Dhaqso uga bax bogga!
Galmada

Siigeysiga

Onani - somaliska

Siigeysiga micnahiis waa inaad keliga galmatiid. Waxa laga yaabaa inaad tusaale xubintaad taranka ama qeybaha kale ee jidhkaaga taataabato. Waxa khatar ah ma aha in la siigeysto. Adiga ayaa go'aanimaaya haddii aad rabto inaad sameyso.

Dadka ugu badan ayaa marmar sameeya. Dadka qaar ayaa malinwalba sameeya, dadka qaar ayaan inta badan sameyn. Dadka qaar ayaan waligood aan siigeysan.Taas ayaa sidoo kale wakhtiga isku badali karta.

Waxa la ogaan karaa inay qorxoontey in jidhka qeybihiisa kala duduwan la taaban karro marka la yaryahey. Dadka intooda badan waxay siigeystaan marka ogyihiin xiliga dhowr iyo toban jirnimada ama marka ay weynaadaan.

Waxaad siigeysan kartaa adigoo jidhkaaga rabba inaad wax ka ogaato. Waxaas siigeysan kartaa adigoo kacsanaaya oo rabtiid dareenka galmo. Marka aad siigeysato ayaad baraneysaa waxa aad xiiseynayso adigu. Taas ayaad markaa hadhow u sheegi kartaa lamaanahaaga. Waxa la iska sii deyn karaa xataa haddii aad qof la socoto.

Inaad siigeysato ayaa kaa caawin inaad degto ama seexato. Waa ay wanaagsan tahay haddii tusaale ahaan istarees ku hayo.

Adiga ayaa go'aanimaaya haddii aad rabto inaad sameyso.

Mittenpartiet på en kropp klädd i jeans. Personen sträcker ner sin hand i byxorna, som har öppen gylf. Illustration.

Waxa khatar ah ma aha in la siigeysto

In la siigeysto ma xuma ama sharci darro ma aha, inta aad adigu ku caafimaad qabto. Siigadu sinaba uma saameyn karto jidhkaaga ama caafimaadkaaga. Siigadu ma saameyn karto fursadaada aad uurka ku qaadeyso ama aad qof kale uur ugu yeelayso. Shahwada marnaba ma dhamaato.

Waxna siilka ma dilaacayaan ama go'ayaan haddii aad tusaale ahaa farahaaga galiso. Cidna ma arki karto inaad siigeysatey xataa umuliso ama dhakhtar.

Sidee loo siigeystaa?

Waa inaad kacsansyao si aad ugu xiiseyso oo ay ugu wanagsanaato siigadu. Marka aad kacsansyso ayaa dhiig ka badan yimaadaa xubinta taranka. Guska baa barara oo adag noqda. Dibnaha kintirka baa barara. xubinta taranka dumarka waa uu bararayaa oo uu ka qoyanaanayaa. Guska ayaa dhibic ama laba ka imaan kartaa kaadi mareenka.

Waxaa loo siigeysan karaa dhowr siyaabood oo kala duduwan. Isku dey siyaabaha kala duduwan si aad ugu ogaato waxa adigu aad u aragto inaad xiisanayso. Jidhka ka raadi meesha aad adigu ugu nugushey.

Dad badan ayaa u arka inay xiiso badan tahay in la salaaxo xubinta taranka ama meelaha halkaa ku dhowdhow. Halkaas ayaa maqaarku jilican yahay oo uu nugul yahay. Waxaa sidoo kale salaaxi kartaa qeybaha kale ee jidhka.

Habka ugu badan haddi aad inan tahay waa inaad faraha ku salaaxdo. Waxaad sidoo kale xubinta taranka dumarka ayaad galin kartaa faraha ama wax kale.

Ta ugu caadisan haddii aad wiil tahay waa inaad gacanta ku qabsato guska oo aad gacanta kor iyo hoos guska xagiisa sare ugu dhaqdhaqaajiso. Waxaad sidoo kale guska galin karta wax.

Waxaad siigeysan kartaa adigoo isla markaa wax ka fikiraaya, akhriyaaya, dhageysnaaya ama dawanaaya aad ku kacsaneyso.

Dadku waa ay u kala nugul yihiin salaaxida iyo taatabashada kale. Dareenkaaga waxa saameyn kara waxyaalaha kala du duwan, tusaale ahaan haddii aad leedahay kala duwanaanshaha naafada ama dhaawac jidhka. Waxay sidoo kale saameyn kartaa sida aad u siigeysanayso. Isku dey inaad hesho waxa aad ku raaxaysanayso. Waxa jira waxyaalo la isticmaalo sexleksaker kuwaas oo galmada ka dhigaaya mid wacan.

Waxaa UMO ka helaysaa tilmaamo sawiro ah oo sida aad u siigeysansyo.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Xubinta taranka dumarka

Halkan ayaad ka akhriyi kartaa qeybaha kala duduwan ee xubinta taranka dumarka iyo sida ay xubinta taranka dumarku u shaqeyso. Xubinta taranka dumarka waa qeyb jidhka oo wanaagsan taas oo kaaji karta,caadadu ka timaado, galmo sameyn karta, carruurta ka soo dhalatto oo dareen wanaagsan leh.

Mawduuc

Guska iyo xiniinyaha

Halkan ayaad ka akhriyi kartaa qeybaha kala duduwan ee guska iyo xiniinyaha iyo sida guskaaga iyo xiniinyahaagu u shaqeeyaan. Guska iyo xiniinyaha waa qeyb jidhka oo wanaagsan taas oo kaadiyi karta, galmo sameyn karta, xawo soo saari karta oo dareen wanaagsan leh.

TAad bogga xaggiisa sare