Dhaqso uga bax bogga!
Dagaal iyo dulmiyada

Soo wargalinta booliiska

Polisanmälan - somaliska

Waa inaad booliiska soo wargaliso haddii aad is leedahay waxa ku soo gaadhay fal danbi, ama haddii aad markhaati ka tahay fal danbi.

Två personer står och pratar med en polis utomhus.
Uma baahnid in garanayso waxaasi in uu yahay danbi iyo in kale. Waad samayn kartaa in aad booliska wargaliso hadana.

Waxa fiican in loo soo sheego sida ugu dhakhsaha badan ee danbiga ka dib. Laakiin waxaad danbi soo sheegi kartaa, xataa haddii uu wakhti badan ka soo wareegay.

Halkan ayaad ka ogaanaysaa sidaad u sameynayso soo wargalinta booliiska

  • Wac 112 haddii ay arrintu degdeg tahay ama haddii uu falka danbigu wali sii dhacaayo. Waxaad sidoo kale wici kartaa 112 haddii aad aragto shil, haddii meel gubanayso ama haddii qof u baahan yahay ambulaans. 
  • Haddii uu booliis kugu dhow yahay ayaad iyaga toos u wargalin doontaa. 
  • Wac lambarka booliiska ee 114 14 haddii lagu xadey. Sidoo kale waa halkan meesha aad waceyso haddii uu wakhti ka soo wareegay marka uu danbigu dhacay. 
  • Internedka ayaad ka soo wargalin kartaa haddii wax lagaa xaday. 
  • Saldhiga booliiska ayaad tusi kartaa dhaawacyada iyo cadeymaha kale. Waxaad usii kaxeysan kartaa qof haddii aad halkaa tageyso.  

Sababtee baan ashtakeyn dembi ugu soo gudbiyaa booliiska?

Waxa wanaagsan in fal danbi loo soo sheego booliiska, sababo badan darteed.

  • Dadka danbiga galay waa la xukumi karaa.
  • Waxaad dib u heli kartaa wixii lagaa qaatey.
  • Waxa fududaaneysa in caawimo laga helo ururrada caawiya dhibanayaasha.
  • Adiga ayaa niyad ahaan si ka wanaagsan dareemaaya markaad soo wargaliso booliiska.

Maxaa la iga caawin karaa?

  • Waxaad sii kaxaysan kartaa qof aad garanayso marka aad wargalinta booliiska sameynayso.
  • Waxaad taageero iyo caawimo ka heli kartaa brottsofferjour, waa urur caawiya dadka danbi laga galay.
  • Waxaad adigu caawimo ka heli kartaa haddii aad ka cabsooneyso qofka danbiga ku soo gaadhsiiyey.

Markaad dhibane tahay ayaad sidoo kale inta badan xaq u leedahay garyaqaan ku caawiya xiliga baadhitaanka hore iyo xiliga maxkamadada. Uma baahnid inaad lacag ka bixiso taas. U sheeg booliiska ama xeer ilaaliyaha inaad doonayso caawimadaas.

Waxaad sidoo kale caawimo ka heli kartaa haddii aad baqaneyso/cabsooneyso ama cid danbi kaa gashay ay kuu hanjabtey. Qofkaas waxa laga mamnuuci xidhiidhka, markaas oo aanu ku soo booqan doonin, ku soo wici doonin ama si kale kuula soo xidhiidhi doonin. Waxaad in xidhiidhka laga mamnuuco ka dalbanaysaa booliiska.

Muxuu doonayaa inuu boolisku ogaado?

Markasta oo aad dacwad boolis gudbiso, waxaad sheegaysaa magacaaga, telefoonkaaga iyo meesha aad degan tahay. Sidoo kale waxaad ka waramaysaa wixii dhacay, inta ugu badan ee aad awoodo. Tusaale ahaan meesha ay ka dhacaday iyo xiliga ay dhacday.

Booliska ayaa ku waydiin doona waxyaabo badan, tasoo ku xidhan danbiga aad soo gudbinayso waxa uu khuseeyo. Booliska ayaa dooni kara in ay ogaadaan dhaawacyada kusoo gaadhay hadii waxyeelo laguu gaystay ama xadgudub kugu dhacay. Booliska ayaa ku waydin kara markada ama nooca moobilkaaga hadii lagaa xaday.

Wax waad ka beddeli kartaa dacwadaada hadii aad gadaal ka soo xasuusato wax kale.

Sidee ayaan u ilaalin karaa caddaynta dambiga?

Booliska ayaa laga yabaa in uu baadhitaan ku sameeyo kadib danbigu markuu dhacay. Sidaa darteed waxaa lagaa rabaa in aadan nadiifin ama waxba ka badalin meesha danbigu ka dhacay. Ma maydhaysid ama ma tuuraysid dharkaaga hadii lagu jirdilay ama xadgudub galmada laguu gaystay.

Way wanaagsan tahay in uu dhakhtar ku baadho haddii lagu jirdilay ama xadgudub danbiga galmada laguu gaystay. Tusaale ahaan waxa lagugu baadhi kara xarunta daawaynta degdega ah (akutmottagning), xarunta cafimaadka (vårdcentral) ama xarunta cafimaadka qaabilaada dhalinyarada (ungdomsmottagning).

Waxa jira cadayn aad adigu meel dhigan karto iyo kuwo kale oo aad booliska tusi karto.  Tusaale ahaan waxaad ka qaadi kartaa sawir shaashada mobilkaaga ama kombuyuutarkaaga hadii cidi ku hanjabto ama ay fidinayaan sawiro aad adigu leedahay.

Yaa ogaan kara in aan sameeyay dacwad boolis?

Boolisku ciduu doono iskagama sheegi karo dacwada aad samaysay. Laakiin dacwad boolis ma ahaan karto mid gebi ahaanba ah sir.  Waxa dhici karta in boolisku u sheego ilaaliye, hay’adda adeegga bulshada (socialtjänsten) ama waalidkaaga amaba cida kaa masuulka ah –laakin waa hadii ay adiga amnigaaga sugan yahay uun. Sidoo kale boolisku waxa uu u sheegi karaa cidii lasoo dawceeyay ama danbiga looga shakisanaa. Booliska u sheeg hadii aad ka cabsi qabto qofka aad dacwaysay. Boolisku wuxuu u baahan yahay in uu ogaado hadii aad u baahan tahay in lagu ilaaliyo.

TAad bogga xaggiisa sare