Dhaqso uga bax bogga!
Jidhka

Guska iyo xiniinyaha

Penisen och pungen - somaliska

Halkan ayaad ka akhriyi kartaa qeybaha kala duduwan ee guska iyo xiniinyaha iyo sida guskaaga iyo xiniinyahaagu u shaqeeyaan. Guska iyo xiniinyaha waa qeyb jidhka oo wanaagsan taas oo kaadiyi karta, galmo sameyn karta, xawo soo saari karta oo dareen wanaagsan leh.

Hela könsorganet i genomskärning. Ord i bilden visar var följande delar sitter: Urinblåsa, urinrör, ollon, testikel och analöppning.

Dadka ayaa xubnahooda taranku kala duduwan yihiin sida jidhka intiisa kale. Guska ayaa yeelan karra midabo kala duduwan, dherer kala duduwan iyadoo timo kala duduwan ka bixi karaan. Waxa caadi ah in la yeesho dhibco iyo calaamado kala duduwan oo guska iyo xiniinyaha ku yaala.

Lagama arki karro guska ama xiniinyaha inaad galmo sameysay.

Qeybaha kala duduwan ee guska iyo xiniinyaha

Halkan waxa ku yaala sawir muujinaya qeybaha kala duduwan ee guska iyo xiniinyaha.

Marmarka qaarkood ayuu gusku adkaadaa

Gusku inta badan wuu jilicsan yahay. Marmarka qaarkood ayuu bararaa oo uu adkaadaa, tusaale ahaan markaad kacsato. Waad kacsatey. Waxa taas sabab u ah iyadoo uu guska dhiig ka buuxsamey.

Waxa caadi ah in gusku dhinac u janjeedhamo marka uu kacsado.

Maqaarka guska iyo xiniinyaha ayaa khafiif ah

Wax baruur ah kuma jirto maqaarka guska iyo xiniinyaha. Sidaas darteed ayaa loo arkaa xididada dhiiga, calaamadaha caadiga iyo godadka timaha ayaa si cad u muuqda. Maqaarka guska iyo xiniinyaha ayaa madow noqda xiliga qaangaadhka. 

Penisen och pungen, sedda framifrån. Penisen pekar uppåt. Ord i bilden visar var följande delar sitter: Ollon, sträng, förhud och pung.

Guska afkiisa hore

Xiliga qaangaadhka ayaa dad badan lagu arkaa dhibco yaryar oo ku yaalaa ibta xageeda hoose. Ma aha wax khatar ah ee waa sidaa inay ahaato.

Daloolka yar ee guska korkiisu waxa loogu talo galay kaadida iyo xawada. Dhuunta ku jirta guska dhexdiisa waxay tagtaa kaadi haysta iyo xiniinyaha labadaba.

Buuryada

Guska xagiisa ugu horeysa waxa ilaaliya maqaar khafiif ah kaas oo dib loo soo jiidi karro, buuryada. Waxa maqaarka hoostiisa ku sameysma dheecaan nooc ah. Dheecaanku waxa uu qoyaan ka dhigaa isagoo ka ilaaliya bakteeriyada.

Dadka ayay intey buuryadu leegtahay kala duduwan tahay. Dad badan ayaan laheyn buuryo maxaa yeelay waa la xalaaleeyey. Markaas ayaa dhamaan ama qeyb ka mid ah buuryada laga gooyey. Xalaaleyska waxa loo sameeyaa arrin diimeed ama dhaqan darteed, ama arrin caafimad darteed sida inay buuryadu diiq tahay.

Xadhig maqaar ah

Guska xagiisa hoose waxa ku yaala xadhig maqaar ah. Xadhigu waa mid giigsan. Waxa laga yaabaa inay ka gaaban tahay, markaas ayay waxyar ku dhegi kartaa marmarka qaarkood markay biyuhu kaa yimaadaan. Waxa laga yaabaa inay ku yara xanuunta laakiin iyadaa kaligeed iska bogsata.

Xiniinyaha

Xiniinyuhu waxa weeye sida kiish guska hoostiisa ku yaala. Waxay u eegtey siyaabo kala duduwan iyadoo ay timo ka baxaan haddii aad qaangaadhay. Xiniinyaha waxa ku jira laba dhikilood. Waxay noqon kartaa inay kala weyn yihiin.

Dhikilaha xiniinyaha ayaa sameeya xawadda. Waxay iskugu soo ururtaa dhuun dheer oo ku taala xiniinyaha xagooda danbe. Dhuunta waxay u socotaa kor ilaa kaadi haysta iyadoo ku dhagan dhuunta soo qaada kaadida.

Xawada

Xawadu waa dareere ka soo baxa guska marka ay biyihu kaa yimaadaan, tusaale ayaan haddii aad biyaha iska sii deyso. Biyaha kaa yimaadaa waxay qiyaas ahaan leegyihiin malqacada yar.

Waxa xawada ku jira kumanaan yaryar oo shahwad ah. Waxay bacrimin kartaa ugxan si ay u noqoto uur. Xawadu waa qeyb yar oo ka mid ah shawada. Inta badan waa dareere.

