Dhaqso uga bax bogga!
In wax xun la dareemo

In wax xun la dareemo

Om du mår dåligt - somaliska

Qofkastaa marmar ayuu wax xun dareemaa. Waxa laga yaabaa inay wax xun kugu dhaceen ama inaad is weydiinayso sida ay wax noqon doonaan. Marmarka qaarkood ayaad xanuun dareemi kartaa adigoon sababta garaneyn. Waxa jira waxyaalo adigu aad sameyn karto si aad uga roonaato. Waxaad sidoo kale heli kartaa caawimo si aad uga roonaato.

En person sitter med huvudet tungt lutat i händerna. Illustration.

Qoraalkan waxa uu ka hadlayaa in maskax ahaan wax xun la dareemo. Waxaad maskax ahaan wax xun dareemi kartaa haddii ay wax kugu soo dhaceen, tusaale ahaan, dagaal ama xadgudubka galmada. Waxaad wax xun dareemi kartaa markaad wax ka warwarsan tahay, tusaale ahaan qoyskiina ama sida ay noqon doonto mustaqbalka.

Waxaad sidoo kale wax xun dareemi kartaa adigoo sababta aan garaneyn. Mararka qaarkood aay sababi jirtaa inkastoo aanad garaneynin waxa ay tahay. Dadka qaar ayaa sidoo kale u nugul inay welwel ama niyad jab dareemaan marka la garab dhigo dadka kale. 

Waxa taas laga dareemi karaa jirka, dabeecada iyo hurdada

Waxaad tusaale ahaan adigu yeelan kartaa madax xanuun ama inay calooshu ku xanuunto. Waxaa kugu adkaan karta inaad isdejiso oo aad seexato. Waxaa ku qaban karta baahi ka badan ama mid ka yar sida caadiga aheyd. Waxa laga yaabaa inaad si dhib yar u murugooto ama u oydo. Waxa sidoo kale caadi ah inaad xanaaqdo ama inay kugu adkaato inaad wax ahmiya saarto. 

Waxaad sidaas oo kale dareemi kartaa xataaa haddii ay muddo dheeri ka soo wareegtay markay xaalada adag ama wax khatar ahi kusoo mareen. Waxa laga yaabaa inay wax lala yaabo noqoto in wax xun la dareemo. Laakiin, ma aha taasi wax la yaab leh ama aan caadi ahayn.

Qofna ma faraxsana markasta. Waxay ka mid tahay nolosha in marmarka qaar la niyad jabsanaado ama la warwaro/murugoodo.

Qof u sheeg

Isku dey inaad saaxiib ama qof weyn oo aad ku kalsoon tahay kala hadasho sida aad dareemayso. Waad nafiseysaa markaas ka dib. Waxa muhiim ah inaad qof u sheegto haddii aad dareemo waxyaalo qalafsan/xunxun, tusaale ahaan haddii aad leedahay dareen ah in aanad awoodi kareynin inaad sii noolaato.

Mararka qaar way ka dhib yartahay in lagala hadlo qof aadan aqoonin oon la arkeynin. Waxa halkan ku yaala liistada meelaha aad telefoon kula xiriiri karto, internedka kala chatt gareyn karto ama emayl u diri karto haddii aad xanuunsaneyso (ku qoran Iswiidhish bogga UMO.se).

Talooyin si aad uga roonaato

Halkan waxa ku yaala dhowr wax oo aad sameyn karto si aad uga adkaato, ugana faraxsanaato oo uga daganaato:

  • Dhaqdhaqaaq samee, tusaale ahaan adigoo tabobaranaaya ama soo socsoconaaya.
  • Cun cunto fiican. Waxa wanaagsan in la cuno cuntooyin kala duduwan iyo khudrad iyo khudaar cagaara oo badan. Cun quraac, qado, casho iyo waliba cunto fudud maalin walba.
  • Isku dey inaad waxbadan oo kugu filan seexato. Waxa wanaagsan in la seexdo xiliga habeenkii.
  • Samee waxyaaalaha aad jeceshay oo lana sheekeyso dadka aad jeceshay.

Waxyaalahaa ayaa kuu dhib fududeynaaya inaad kari karto waxyaalaha aad rabto inaad qabato.

In la cabbo khamriga ama la isticmaalo daroogooyinka kale ayaan habooneyn. Waxay taasi keeni kartaa inaad ka sii xumaato.

Marmarka qaarkood waxa dhibyar inaad adigu wax sameyso si aad uga roonaato. Marmarka qaarkoodna waa ay ka adag tahay, tusaale ahaan haddii ay wax aad u xun ku soo mareen.

Raadso caawimo haddii aad xoog u xanuunsaneyso

Waa inaad raadsato caawimo haddii aad muddo dheer xanuunsaneysay ama haddii aad xoog u xanuunsaneyso. La xidhiidh tusaale ahaan ungdomsmottagningvårdcentral ama barn- och ungdomspsykiatrin (bup). Waxaad caawimo ka heli kartaa skolsköterskan ama skolkuratorn haddii aad dugsiga dhigato.

Wac 112 ama la xidhiidh psykiatrisk akutmottagning haddii adiga ama qof kale uu aad u xanuunsanaayo oo uu si degdeg ah caawiimo ugu baahan yahay. Wac telefoonka 1177 si aad ugu ogaato meesha aad aadayso.

Qof aad garaneyso weydiiso caawimo inuu ku siiyo haddii aad u baahan tahay.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Filim: Miyay ku soo mareen wax baqdin badan ku galiyey?

Waxaad baqdin dareemi kartaa mudo dheer ka dib. Waxaad u baahan kartaa caawimo si aad u dareento amaan mar labaad.

Mawduuc

Filim: Talooyin si aad uga wanaagsanato

Miyaad ogsoon tahay inaad adigu sameyn karto waxyaalo kala duduwan si aad uga wanaagsanaato (sidii aad dareen fiican u dareemi lahayd) oo aad tamar ka badan ugu hesho? Halkan waxa ku qoran afar talooyin!

Mawduuc

Xarunta daryeelka dhalinta

Waxaad Xarunta daryeelka dhalinta tagi kartaa haddii aad qabto su'aalo ku saabsan jidhka, galmada ama kahortagga uurka. Waxaad sidoo kale halkaas tagi kartaa haddii aad jiran tahay oo aad u baahan tahay qof aad la hadasho.

Mawduuc

Sidan ayaad samaynaysaa haddii aad u baahan tahay daryeel

Dhamaan dadka ku nool Iswiidhan waxa ay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka marka ay u baahan yihiin. Soo wac 112 haddii aad adigu ama qof kale uu qabo dhaawac ama cudur nolosha u halis ah.

TAad bogga xaggiisa sare