Dhaqso uga bax bogga!
Galmada

Galmada aad layelato qof

Att ha sex med någon - somaliska

Waxaa muhiim ah in dhammaan ay dareemaan raaxo iyo wax fiican marka aad galmo la sameyso qof. Waxa qof u ah raaxo ayaa wax xun u ah. La soco oo dhegeyso sida qofka kale uu u doonayo in uu ugu galmoodo. Tus oo sheeg waxay kula tahay dareenkaaga wanaagsan. Sheeg haddii wax ay kula fiicneen ama aad dareemeyso raaxo darro ama wax aan fiicneen.

Två personer på en säng tittar på varandra och tänker "shit, nu händer det!"

Sidee baad u bilaabi?

Waxa caadi ah in la raboodo in la dhunkado,laabta lagu qabto iyo la salsalaaxo qof aad rabto inaad galmo la sameyso. Dad badan waxay jecel yihiin in la is dhunkado oo la is salsalaaxo waqti dheer.

Haddii dareenku wanaagsan yahay ayaa laga yaabaa in jirka uu bilaabo inuu isu diyaariyo inu galmo sameeyo. Waxaad ka akhrisan kartaa waxa ku dhaca jirka qoraalka ah ee rabitaanka galmada.

Dareen ka qaado haddii aad doonayso inaad sameyso waxyaabo badanoo la xiriira galmada. Waxaa laga yaabaa tusaale ahaan iney wacan tahay in la taabo taabto meelaha xasaasiga ah ee jirka qofka kale. waxa laga yaabaa in raaxo tahay in la isa salsalaaxo ayadoo dharka la xiran yahay.

Waxaa jira meelo badan oo jirka ka mid ah ee laga dareemo si fiican marka lagaa salsalaaxayo ama lagaa dhunkanayo. Halkan waxaa ku qoran tusaale oo qaar ka mid ah:

  • Cunaha iyo qoorta.
  •  Faruuryaha.
  • Caloosha.
  • Gudaha Jirka.
  • Naasaha.

Waxaad weydiin kartaa qofka kale waxa u wanaagsan adigana u sheeg fekerkaaga. Waxaa laga yaabaa in aad rabtaan in aad dharka iska saartaan oo aad sii qawan ogaanshaan raaxada jirka qofba qofka kale.

Galmada markii ugu horeysay

Haddii aadan aqoon ulaheyn qof logu galmoodo, waxaa laga yaabaa in aad ku fikirtay in badan sida ay tahay in loo galmoodo. Dadka qaarkood waxay ka walwalaan qaladka. Laakiin waxaa jira siyaabo badan oo kala duwan si loo ogaado galmada

Waxba ma ahan haddii ay noqon weyday sida aad fileysay. Galmada waa wax aad ku tababaran karto noqoloshaada oo dhan. Waxa ugu muhiimsan waa in adiga iyo qofka aad la galmooneyso is dhegeysataan. Galmada waa ay fiican tahay qof walba wuu dareemaya. Waa in aad iska deyso, haddii aad raaxo dareemeynin marna.

Waxaa wanaagsan in aad ka fikirto in aad iska ilaaliso uurka iyo cudurada galmada lagu kala qaado haddii aad go'aansato in aad galmo sameyso.

Waa maxay galmo okay?

Mararka qaarkood waxaa adag in la ogaado waxa fiican iyo waxaan fiicneen oo aan marka ay timaado galmada. Halkan waxa aad ka arki kartaa wixi sharci iyo sharci-darro ah.
 

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka

Kondhoomka ayaa ah sida caadiga ah ee la iskagailaaliyo cudurada xubnaha taranka marka aad galmooneyso. Waxa ugu wanaagsan waxa weeye inaad marka hore ka wada hadashaan waxaad iskaga ilaalineysa inta aydaan galmo sameyn. Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka waa wax aad labadiinuba masuul ka tihiin.

Mawduuc

Waxyaalaha kahortagga uurka

Waxa jira siyaabo kala duduwan oo la iskaga ilaaliyo in uur loo qaado. Muuqaalkan waxaad ka arki kartaa waxyaalaha ugu badan ee la isku ilaaliyo.

Mawduuc

Cida soo jiidata qofku in uu u galmoodo (Sexuell läggning) iyo HBTQI

Cida soo jiidata qofku in uu ugalmoodo (Sexuell läggning) waxay ku saabsan tahay jinsiga qofka aad jeclaatay iyo soo jiidashadiisa. Waxaad xaq uleedahay in aad jeclaato aadna la socoto qofkii aad rabto. Dalka isweedhan waa sharci midaas.

TAad bogga xaggiisa sare