Sawiro is-dabayaal: Ka ganacsiga dadka
Bildspel: Människohandel - somaliskaKa ganacasiga dadka oo sidoo kale loo yaqaano mukhalisnimada. Waa marka cid kaa faa’iidaysato ama ku isticamaasho si ay lacag kaaga sameeyaan. Tusaale ahaan waa marka cid kale go’aamiso in aad galmada ama maan-dooriye iibiso. Ka ganacasiga dadku waa sharcidaro iyo kan ku isticmaalayaba, haseyeeshee adigu maad samayn wax danbi ah. Adiga khaladkaaga maaha hadii cid kale ku isticmaasho ama kaa faa’iidaysato. Waxad heli kartaa cawimaad si aad uga xorowdo xaaladaas.

Adiga sidan oo kale makugu dhacday?
Ka ganacsiga dadku waa uu kala duwanaan karaa. Waa kuwan dhawr tusaale:
- In ay cid kale kuu diyaariso sidii aad galmo u samayn lahayd adiga oo lacag ka qaadanaya, maan-dooriye ama si laguu siiyo meel aad degto.
- In cid kaa caawiso in aad u safarto wadan kale, kadibna lagugu khasbo in aad iibiso galmada si aad daynkoodii iskaga bixiso.
- In cid kugu khasabto in aad shaqayso, wax xado ama maan-dooriye iibiso.
Marmarka qaar dad kala duwan ayaa qabta hawlo kala duwan. Tusaale ahaan hadii qof kuu balan qaado shaqo, qof isku duba-rido safar, qof kale oo diyaariya in aad la kulanto qof si aad galmo u samayso.