Dhaqso uga bax bogga!
Dagaal iyo dulmiyada

Xadgudubka dhanka galmada

Sexuella trakasserier - somaliska

Dhibaateynta galmada la xiriirta waa marka uu qof sameeyo ama sheego shey la xiriira jirka ama galmada, islamarkaana qofka kale u arko xad gudub. Dhibaateynta galmada la xiriirta ma aha wax fiican. Waxay noqon kartaa fal dambiyeed.

En hand som tar på en annan persons rumpa. Illustration.

Qof walba waa lagu sameyn karaa dhibaateynta galmada la xiriirta. Muhiim ma aha jinsigaada.

Waa kuwaan tusaalooyinka qaar ee Dhibaateynta galmada la xiriirta:

  • Qof loo fooriya ama loo fiiriya qaab uu isaga jecleysanin.
  • Qofka jirkiisa oo wax la sheega, uu isaga jecleysanin.
  • Qofka jirkiisa oo la taabto ama la qabto, uu isaga jecleysanin.
  • Qof loogu yeero shey galma la xiriira, uuna islamarkaana jecleysanin.
  • Qof oo loo soo jeediyo fikir galmada la xiriira, oo uuna rabin.
  • In la faafiya warar kutiri kuteen ah oo qof ku saabsan lana xiriira jirkiisa ama galamo.
  • In la diro fariimo sida sawirada ama muqaalo galmo ah, oo aanu qofka kale rabin.
  • In la faafiyo muuqaalada qofka oo uu islamarkaan rabin.

Adiga ay ku saameysay ayaa go’aamin kara waa maxay xadgudubka galmadu

Mararka qaar wey adag tahay in la ogaada iney wax wanagsan yihiin, ama eysan wanaagsaneyn. Mararka qaar waxayaabaha qaar ayaa laga yaabaa iney marka hore fiican yihiin, laakiin wakhti dambe ey xumaadaan.

Dareemahaada aamin. Haddii aad aragtid wax aan lagu farxin, waa wax aan ku farax gelinin. 

Meddelanden på en mobil: "Du är så sexig, dina bilder, din kropp... Ska vi ses?" "Hallå kan du svara?" "Nej, det vill jag inte." "Kom igen, du kommer gilla det". Illustration.

Ma aha khaladkaaga haddii ay kugu dhacaday

Waxaa laga yaabaa iney adkaato inaad ogaato waxa aad sameyneysid haddii dhibaateyn la xiriirta galmada lagugu sameeya. Waxaa laga yaabaa inaad u maleysid in wax xun aad sameysay. Ka dib, waxaa laag yaabaa inaad bilowdo inaad si xun dareento, tusaale, in madaxu ku xanuuno ama caloosha ay ku xanuunto ama aad murugooto oo welbehaar ku galo.

Laakiin ma aha khaladkaaga. Qofka kale wuxuu sameynayaa shey uusan u xaq ulahayn inuu sameeya. Muhiim ma aha sida aad u eegtahay, waxa aad xidhantahay, ama xiriirka aad leedahay. Muhiim ma aha in qofka kala uu si xun ama si fiican ujeedo.

Maxaan sameaa haddii xadgudubka galmada la xiriirta la igu sameeya?

Waa kuwaan talooyinka qaar:

  • Iska dhici
    Dheh, tusaala, "Waxaad taabatay dabadeyda, ma fiicna, waxaana rabaa inaad joojisid" ama "Ma jecli fariinta noocaas". Qof weydiisa caawimaad ama u sheeg haddii aad rabtid.

  • Qof u sheeg haddii dhibaateynta eysan joogsanin
    Saaxiib u sheeg, qof weyn ood ku kalsoon tahay, macalin, saaxiib ama qof kale. Waad is raaci kartaan oodna u sheegi kartaan maamulaha, booska ama qof kale, iyadooy ku xiran tahay goobta dhibaateynta ey ka dhacday.

  • Taageera weydiiso
    Tusaala, haddii baarka ama baska ey ka dhacdo, raadi haddii uu jiro qof halkaa ka shaqeeya oo ku caawin kara. Ama qof kala waydiiso taageero. Wac booliska haddii aad u maleyso in fal dambiyeed laguugu sameeyay.

