqmo si ka duwan kaliya inaad tahay gabadh ama wiil. Takooridu waa sharci darro.

Dhowr tusaale oo muujinaaya inaanay bulshadu sineyn

  • Gabdhaha ayaa wax ka badan wiilasha guriga ka qabta sida masaxaada iyo daryeelka carruurta. Markaas ayay inta badan wax ka yar shaqeeyaan oo ay sidaas daraadeed helaan lacag ka yar iyo lacagta hawlgabka oo ka yar.
  • Gabdhahu waxay inta badan helaan mushahar ka yar ka wiilasha, xataa haddii ay isku waajibaad/shaqo sameeyaan.
  • Waxa inta badan caadi ah in wiilashu ay haystaan shaqo halkaan oo ay wax badan go'aamiyaan, sida ra’iisal wasaaraha, hogaamiyaha ganacsi ama brofessoor.
  • Gabdhaha ayaa inta badan lagu qiimeeyaa sida ay u eeg yihiin iyo sida ay u labistaan, marka la garab dhigo wiilasha.
  • Ugu dhowaad dhammaan xadgudubka galmada waxa sameeya wiilasha kaas oo ku wajahan gabdhaha iyo wiilashaba.
  • Wiilasha ayaa sameeya dembiyada iyo rabshadaha bulshada, kaas oo ku wajahan gabdhaha iyo wiilashaba. In ka badan oo wiilal ah ayaa loo geystaa dagaal iyo xadgudub.
  • Wiilasha ayaa inta badan shilal soo gaadhaan iyagoo inta badan dhibaatooyinka khamriga ama maandooriyaha yeesha. Tiro ka badan oo wiilal ah ayaa is dila/naftooda halaga marka la garabdhigo gabdhaha.

Kuwani waa tusaaleyaal tirakoob laga yaho. Tani waxay khuseysaa gabdhaha koox ahaan iyo wiilasha koox ahaan. Dabcan dhamaan kuligood iskaga mid ma wada aha. Iyadoo ay dabcan jiraan waxyaalo ay ku kala duduwan yihiin wiilasha kala duduwan iyo gabdhaha kala duduwan

Waa maxaanay sababata aanay sinnaani u jirin?

Waxa jira dhowr siyaabood oo wada socda oo taas loo sharaxi karo. Waxa waxyaabahaas ka mid ah siday taariikh  ahaan jirtay, inay muddo dheer raggu awood ka badan lahaayeen. Waxay taasi saamaysay sharciyo, caadooyin iyo waxyaabo kale oo wakhti dheer qaata in la beddelo. Iyadoo dadka caadeystay inay awood badan haystaan ay ka soo horjeestaan isbeddelka, si ay faa'iidooyinka ay leeyihiin ugu sii haystaan.

Waxa taas loo sharixi karaa iyadoo waxyaabo kala duwan loo arko waxa uu "lab" ama "dheddig" ahaanshuhu yahay. Tusaale ahaan, waxyaalaha aad jeceshahay, nooca dareenka ay tahay inaad muujiso ama waxyaalaha ay tahay inaad ka shaqeyso. Waxay taasi ka dhigan tahay sidii oo ay jiraan xeerar/sharciyo aan la arki kareynin oo khuseeya sida gabdhaha iyo wiilashu ay tahay inay ahaadaan. Mararka qaar ayaa laga yaabaa inay iska caadi tahay inay taasi sidaas ahaato. Laakiin mararka qaarkood ayay aad u adag tahay ama khalad tahay.

Waxyaabaha loo arko "lab" iyo "dheddig" ahaan ayaa waxay noqon karaan waxyaabo kala duwan oo ka jira meelaha kala duwan ee adduunka. Iyagoo wakhtigana ku xidhan oo isla beddeli karta.

Sidaas ayay adiga kuu tahay?

  • Miyaa ay u baahn yihiin gabdhaha iyo wiilashu inay in isku mid ah shaqada guriga ka caawiyaan.
  • Miyaa ay tahey inay in isku mid ah wax wada go'aamiyaan, oo ay in isku mid ah dibada ku maqnaadaan?
  • Miyaa ay si isku mid ay u muujin karaan dareemada?
  • Miyaa ay gabdhaha iyo wiilashu isa-saaryaan culeys isla mid ah marka laga hadalaayo sida ay u eegyihiin iyo sida ay u labistaan?

Ka fikir sida ay tahay nolosha. Oo ka fikir sida aad adigu uga fikireyso inay wiilasha iyo gabdhahu ahaadaan. Markaa ayay ka dhib yaraan kartaa inaad adigu wax sameyso si ay uga sii sinaato. Tusaale ayaan inaad ka hadasho marka wax xaqdaro yahay.  

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Filim: Midib takoortka

Midab takoorka waxey ka dhigan tahay in lagula dhaqmo si ka qiime hooseeya dadka kale ayadoo ay ugu wacan tahay jinsigaaga, diintaada, da`daada, lab ama dheddig waxaad tahaya ama halka aad ka timid. Xitaa waa midab takoorid haddii laguula dhaqmo si dadka ka liitada ayadoo ay sababtu tahay in tusaale ahaan aad isticmaasha gaariga curyaamada ama waxaad ka dhantaalan tahay xagga wax aragga. Ama waxaad dareemeysa sida in aad leedahay jinsi kale oo ka duwan jirkaaga uusana u dhigmin. Waa sharci darro in qof la midab takooro.

Mawduuc

Filim: Adiga ayaa ka go’aaminaya jirkaaga

Dhamaan dadka waxay xaq uleeyihiin in ay go’aan ka gaaraan xaalada jirkooda. Waa xuquuq bani’aadanku leeyahay laakiinse maxay tahay micnaheeda?

TAad bogga xaggiisa sare