Dhaqso uga bax bogga!
Jaceylka iyo saaxiibtinimada

Cida soo jiidata qofku in uu u galmoodo (Sexuell läggning) iyo HBTQI

Sexuell läggning och HBTQI - somaliska

Cida soo jiidata qofku in uu ugalmoodo (Sexuell läggning) waxay ku saabsan tahay jinsiga qofka aad jeclaatay iyo soo jiidashadiisa. Waxaad xaq uleedahay in aad jeclaato aadna la socoto qofkii aad rabto. Dalka isweedhan waa sharci midaas.

Tre par kyssas och kramas. Illustration

Waxaa jiro qaabab kala duwan ee cida ku soo jiidashada kuu leh in aad u galmooto. Saddexda nooc ee caadiga ee doorasha cida aad ka hesho waa:

  • Si toosan, oo toos ah
    Waxaad kugu dhici jacayl ama waxa ku soo jiidanayo galmada dadka kaa jinsi duwan
  • Nimanka qaniisiinta, Naagaha qaniisiinta
    Waxaad kugu dhici jacayl ama waxa ku soo jiidanaayo galmada dadka aad isku jinsi tihiin.
  • Labeeb, ragga iyo dumarkaba damca
    Waxaa kugu dhici jacayl iyo galmada soo jiidaneyso dadka iyadoo aan loo eegin jinsigooda..

Adiga ma go’aamineysid nooca jinsi ee aad yeelaneyso. Jinsigaaga wuu isbadeli karaa inta aad ku gudo jirtid nolosha.

In aad qof kale oo jinsi kale ah aad lasamaysay raaxo ama galmo macnaheedu maaha in aad ka hesho jinsigaa ama rabitaankaas galmo aad leedahay. Si aad wax galmo ula sameyso qof jinsi gaar ah, macnaheedu ma aha in aad leedahay jinsigaa.

Macquul ma ahan in laga arko qofka nooca jinsi uu leeyahay. Wax saamayn ahna kuma yelanayo danaha ama muuqaalka qofkaasi.

Waxaa caadi ah in laga fekero doorashada jinsiga galmada. Gaar ahaan haddii aadan dareemin sida caadiga ah. Waxaa laga yaabaa in taasi ku xiran tahay in dadka kale ey u fikiraan in aad tahay jinsiga caadiga ah. Haddii ay saas tahay waxaad dareemi kartaa kelinimo ama nooc kale.

Waxaad jeclaan kartaa qofkaad rabto  

Waxaa xaq u leedahay in aad jeclaato qofkaad rabto. Waxaad xaq uleedahay in aad kunoolaato nolashaada sida aad rabto. Waad guursan kartaa qof aad isku jinsi aad tihiin sida adiga ama jinsi kale oo kaa badelan, Hadii aad hadii aad labadinuba rabtaan kana wayntihiin da’ada 18jirka. Waxaad sidoo kale galmo la sayn kartaa qofkii aad rabto hadii aad labadiinuba qaan-gaadh tihiin.

Dalka iswiidhan ma jiro jinsiga galmada ee khalad ah ama ciqaab mudan kara mid toosnayn, labeen iyo khaniistoona.

Waad go'aansan kartaa haddii aad rabto in aad sheegto 

Adigaa go’aansanaya haddii aad rabto in aad u sheegto dadka kale wax ku saabsan hanaanka jinsigada.

Adigaaga leh jinsiga caadiga ah uma baahnid in aad u sheegto qof kale, waayo dadka badigood waxay kuugu tirinayaan jinsiga caadiga ah. Haddii aad tahay khaniis ama labeeb, ayaa waxaad dareemeysa inaad u baahan tahay inaad sheegto sababtoo ah waxay sida caadiga ah u malaynayaan in aad tahay jinsiga caadiga ah.  

Waxaad heli kartaa caawimad iyo taageerid

Mararka qaarkood waxay noqon kartaa wax adag ama aan macquul aheyn in loo sheego dadka kale waxa ku saabsan hanaanka-jinsiga. Tusaale ahaan, haddii dadka qabaan khaniisnimada ey la yaab leedahay ama khalad tahay.

Waxaad xaq uleedahay in aad u noolaato sidaad rabto, caawimaadna waad heli kartaa hadaad ubaahan tahay.

Usheeg qof haddii si qalad laguula dhaqmo ama hadii aad dareento hanjabaad. Tusaale ahaan, u sheeg saaxiib, kalkaalisada dugsiga, ama qof un  kuwa ka shaqeeya dugsiyada iyo xarumaha caafimaadka dhalinyarada waxaa qabanaya xeerka sirqarinta.

Waxaa jiro hayado kale kuwaas oo lashaqeeyo HBTQI arrimahooda, Tusaale RFSL iyo dhalinyarada RFSL. Iyaga oo aad ka heli karto xubnaha kale HBTQI, ka qayb qaado hawlaha ama raadso taageero ku saabsan arrimaha sharciga. Raadi RFSL Newcomers kuwooda cusub gaar ahaan waa kuwa ku cusub Iswiidhen.

Hubi intarnetka waxa laga heli karo halka aad ku nooshahay.

Waa sharci daro in lagu faquuqo

Waxay noqon kartaa faquuqid haddii laguugla dhaqmo si ka hoosaysa kuwa kale sababtuna ay tahay nooca jinsigaaga galmada. Waa sharci darro.

Haddii qof uu ku rabshadeyo sababta oo ah nooca jinsiga galmadaada taasi waa dambi aad u culus waxa loogu yeedha dambiyada nacaybka.

TAad bogga xaggiisa sare