Dhaqso uga bax bogga!
Galmada

Ka ganacsiga galmada - in aad galmo sameeso si aad wax ugu hesho

Sälja sex - att ha sex och få något för det - somaliska

In jidhkaaga aad ka ganacsato waxay micnaheedu tahay in wax lagu siiyo, si aad wax galmo ku lug leh u sameyso. Waxa laga yaabaa inaad taas si xor ah u sameyso ama in aad dareentay inaad ku qasban tahay. Haddii ay taasi ku soo martey ayaad heli kartaa kaalmo iyo caawimo.

En person som tagit emot en betalning via mobilen. Illustration.

Waxa loo yaqaan in jidhkaaga aad ka ganacsato xataa haddii wax kale oo aan lacag aheyn lagu siiyo si aad wax galmad ku lug leh u sameyso. Tusaale ahaan meel aad seexato, telefoonka gacanta, cunto, daroogo, dhar ama shaqo.

Maxaa jidhka looga ganacsadaa?

Dadka qaar ayaa jidhka ka ganacsada maadaama oo ay dareemayaan inay tahay sida kaliya ee ay wax ay doonayaan ku heli karaan, sida lacag ama meel ay seexdaan. Dadka kale ayaa lagu khasbaa, loogu hanjabey ama laga dhaadhiciyaa. Dadka qaarkood ayaa ku fikira inay tahay si dhibyar oo lagu helo waxyaalaha ay doonayaan.

Sidee la dareemi karaa marka jidhka laga ganacsado?

Waa ay kala duduwan tahay sida la dareemaayo kadib marka jidhka laga ganacsadey. Waxa caadi ah in si qarsoodi loo sameeyo in jidhka laga ganacsado, iyo inay taasi keento inay dadku kali dareemaan.

Dad badan ayaa si xun dareem kadib markey jidhkooda ka gancsadeen. Haddii aad dareemayso in lagugu qasbaayo inaad sameyso waxyaalo aanad rabin, ayaad dareemi kartaa cabsi, in lagu isticmaalay iyo awood la'aan

Waxaad heli kartaa caawimo iyo taageero

Haddii aad jidhka ka ganacsatey ayay wanaagsan tahay in aad qof u sheegto. Waxaad sida caadiga ah la dareemaa inay wax wanaagsan tahay haddii aanad qarin.

Adiga ayaa go'aaminaaya waxa aad rabto inaad sheegto iyo cida aad u sheegeyso. Waxaad tusaale ahaan noqon kartaa qof ka shaqeeya ungdomsmottagning. Waxaad sidoo kale heli kartaa caawimo si aad ugu joojiso inaad jidhkaaga ka ganacsato iyo taageero si aad uga roonaato.

Waxaad sidoo kale heli kartaa haddii aad ka werwersan tahay cudurada xubhana taranka ama uur. Waxa jira sidoo kale meelo aad adiguaad wici karto ama aad internedka kala xidhiidhi karto, adigoo aan magacaaga sheegeyn.

Uma baahnid inaad waligaa jidhkaaga ka ganacsato si aad cunto ama meel aad deganaato u hesho. La xidhiidh socialtjänsten, haddii aad u baahan tahay caawimo.

Waa danbi in la gato galmo

Waa sharci darro in qof la siiyo lacag ama wax kale si aad ugu galmooto. Wax micno ah ma sameynayso nooca ay tahay galmadu, meesha ay ka dhacayso ama cidda wax bixineysa. Qofka lacag bixiya si uu galmo u sameeyo ayaa ganaax iyo xabsi lagu xukumi karaa. Taasi waxay xataa khuseysaa haddii qofka la khiyaameeyo oo aan waxba la siin.

Waxa khaasatan khatar ah in galmo laga iibsado qof ka yar 18 sanno.

Waa xadgudub galmada in qof kule kuu galmoodo iyadoo aanad adigu rabin. Xataa haddii aad marka hore haa tidhi ayaad xaq u leedahay in aad isbedesho.

Haddii qof kale lacag ka faa'iidaayo inaad adigu jidhkaaga iibiso, ayaa xataa qofkaasi danbi galayaa. Tusale ahaan haddii qofku uu qorsheeyo in qof kuu galmoodo.

In jidhkaaga laga ganacsado ma aha danbi Swiidhan. Ma aad galin danbi haddii aad lacag qaadatey ama wax kale si aad galmo ugu sameyso. 

Waxaad adigu booliiska ka soo dacweyn kartaa qofka galmada kaa iibsadey

Waxaad adigu booliiska ka dacweyn kartaa qofka wax ku siiyey si aad galmo ugu sameyso. In booliiska laga soo dacweeyo ayaa dhorw arimood dartoodba ugu wanaagsanan karta:

  • Waxay taasi keeni kartaa inaad ka niyad wanaagsanaato.
  • Waxay joojin kartaa inuu qofku cid kale galmo ka iibsado.
  • Qofka galmada iibsadey ayaa la ciqaabi karaa.
  • Waxaad adigu xaq u yeelan kartaa in lagu siiyo magdhow Magdhowgu waa lacag lagu siin doono.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Sidan ayaad samaynaysaa haddii aad u baahan tahay daryeel

Dhamaan dadka ku nool Iswiidhan waxa ay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka marka ay u baahan yihiin. Soo wac 112 haddii aad adigu ama qof kale uu qabo dhaawac ama cudur nolosha u halis ah.

Mawduuc

Soo wargalinta booliiska

Waa inaad booliiska soo wargaliso haddii aad is leedahay waxa ku soo gaadhay fal danbi, ama haddii aad markhaati ka tahay fal danbi.

TAad bogga xaggiisa sare