Dhaqso uga bax bogga!
In caawimo la raadsado

Daryeelka qofka magangalyo doonka ah ama aan haysan waraaqaha sharciga

Vård för dig som är asylsökande eller papperslös - somaliska
En ung person sitter och samtalar med en äldre, vårdpersonal. Illustration.

Haddii aad 18 jir ka yartahey

Haddii aad 18 jir ka yartahey oo aad tahay qof magangalyo doon ah ama waraaqaha sharciga aan haysan, waxaad heli doontaa daryeel caafimaad iyo daryeelka ilkaha oo la mid ah ka da'yarta kale ee wadanka. Daryeelku inta badan waa lacag la'aan haddii aad 18 jir ka yartahey.

Haddii aad 18 jir ka weyntahay

Haddii aad buuxisey 18 sanno jir oo aad tahay magangalyo doon ama aanad haysan waraaqaha sharciga, ayaad heli doontaa daryeel caafimaad ama daryeelka ilkaha ee uu dhakhtar u arko in aanad sugi karin. Waxaad markasta heli doontaa daryeelka hooyada, talo bixinta iska soo tuurista iyo iska ilaalinta uurka.

Halkee ayaan ka heli karaa daryeel?

Waxaad adigu tagi kartaa goob kasta oo ka mid ah xarumaha caafimaadka ee ku yaala Swiidhan.

Daryeelada qaarkood ayaanad ka heli karin xarunta caafimaadka. Dhakhtarka jooga xarunta caafimaadka ayaa kuu sharixi kara waxaad sameynayso markaa, haddii aad tusaale ahaan u baahan tahay inaad la kulanto dhakhtarka indhaha, dhakhtarka dhimirka ama dhakhaatiirta kale oo takhasus leh.

Waxaad sidoo kale tagi kartaa ungdomsmottagning. Halkan waxa ku yaala lambarka iyo cinwaanka dhamaan ungdomsmottagningar

Waxaad adigu markasta wici kartaa lambarka 1177 si aad talo uga hesho.

Haddii adiga ama qof kale uu u baahan yahay ambulaans, wac 112.

Waa imisa kharashka daryeelku?

 

  • Booqashada dhakhtarka jooga xarumaha caafimaadka, iyo daryeelka aad ka heshay meel laguu soo gudbiyey, qiimahoodu waa 50 kronor.
  • Daaweynta dhakhtarka ilkahu waa 50 kronor.
  • Daawooyinka lagugu siiyo warqada dhakhtarku kuu soo qoro waxaad bixinaysaa ugu badnaan 50 kronor.
  • Waxba ma bixinaysid haddii dhakhtar lagu dhigo.
  • Daryeelka carruurta iyo daryeelka dumarka uurka leh iyo umushu waa lacag la'aan.
  • Haddii aad qabto cudurada faafa oo aad u baahan tahay daryeel gaar ah, ayaanad sidoo kale aanad waxba bixineyn.
  • Haddii aad 18 jir ka yartahey uma baahnid inta badan inaad lacag ku bixiso wax daryeel ah.
  • Booqashada qeybta gargaarka degdega ee dhakhtarka ayaa lagaa qaadi karaa kharashyo kala duduwanaan ee degaanada kala duduwan.

Xuquuqda aad u leedahay turjumaan

Waxaad adigu xaq u yeelan kartaa in lagugu caawiyo turjumaan markaad tageyso daryeelka caafimaadka ama daryeelka ilkaha. Caawimada turjumaanku waa bilaash.

Adiga ama qof ku caawinaaya ayaa sheegaaya booqashada ka hor inaad u baahan tahay turjumaan. Turjumaanku waxa uu kaa caawin karaa daryeelka ama waxa uu kaaga turjumaani telefoonka. Wax dheeraad ah oo caawimada turjumaanka ku sabsan waxaad ka sii akhriyi kartaa 1177.se.

Sir dhowrista

Dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka ma aha inay waxyaalo adiga kugu sabsan uga sheekeeyaan qof kale ama dawlada, ka hor iyaga oo aan adiga ogolaansho ku weydiisan. Taas waxa loo yaqaanaa sir dhowrista.

Halkan ayaad ka akhriyi kartaa wax dheeraad ah oo ku sabsan sir dhowrista.

Baadhitaanada caafimaadka

Dhamaan dadka magangalyo doonka ah waa in loo soo bandhigo baadhitaan caafimaad. Wax kharash ah lagaama qaadaayo kaas. Waxaana ka qeyb ah baadhitaankaa inaad adigu la kulanto kalkaaliso baadhi doonta caafimaadkaaga.

Haddii aanad waraaqaha sharciga haysan waa inaad weydiiso markaad daryeel raadsanayso inaad u baahan tahay inaad sameyso baadhitaan caafimaad. Haddii aanay ku weydiin, ayaad u sheegi kartaa inaad u baahan tahay baadhitaan caafimaad.

Kaadhka LMA-ga

Haddii aad tahay magangalyo doon oo aad raadsanayso daryeel caafimaad, waa inaad tusto kaadh ay Migrationsverket bixiso. Kaadhka waxa la yidhaa LMA-kort. Waxaad sidoo kale tusi kartaa risiidhkaaga muujinaaya inaad magangalyo dalbatey, haddii aanad wali helin LMA-kort.

Halkee ayaan ka heli karaa daryeel?

Waxaad FARR, Flyktinggruppernas Riksråd, yaala macluumaad ku qoran luqado badan oo ku sabsan xuquuqdaada marka aad magangalyo dalbanayso ama aanad haysan waraaqo.

Wax dheeraad ah oo daryeelka ku sabsan ka sii akhri 1177.se. Macluumaadka waxa lagu helayaa luqado badan. 

Dheeraad ku saabsan UMO

TAad bogga xaggiisa sare