Dhaqso uga bax bogga!
Galmada

Cuddurada lagu faafiyo galmada

Sjukdomar som smittar genom sex - somaliska

Waxaad qaadi kartaa cudurada lagu kala qaado galmada marki aad galmo la sameyso. Isbaar nafsad ahaantaada hadii aad u maleyso in aad qaaday cuddurada lagu kala qaado galmada. Waxaa jirto daawo taaso caawineyso. Daawada waa mid bilaash ah.

Person som ligger i sin säng och ser orolig ut. Illustration.

Calaamadaha cudurada lagu kala qaado galmada

Waa wax caadi ah in cudurada galmada aanay bixin wax calaamado ah. Markaa  ma ogaaneysid in aad leedahay cudurada galmada lagu kala qaado. Cudurada galmada lagu kala qaado qaarkood waxey keeni karaan iney ku belbesho marka aad kaadineyso, waxaad ka heli dheecaan siilka ama waxaad ka heli kartaa nabro guska ama siilka.

Sidan  baad ku qaadi kartaa cudurada lagu kala qaado galmada

Cudurada lagu kala qaado galmada badanaa waxey ku faafaan ayadoo qaar ka mid ah xubnaha jirka uu  istaabanayo:

  • siilka
  • dibnaha
  • futada
  • qeebta kore ee guska
  • afka.

Cudurka galmada waxa kaloo lagu faafin karaa dhiiga, dhacaanka siilka ama miinada oo taabata qeybo xubnaha jirka ka mid ah.

Aad bey khatar utahay in aad qaado cudurada kufaafo galmada hadii aad galmo kasameyso siilka ama dabada.

Cudurada kufaafo galmada waxaa la isku gudbin kara markaad dhuuqdo, shumiso ama leeftid qof xubintiisa taranka adigo isticmalayay afka ama carabka. 

Sidan ayaanad ku qaadi karin cudur galmada lagu kala qaado

Cudurada galmada la iskugu gudbiyo La iskuguma gudbin karo siyaabahaan:

  • Qof ayaad hab siisay ama aad shumisay.
  • Qof ayaad gacanta ka qabatay.
  • Waxaad isticmaashey shukumaankii uu isticmaaley ama musqushu isticmaaley qof walbo.
  • Waxaad ku cabtay galaaski uu qofka kale isticmaaley.

Majiro cudur galmada oo lagu kala qaado hawada.

Kuma heleysid cudurka lagu kala qaado galmada siigeysiga. 

Naftaada ka badbaadi cudurada galmada lagu kala qaado

Sidan baad ku yareen kartaa khatarta cudurada galmada lagu kala qaado:

  • Isticmaal kondhomka ama femidom goorta aad la yeelaneyso galmo qof.
  • Kondhomka waa in aad qabtaa ama femidom dhamaan gabi ahaan inta galmada aad ku jirto.
  • Badel kondhomka haddii aad u galmoneyso dabada iyo siilkaba.
  • Iska tuf shahwada haddii aad afka kaaga shubmatay.
  • Samee galmo kaliya idinkoo gacanta ku salaaxaya xubnaha  taranka midba midka kale.

Markaa waa inaad is tijaabisaa.

Iska baar haddii aad galmo aan badbaadsaneen  lasameysay qof. Waxaad adigu iska baari kartaa un Xarunta daryeelka dhalintagoobaha caafimaadkaama maqaarka iyo jinsiga galmada. Waa mid bilaash ah baaritaanka cudurada galmada lagu kala qaado.

Isbaar adiga naftaada haddii xitaa aadan laheyn wax calaamad ah ama ey kugu dambeysay waqti hore oo galmo sameysay.

Baaritaanka caadiga ah waa in aad iska qaado kaadida ama dhiiga. Waxey kaloo noqon kartaa dhacaan laga qaado cunaha,siilka,kaadi heysta ama futada.

Cudurada qaar kood ayaa muhiim ah in aan la faafinin 

Waxaa jira sharci ku shaqo leh cudurrada faafa qaarkood. Sharcigu wuxuu amraya in aad isbaarto adiga naftaada hadii aad qabto mid ka mid ah. Klamydia, jabtada iyo HIV saddexdas aya tusaale u ah cudurada noocaa ah. Waa mid bilaash ah baaritaanka cudurada galmada lagu kala qaado.

Hadii aad ogaato in aad leedahay cuddurada galmada lagu kala qaado, waxa qasab kugu ah in aad usheegto shaqaalaha caafimaadka qofki ugu dambeyay oo aad la yeelatay galmo. Shaqaalaha aya la xariirayo dadkaas una sheegaayo in ey ayagana ubaahan yihiin in ey isbaaraan.

Waxaad ku dhahdey shaqaalaha aya ahaaneyo mid sir ah. Dadka aad u sheegtay shaqaalaha ma ogaanayaan hadhow qofka aad tahay.

Sidan baad uga baxaysaa cudurka lagu kala qaado galmada

Markaad hesho jawaabti baaritaankaada, waxaad heleysa daawo taaso kaa caawineyso ka hortaga cudurka aad qabto.

Hadii aad qabto HIV, waxaad u baahan tahay in aad qaadato daaweeyn nolashaada oo dhan. Daawada waa mid bilaash ah.

Waxaad warbixin dheeraad ah ka akhrisan kartaa cudurada lagu kala qaado galmada ee afka iswiidhishka halkan UMO.se. 

RFSU: Cuduradda xubnaha taranka

Kani waa filim ka socda RFSU.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka

Kondhoomka ayaa ah sida caadiga ah ee la iskagailaaliyo cudurada xubnaha taranka marka aad galmooneyso. Waxa ugu wanaagsan waxa weeye inaad marka hore ka wada hadashaan waxaad iskaga ilaalineysa inta aydaan galmo sameyn. Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka waa wax aad labadiinuba masuul ka tihiin.

Mawduuc

Xarunta daryeelka dhalinta

Waxaad Xarunta daryeelka dhalinta tagi kartaa haddii aad qabto su'aalo ku saabsan jidhka, galmada ama kahortagga uurka. Waxaad sidoo kale halkaas tagi kartaa haddii aad jiran tahay oo aad u baahan tahay qof aad la hadasho.

Mawduuc

Sir dhowrista

Qofka shaqaalaha ee aad kula kulanto rugta caafimaadka ma aha inuu kala hadlo qof kale, ama wax rugta lagaaga qorey uu u gudbiyo cid kale. Taas waxa loo yaqaanaa sir dhowrista. Sir dhowristu waxay qabanaysaa dhamaan dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka.

TAad bogga xaggiisa sare