Xawo cusub ayaa sameysanta maalinwalba. Waxaad heli kartaa biyo bax badan iyadoo aanay xawadu kaa dhamaan.

Dabada

Dabadu waa meeshay dhamaadka malawadka ah. Halkaas ayuu ka soo baxaa xaarku.

Guska qiyaastiisu wey kala waaweyn tahay

Guska iyo xiniinyaha ayaa koritaankoodu istaagey marka qaangaadhidu istaagto, markaad u dhaxeyso 18 ilaa 20 sanno. Dadka waaweyn intooda badan guskoodu waxa uu u dhaxeeyaa 9 ilaa 22 cintimitir marka uu kacsado.

Guska wax micno ah uma sameynayso sidaad ugu raaxaysanayso galmada. Adiga iyo qofka aad la sameynasyo toona.

Suurtogal ma aha in la tababaro ama la jiido guska si u uga weynaado.

Qeybo badan oo xubnaha taranka ayaa taabashada lagu dareemaa

Qeybo badan oo meelaha guska iyo xiniinyaha agtooda ayaa tabashada aad ugu dareen badan. Waxaad dareen ku raaxaysi galmada ka heli kartaa qeybaha kala duduwan. Marka aad siigeysato ayaad baraneysaa waxa aad xiiseynayso adigu.

Guska iyo xiniinyaha ku dhaq biyo diiran

Guska iyo xiniinyaha ku dhaq biyo diiran. Waxa ku filan inaad taas sameyso hal mar maalintii. Haddii aad buuryo leedahay, dib u soo jiid oo nadiifi hoosteeda iyada iyo ibtaba. Hadii kale waa ay uri kartaaa ama waxa yeelan kartaa caabuq.

Ha isticmaalin saabuun maadaama oo ay saabuuntu qalajin karto maqaarka. Waxaad hoosta marin kartaa saliid aan laheyn cadar haddii ay qalalntey.

Haddii aad rabto inaad qof wax weydiiso ama aad rabto in lagu baadho

Miyaad qabtaa su'aalo ku sabsan guskaaga iyo xiniinyahaaga? Mise miyaad wax ka cabsooneysaa? Markaas ayey wanaagsantey in la raadsado caawimo si aad jawaab uga hesho.

Waxaad sidoo kale tagi kartaa ungdomsmottagningrugta caafimaadka ama hud- och könsmottagning. Waxaad sidoo kale tagi kartaa ungdomsmottagning. Waxaad taggi kartaa xarunta aad rabto ee dhamaan wadanka oo dhan ku taala.

Waxa wanaagsan in caawimo la raadsado haddii aad qabto mid ka mid ah kuwan:

  • Haddii aad leedahay dhibco ama calaamado ku xanuunaya ama ku xadan xantoonaaya.
  • Aad galmo sameysay oo aad is leedahay waxaad qaaday cudurdada xubnaha taranka.
  • Ay adagtey in dib loo soo jiido buuryada.
  • Haddii uu dheecaan adag ka soo baxaayo guska aan hore uga iman jirin.
  • Haddii ay inta badan kugu adagtey inaad kacsato.
  • Uu guska ama dhikilahu ku xanuunayaan markaad galmo sameynayso.
  • Xadhigu uu go'ey dhowr jeer.
  • Haddii aad wax adag ku leedahay guska kaas oo ku xanuunaaya.
  • Ay ku gubeyso kaadidu, ay kugu adagtey in la kaajo ama aad u baahan tahay inaad marar badan kaadido.
  • Uu guska ama dhikilahu ku xanuunayaan iyo caloosha hoose ama dhabarka. 

Aad gargaarka degdega haddii mid ka mid ah kuwan uu kugu dahco:

  • Uu xanuun badan oo guska ama dhikilahu ku hayo.
  • Xiniinyahu ah ku casaadaan oo ay ku bararaan.
  • Xiniinyahu ku damqado ama ku barabo oo aad dareemayso inaan xanuunsanayso.

Waxa lagaa baadhi karaa guska iyo xiniinyaha haddii aad u baahan tahay taas. Cid kale ma aha inay eegto ama ogaato inaad baadhitaan guska ama xiniinyaha sameysay.

RFSU: Xubnaha taranka ragga

Kani waa filim ka socda RFSU.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Xarunta daryeelka dhalinta

Waxaad Xarunta daryeelka dhalinta tagi kartaa haddii aad qabto su'aalo ku saabsan jidhka, galmada ama kahortagga uurka. Waxaad sidoo kale halkaas tagi kartaa haddii aad jiran tahay oo aad u baahan tahay qof aad la hadasho.

Mawduuc

Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka

Kondhoomka ayaa ah sida caadiga ah ee la iskagailaaliyo cudurada xubnaha taranka marka aad galmooneyso. Waxa ugu wanaagsan waxa weeye inaad marka hore ka wada hadashaan waxaad iskaga ilaalineysa inta aydaan galmo sameyn. Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka waa wax aad labadiinuba masuul ka tihiin.

Mawduuc

Filim: Kawaran hadii gusku ii kici waayo

Simon waxa uu ka cabsi qabaa in guskiisa uu kici waayo.

TAad bogga xaggiisa sare