Dhaqso uga bax bogga!
Dagaal iyo dulmiyada

Xadgudubka galmada

Sexualbrott - somaliska

In qof lala sameeyo wax galmo ku lug leh isagoo aan rabin, ayaa ah xadgudubka galmada. Waxaad adigu heli kartaa caawimo haddii laguu geystey xadgudubka galmada.

En person i jeans och t-shirt sitter på golvet, med armarna runt sina knän.  Illustration.

Marna adiga ma aha qaladkaaga haddii laguu geystey xadgudubka galmada. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho kaalmo iyo caawimo haddii taas lagugu sameeyey.

Tusaale waxyaalaha ka midka ah xadgudubka galmada:

  • In si dareen kacsi leh loo taabto qof kale jidhkiisa, isagoo aan qofku rabbin.
  • In qofka lagu qasbo galmo ama waxyaalaha kale ee galmada ku lug leh.
  • In galmo lala sameey qof aan dhaheynin ama muujineynin inuu isagu rabo/inay iyadu rabto.
  • In loo hanjabo qof oo uu markaa dareemo inuu ku qasban yahay inuu galmo la sameeyo.
  • In lagu qasbo qof inuu ku eego marka la sameynaayo wax galmada ku lug leh.
  • In la iibsado ama la is weydaarsado galmo, tusaale ahaan iyadoo lacag ama waxyaalaha kale la bixinaayo.

Marna ma aha adiga qaladkaaga

Marna ma aha adiga qaladkaaga haddii uu qof ku soo weeraro. Qofna xaq uma laha inuu kula sameeyo wax galmo ku lug leh haddii aanad adigu rabbin.

  • Wax micne ah ma sameynayso haddii aad qofka garanayso iyo haddii aanad garaneyn.
  • Wax micne ah ma sameynayso haddii aad qofka jeceshay.
  • Wax micne ah ma sameynayso haddii aad qofka is qabtaan.
  • Wax micne ah ma sameynayso sidaad u eg tahay iyo sidaad u labisan tahay.
  • Wax micne ah ma sameynayso haddii aad marka hore haa tidhi. Waxaad markasta xaq u leedahay inaad isbedesho oo aad maya tidhaa!
  • Ma aha muhiim in aanad maya dhihin. Ma aha inuu qofna kuu galmoodo haddii aanad dhaheynin ama muujineynin inaad rabto.

Dadka qaar ayaa qayliya oo dagaalama marka la soo weeraro. Waxa sidoo kale caadi ah in aan la awoodi karrin ama lagu dhici karin in la qeyliyo ama la iska caabiyo/celiyo. Hadhow ayaa laga yaabaa inaad is tidhaahdo maxaad iskaga caabiyi weydey. Laakiin waa xadgudub haddii ay adiga oo aan rabin taasi dhacdey, xataa haddii aad qeylin kari weydey ama iska caabiyi kari weydey.

Dadka qaar badan ayaa wax xun dareema weerar kadib

Waxa caadi ah in aad wax xun dareento weerar kadib. Dadku siyaabo kala duduwan ayay uga fal celiyaan taas. Haddii uu xadgudub ku soo gaadhay ayaa laga yaabaa inaad xaaladahan mid ka mid ah iska dhex aragto:

  • Waad niyad jabsan tahay, istarees ama warwar ayaa ku haya.
  • Hurdadu way kugu adagtahey.
  • Waxaad ku riyooneysaa riyooyin xunxun.
  • Waxaad inta badan ka fikirtaa weerarkii.
  • Waxaad sameysaa waxyaalo aad wax xun ka dareemayso.
  • Waxa ku xanuunaaya madaxa ama jidhka.
Två personer sitter nära varandra. Den ena lyssnar på den andra. Illustration.

Waxaa caadi ahaan wanaagsan inaad ka hadasho

Sida ugu wanaagsan ee lagaga roonaadaa waa inaad ka hadasho waxa dhacay. Qaar badan ayaa u arka inay fikrad wanaagsan tahay inaad marka hore u sheegto saaxiib ama qof ka mid ah qoyska. Dadka qaar ayaa door bida inay qof kale kala hadlaan.

Marmarka qaarkood ayay qadataa wakhti dheer in laga hadlo. Waxa caadi ah in qofka wax geystey iyo qofka wax loo geystey ay is yaqaanaan. Markaas ayay ka sii adkaanaysaa inaad taas ka hadasho. Laakiin waxa dhacey waa qalad. Iyadoo aanay marna daahin/habsan aheyn in laga hadlo.

Waxaa xaq u leedahay inaad ka caawimo hesho

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho kaalmo iyo caawimo haddii laguu geystey xadgudubka galmada. Taasi waxay khuseysaa dhamaan, iyadoo aan loo eegeyn cida aad tahay iyo meesha uu xadgudubku ka dhacay. Waxa jira meelo badan oo aad ka heli karto caawimo.

Waxaad tusaale ahaan ka bilaabi kartaa inaad kala hadasho skolkuratorn ama qof kale oo jooga ungdomsmottagning. Waxa caado ah inaad la kulanto dadka soo maray waxaad soo martey oo kale. Waxa qabanaaya xeerka sir dhowrista iyagoo kaa caawin kara inaad hesho caawimada ku haboon.

Waxaad Brottsofferjouren ka heli kartaa caawimo qof ku hadlaaya adiga luqadaada.

Ha iska joojin haddii ay adagtey inaad ka hadasho marka hore. Isku dey inaad kala hadasho qof kale.

Baadhitaanada dhakhtarka

Waxa wanaagsan in la sameeyo baadhitaan caafimaad kadib marka xadgudub galmada uu dhacey. Taas waxaad ka sameyn kartaa qeybta gargaarka degdega ama xarunta caafimaadka. Haddii aad gabadh tahay ayaa sidoo kale lagugu baadhi karaa dhakhtarka dumarka.

Waxa laguu sheegi doonaa hadii uu wax dhaawac ahi ku soo gaadhay ama haddii aad cudur qaaday. Gabadh ahaan waxaad sidoo kale ogaan doontaa inaad uur qaaday . Meelo badan ayaad kala hadli kartaa la-taliye.

Haddii aad sameynayso soo wargalin booliiska ayay wanaagsna tahay in baadhitaanka dhakhtarka la sameeyo sida ugu dhakhsaha badan ee xadgudubka ka dib.

In la soo wargaliyo booliiska

Waxa wanaagsan in la sameeyo soo wargalin booliiska. Markaa ayaa qofka ama dadka wax ku soo gaadhsiiyey la xukumi karaa. Waxaad sidoo kale xaq u yeelan kartaa in lagu siiyo magdhow, xataa haddii qofka danbiga galay aan lagu helin. Magdhowgu waa lacag lagu siin doono.

Waxa wanaagsan in la sameeyo wargalinta booliiska sida ugu dhakhsaha badan. Laakiin waxaad soo sheegi kartaa, xataa haddii ay sanaddo badan ka soo wareegay.

Waxaad adigu heli kartaa caawimo haddii aanad awoodin inaad kaligaa sameyso soo wargalinta booliiska. Tusaale ahaan inuu ku caawiyo qof jooga ungdomsmottagning dugsiga ama vårdcentral.

Haddii aad ka baqanayso qofka ku soo gaadhsiiyey danbiga

Waxa wanaagsan in la sameeyo wargalinta booliiska haddii aad ka baqanayso qofka ku soo gaadhsiiyey xadgudbka. Markaa ayaa qofka xadgudubka sameeyay la siinayaa waxa loo yaqaan mamnuucida la xidhiidhka. Markaas ayaanu qofku ku soo booqan karin adiga ama aanu si kale kuula soo xidhiidhi doonin. 

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Soo wargalinta booliiska

Waa inaad booliiska soo wargaliso haddii aad is leedahay waxa ku soo gaadhay fal danbi, ama haddii aad markhaati ka tahay fal danbi.

Mawduuc

Cod iyo Muqaal: Waa maxay galmo okay?

Mararka qaarkood waxaa adag in la ogaado waxa fiican iyo waxaan fiicneen oo aan marka ay timaado galmada. Halkan waxa aad ka arki kartaa wixi sharci iyo sharci-darro ah.

Mawduuc

Sidan ayaad samaynaysaa haddii aad u baahan tahay daryeel

Dhamaan dadka ku nool Iswiidhan waxa ay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka marka ay u baahan yihiin. Soo wac 112 haddii aad adigu ama qof kale uu qabo dhaawac ama cudur nolosha u halis ah.

TAad bogga xaggiisa sare