  • Isla sheega
    Ma tihiin dad badan oo xadgudub loo geystay? Waxaa laga yaabaa iney sahlan tahay inaad isla sheegataan. Islamarkaana u sheeg agaasimaha, booska ama qof kala, iyadoo ku xiran meesha uu falka ka dhacay.

  • Qaada taageera si aad wanaag u dareentid
    Inta badan waxaa fiican inaad ka hadashid wixii dhacay. Tusaala, la xirii goobta qaabilaadda dhalintaxarunta caafimaad ama tjejjour. Waxaad aadi kartaa dhakhtarka dugsiga ama caafimaadka ardayda ahaddii aad dhigatid dugsi ama kuleej.

  • So sheeg dhibaateynta ka dhacda dugsiga, kuleejka ama shaqada
    La xiriir macalin ama mudiirka ama shaqaala kala haddii dhibaateynta ey ka dhacda dugsiga ama kuleejka. La xiriir wakiilada canuga iyo ardayga haddii dhibaateynta ey sii socoto ka dib marka aad sheegatid.

    La xiriir booska, qofka aad u sahqeyso ama wakiilka arimaha ammaanka haddii dhibaateynta ey ka dhacda shaqada. La xiriir diskrimineringsombudsmannen haddii dhibaateyntu sii socoto xitaa markaad soo sheegtid ka dib.  

Xadgudubka la xiriirta galamda waxey noqon karaan fal dambiyeed

Dhibaateynta galmada la xiriirta waxey noqon kartaa fal dambiyeed. Tusaala, waxaa laga yaabaa iney dambi tahay in qof loo diro sawir, jinsigiisa la muujiya, ama la daaro qofka jirkiisa isaga/iyadoon rabin.

Waxaad u soo sheegi kartaa booliska haddii fal dambiyeed laguugu sameeyay. Mar walba waxaad la hadli kartaa booliska haddii aadan hubin iney fal dambiyeed tahay.

Xadgudubka la galamda oo ka dhacada shaqada

Ma aha in qof lagu sameeya dhibaateyn la xiriirta galma oo ka dhacda dugsi, kuleej ama goob shaqa. Waxaa jira xeerar iyo sharci ku saabsan. Maamulaha ama shirkadda aad u shaqeysa waa iney hubisa in dhibaateynta ey dhammaatay, haddii ey og yihiin in qofka la soo ba dhigay.

Waxaa laga yaaba inuu jiro takkoor haddii dugsiga, kuleejka ama shirkadda aad u shaqeysid ey ka shaqeynin in dhibaateynta ey dhammaato.

Maad u soo bandhigtay qof dhibaateynta xadudubka galmada la xiriirta?

Marnaba ma fiicna inaad sameysid ama sheegtid wax la xiriira jirka qofk, maadaama uu qofka kala rabin. Dhibaateynta galmada qaarkeed waa fal dambiyeed.

Qofka aad ku soo ban dhigtay dhibaateynta waxaa laga yaabaa inuusan jecleysanin. Muhiim ma aha haddii aadan u maleynin iney inay ahayn mid dhab aha ama wax kala.

Hubi inaad fiirisid iney fiican tahay inaad qofka wax ka sheegtid ama jirkiisa aad taabatid.

Maad ka walwalsan tahay ama ka xun tahay wax aad sameysay? La xiriir agaasimaha dugsiga, goobta qaabilaadda dhalinta ama xarun caafimaad.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la sheega haddii aad aragtid qof u soo bandhigaaya dadka kale in dhibaateyn lagu sameeya. Muuji ineysan ficneyn. 

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Soo wargalinta booliiska

Waa inaad booliiska soo wargaliso haddii aad is leedahay waxa ku soo gaadhay fal danbi, ama haddii aad markhaati ka tahay fal danbi.

Mawduuc

Sidan ayaad samaynaysaa haddii aad u baahan tahay daryeel

Dhamaan dadka ku nool Iswiidhan waxa ay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka marka ay u baahan yihiin. Soo wac 112 haddii aad adigu ama qof kale uu qabo dhaawac ama cudur nolosha u halis ah.

TAad bogga xaggiisa sare