Dhaqso uga bax bogga!
Galmada

Su’aal: Galmo ayaan lacag ka bixiyay, hadana si fiican ma dareensani

Jag betalade för sex, och nu känns det inte bra - somaliska

Su’aal

Gabar ayaan lacag siiyay si ey guska iigu dhuuqdo. Wey fiicnayd laakiin si fiican ma dareemin galmada ka dib. Hadda, waxaan la ogayn in cudur galamda laga qaada uu igu dhacay?

Jawaab

Waxaa laga yaabaa inuu kugu dhacay cudur galamda laga qaado. Cudurada qaar oo galmada laga qaado galmada afka ayaa la iskugu gudbin karaa. Waxaad ogaan kartaa inaad qaaday cudur galmada laga qaado haddii aad isa soo baarto. Waxaad iska baari kartaa xarunta dhalinta ama xarun caafimaad. 

Waxaad sameysay wax aan la ogoleen markaad gabadha lacag ku siisay iney guska kuu dhuuqdo. Waa dambi islamarkaana ganaax mudan inaad lacag ku bixiso ama wax kale si aad galmo u sameyso. Muhiim ma aha nooca galmada ey tahay. Muhiim ma aha marka ey dhaceyso. Muhiim maaha sida aad ku wada xiriirteen ama haddii aad is garaneyseen. 

Waxaa laga yaabaa inay jiraan qaabab kala duwan oo lacag looga bixiyo galmada. Tusaale, wanaag, farxad leh, ama xaalad adag. Dadka qaar si xun ayey dareemaan galmada ka dib, sida aad adiga sheegtay oo kale. Waxaa laga yaabaa inaad u maleyso in gabadha eysan guska kuu nuugin haddii wax lacag ah aadan siinin. 

Ma rabtaa in qof aad kala hadasho haddii aad galma lacag ka bixiso, ama hesho cawimaad si aad u joojiso lacag ka bixinta galmada? U sheeg qofka markaad la kulanto tijaabada ka dib. Sidoo kale caawimaad ayaad heli kartaa haddii aad la xiriirto waaxda adeegyada bulshada ama leenka caawimaadda PrevenTell ama telefoon nambarka 020-667788. 

Sidoo kale si fiican ayaad dareemi kartaa haddii aad qof kala hadashid waxyaabah aan ficnayn.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Ka ganacsiga galmada - in aad galmo sameeso si aad wax ugu hesho

In jidhkaaga aad ka ganacsato waxay micnaheedu tahay in wax lagu siiyo, si aad wax galmo ku lug leh u sameyso. Waxa laga yaabaa inaad taas si xor ah u sameyso ama in aad dareentay inaad ku qasban tahay. Haddii ay taasi ku soo martey ayaad heli kartaa kaalmo iyo caawimo.

Mawduuc

Cuddurada lagu faafiyo galmada

Waxaad qaadi kartaa cudurada lagu kala qaado galmada marki aad galmo la sameyso. Isbaar nafsad ahaantaada hadii aad u maleyso in aad qaaday cuddurada lagu kala qaado galmada. Waxaa jirto daawo taaso caawineyso. Daawada waa mid bilaash ah.

Mawduuc

Xadgudubka galmada

In qof lala sameeyo wax galmo ku lug leh isagoo aan rabin, ayaa ah xadgudubka galmada. Waxaad adigu heli kartaa caawimo haddii laguu geystey xadgudubka galmada.

Mawduuc

Sidan ayaad samaynaysaa haddii aad u baahan tahay daryeel

Dhamaan dadka ku nool Iswiidhan waxa ay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka marka ay u baahan yihiin. Soo wac 112 haddii aad adigu ama qof kale uu qabo dhaawac ama cudur nolosha u halis ah.

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare