Dhaqso uga bax bogga!
Jaceylka iyo saaxiibtinimada

Jaceyl lagalo

Att vara kär - somaliska

Qof la jeclaado caada ahaan waa dareen fiican. Dadka qaar dhowr jeer ayey wax jeclaadeen, qaar kalena weligood jaceyl ma helin.

Jaceylka isku si uma dareemaan dadka oo dhan. Adiga kaliya ayaa ka jawaabi kara waxa uu jaceyl kuu yahay.

Waxaa jira filimaan badan, qoraalo heeso ah, buugag iyo daabacaad badan oo ku saabsan jaceyl. Inta badan dadka waxey rabaan in jaceylka u muujiyaan qaabka iyaga gaarka u ah.

Waxaa laga yaabaa iney kala duwaanaato

Jaceyl la galo dareema kala duwan ayey yeelan kartaa marar badan. Inta badan si ka duwan ayey noqotaa marka aad muda ku jirtay jaceyl, oo ka duwan marka aad ku hor leedahay.

Waxaa laga yabaa in farxad iyo murugo uu lahaado. Waxaad dareemi kartaa xanaaq, geesinimo, farxad ama waad deganaan kartaa. Waxaa laga yaaba inaad aad uuga hesho qofka aad jeceshahay. Waxaa laga yaabaa iney kuugu adkaato inaad ka fakarto wax kale. Mararka qaar waxaad dareemi kartaa walwal, xanaaq ama maseyr markaad jaceyl gashid. Dadka qaar wey ku adag tahay iney wax cunaan ama seexdaan marka ey jaceyl galaan.

Inta badan aad bey u fiican tahay inaad ku dhawaato qofka aad jaceylka kula jirtid. Ka dib waxaa laga yaabaa inaad dareento in wadnaah uu aad u garaacmaayo. Waxaa laga yaabaa inaad dareento walwal, farxad, xishood ama kacsi

Jaceylku wuxuu lahaan karaa waxyaaba lama filaan ah

Waxaa laga yaabaa inaad jaceyl la gashid qof aad taqaano, ama qof aadan aqoonin. Dareenka aad buu u ficnaan karaa, xitaa haddii aadan wada kulmin ama wada joogin. Waxaa laga yaaba inaad jaceyl kula jirto dad badan isla wakhtigoo.

Jaceylku lama filaan ayuu kuugu noqon karaa. Tusaala, haddii aad jeclaato qof jinsi duwan ah sidaas oo ka duwan dareenkaadii hore. Jaceylku wuxuu lahaan karaa waxyaaba lama filaan ah. Waxaa laga yaabaa inaad jaceyl la gasho qof aad u maleynin inaad jeclaan laheyd.

Wey adag tahay inaan ogaano waxa aan jeclaaneyno. Waxaa laga yaabaa iney tahay qofka xaaladdiisa muuqaal, codka ama shiirkiisa iney nasoo jiidato.

Sideen ku muujin karaa jaceylkeyga?

Waa kuwaan talooyinka qaar. Xulo shey kuugu fiican. Haa sameynin wax qariib kuugu ah ama aan kuu ficneyn.

  • U sheeg qofka aad jeceshahy. Waad u sheegi kartaa haddii aad kulantaan ama fariin ayaad u diri kartaa.
  • Hubso inaad ku dhawaad qofka marka aad kulantaan. Indhahaada ka fogeey sida caadiga haddii indhahiina ey isku dhacaan. Dhoola cadeey haddii aad u baahto.
  • Wax fiican sheeg. Waxaa kuugu filan inaad tirahdo "Waan ka helay aragaada" ama "Funaanad fiican" ama wixi la mid ah. Dadka intooda badan wey ku farxaan ammaanta. Waxaa laga yaabaa iney ka bilaabato wadahadal badan.
  • Weydii haddii aad si wada jir ah wax isula sameyneysaan. Ama labadiina kaliya, ama idinkoo la joogto asxaab. Ka dib qofka si fiican ayaad u baran kartaa waxaadna lahaan kartaa fursad aad dareenkaada ku muujiso.
  • Haddii inta badan aad wada joogtaan, muuji inaad qofka aad jecehshay. Weydii haddii aad xabadka saari karto, ku casuum cunno fudud ama qaxwa ama wax ku caawi. Samee waxa dareen fiican ku siinaaya adiga.
  • Qaada caawinaadda asxaabta. Qof kala ayaa kuu sheegi kara qofka aad ka heshid. 

Dadka badoonkoodu wey farxaan marka ey ogaadaan inuu qof ka helo. Waxaa jira fursad aad ku ogaato in qofka uu kaa helo haddii aad muujisid dareenkaada.

Sideen ku ogaan karaa inuu qof i jeclaaday?

Dadka qaar si cad ayey u muujiyaan marka ey qof jecel yihiin. Dadka qaar iyaga isku reeba dareenka. Tusaalooyinka qaar oo aad ka dareemi karto haddii uu qofka kaa helo:

  • Qofka aad ayuu kuu fiirinayaa.
  • Qofka wuxuu inta badan jecel yahay inuu kuu dhawaado, deeqsi ayuuna kuu yahay wuxuuna isku dayaa inuu saaxib kuu noqdo.
  • Qofka wuxuu isku dayaa inuu kaa qososhiiyo.
  • Qofka wuxuu u eg yahay inuu kaa xishoonaaya ama markuu kula joogo uu walwalsan yahay.
  • Waxey isku dayaan iney isku dejiyaan ama kuugu adkaadaan.
  • Waxey isku dayeysaa iney aad kuugu fiicnaato markaad kulantaan.

Dhab ahaanti wey fiican tahay inaad weydiisato haddii aad rabto inaad ogaato inuu qof ku jecel yahay. Adiga naftaada ayaa qofka weydiin kara ama saaxib ayaa kuu weydiin kara. Waxaa laga yaabaa inaad ka cabsato inaad weydiiso. Laakiin way fiican tahay inaad ogaato.

Jaceyl nasiib daran

Sida qaalibka ah, wey adag tahay haddii qofka aad jeceshahay uusan adiga ku jeclayn. Mararka qaar jaceylka waa lagu dhibboodaa. Wuxuu leeyahay khibarado iyo dareema badan.

Ma xakameyn kartid dareenka dadka kala, mana ku qasbi kartid qof kale inuu ku jeclaado. Haddii uu qofka ku jeclayn, micnaheeda ma aha iney wax kaa haleysan yihiin. Laakiin waxey sidaa tahay mararka qaar oo kale.

Wey fiican tahay inaad xanaaqdid. Siu roonow. Samee waxyaaba aad jeceshahay. Isku day inaad hilmaamtid waxyaabaha ku soo xusuusinaaya qofka aad jeceshahay, sida heesaha ama sawirada qofkaas ku soo xusuusinaaya.

Dareenkaada u sheeg saaxiibkaa ama qof weyn ood ku kalsoon tahay. Waxaa laga yaabaa inaad si fiican dareentid. Dad badan ayaa sidoo kale dareema iney wax ka qoraan sida ey dareemaan. Dareemaha kuwa uugu adag inta badan wey iska baxaan muda ka dib.

La hadal asxaabtaada dugsiga ama qof jooga goobta qaabilaadda dhalinta, haddii ad aad u xanaaqsan tahay aadna si xun dareemeyso.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Filim: Sidee ayaa qof loola kulmaa?

Maxaa la sameeyaa runtii si aad qof aad jeceshay ula kulanto? Halkan ayaad ka heli ‎doontaa talooyin, ay dadka yaryari u soo direen UMO.‎

Mawduuc

Rabitaanka galmada

Dadka intooda badan ayaa ku dhasha jidh dareemi karan raaxo iyo kacsi. Rabitaanka galmada ayaa laga dareemi karaa jidhka oo dhan. Waxaa laga yaabaa in la dareemo sida ayadoo ay xanxanto iyo gariir in meelo kale ee jirka laga dareemayo galmada.

Mawduuc

Cida soo jiidata qofku in uu u galmoodo (Sexuell läggning) iyo HBTQI

Cida soo jiidata qofku in uu ugalmoodo (Sexuell läggning) waxay ku saabsan tahay jinsiga qofka aad jeclaatay iyo soo jiidashadiisa. Waxaad xaq uleedahay in aad jeclaato aadna la socoto qofkii aad rabto. Dalka isweedhan waa sharci midaas.

Mawduuc

Filim: Jaceylka sirt ah

Aliyah iyo Reza waxay ka baqayaan inay qoyska Reza ka soo hor jeedsan doonaan xiriirkooda.

TAad bogga xaggiisa sare