Dhaqso uga bax bogga!
Macluumaad ku sabsan Youmo

Qari aad booqatay‎

Dölj ditt besök - somaliska

Miyaad dooneysaa in aanay dadka kale arkin/ogaanin boggaga aad booqatay ama waxa aad raadisay? Halkan ayaad ku ogaanaysaa sida taas u samayn lahayd.

Moobaylka, kombiyuuterka iyo tablet-ka waxay xusuusan doona boggaga aad booqatay.

Sidan ayaad uga saareysaa/tirtiraysaa macluumaadka la keydiyay

Waxaad macluumaadka uga tirtireysaa siyaabo kala duduwan iyadoo taasi ay ku xiran tahay sida aad boggaga internedka ugu booqatay. Waxay ku xiran tahay haddii aad isticmaaleyso moobayl, kombiyuuter iyo tablet iyo nooca baraawsarka (browser) aad isticmaaleyso.

Ku bilow inaad furto safxadda/bogga hore ee baraawsarkaaga si aad macluumaadka uga tirtirto. Moobaylka ama tablet-ka ayay tusmaddu/calaamadu (menyn) ay ku taalaa baraawsarka xagiisa hoose. Kombiyuuterkana tusmadu waxay ku taalaa xagga kore ee midig. Tusmaddu waxay leedahay calaamad sidan u ekaan karta:

  • saddex dhibcood
  • saddex xariijimood
  • buug furan
  • bir wareegsan oo ilko leh.

Riix kalmada historik ama calaamad u eeg saacad oo kale markaad furtey tusmadda. Markaas ayay soo baxaysaa liisto boggaga aad booqatey ahi.

Waxaad ka saari kartaa dhamaan macluumaadka oo dhan, ama adiga ayaa kala doordooranaaya boggaga aad rabto inaad ka saarto. Taas waxaad sameynaysaa adigoo calaamadeynaaya boggaga aad rabto inaad ka saarto ka hor inta aanad riixin ka tirtir (radera) ama ka saar/ka masax (ta bort).

Baraawsarada qaarkood ayaa ku siinaaya inaad kala doordoorato nooca macluumaadka aad ka saareyso. Isku talaab saar taariikhda baraawsarka (webbhistorik) haddii aad rabto inaad ka saarto dhamaan boggaga aad gashay. Waxaad sidoo kale dooran kartaa inaad ka saarto waxyaalaha la yiraahdo cookies, ee la keydiyay. Wax dheeraad ah ka akhri UMO.se.

Waxaad boggaga internedka rogrogi/baadhi kartaa adigoo aan macluumaadkaaga keydsanin

Waxa loo yaqaano privat surfning ayaad ku booqan kartaa boggaga kala duduwan iyadoo aan moobaylka ama kombiyuuterku uuna taasi xasuusan. Waxa la yiraa Privat surfing ama Inkognito ee ku taala tusmada baraawasarka.

Macluumaadka baraha bulshada    

Ma aha kaliya uun baraawsarka waxa macluumaad keydsadaa. Baraha bulshada iyo boggaga qaarkood aad soo gashay ayaa sidoo kale macluumaad keydinaaya. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa macluumaad waxaad raadisay ah. Waxaad badanaa ka saari kartaa macluumaadka waxyaalaha ku rakiban/xidhan boggaga ama app-ka.

Waxaad Youtube ka heli kartaa filimo ku tusaaya sida aad sameynayso si aad barawsarka uga saarto macluumaadka, baraha bulshada iyo sida aad si gaara ugu rogrogeyso boggaga baraawsarada kala duduwan iyo moobaylada, tablet-ka iyo kombiyuuteradaba.

Maxaa macluumaadka loo keydinayaa markaan boggaga internedka rogrogaayo/baadhayso?

Tani waa inay ka dhakhso badnaato inaad bogga aragto marka labaad ee aad soo booqato. Taas waxa loo yaqaanaa keydinta-cache.

Waxay keydin kartaa waqti iyadoo arin wanaagsan noqon kara. Laakiin dadka kale ee isticmaala isla moobaylkaas, kombiyuuterkaas ama tablet-kaas ayaa arki kara macluumaadkaas. Sidaas daraadeed, ayaad ugu baahan tahay inaad ka saarto haddii aad rabto inaad taas sir ka dhigto/in ay sir kuu ahaato.

TAad bogga xaggiisa sare