Dhaqso uga bax bogga!
Galmada

Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka

Skydd mot könssjukdomar - somaliska

Kondhoomka ayaa ah sida caadiga ah ee la iskagailaaliyo cudurada xubnaha taranka marka aad galmooneyso. Waxa ugu wanaagsan waxa weeye inaad marka hore ka wada hadashaan waxaad iskaga ilaalineysa inta aydaan galmo sameyn. Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka waa wax aad labadiinuba masuul ka tihiin.

En person håller i en röd, hoprullad kondom som är utplockad ur sin förpackning. Illustration.

Siyaabaha kala duduwan waa ay kala sugan yihiin

Waxa jira siyaabo kala duduwan oo loo galmoodo. Waxaad sameyn kartaa galmo taas oo aan cidna wax qaadsiin karin adna aanad wax cudurad xubnaha taranka ka qaadi karin. Galmad salaaxa ayaa taas ka mid ah. Galmada afka ayaa taas ka mid ah.

Uma baahnid inaad ka warwarto cudurada xubnaha taranka haddii midkiina aanu hore galmo u soo sameyn.

Kondhomka ayaa ah waxa la iskaga ilaaliyo oo wanaagsan

Si aad isku ilaaliso markaad galmoonayso waxa wanaagsan inaad kondhoom isticmasho. Kondhoomku waxa weeye ilaalo khafiif ah taas oo uu gusku kala fidiyo marka uu kaco, ka hor galmada.

Waxa muhiim ah in kondhoomka la xidhnaado xiliga galmad oo dhan, si ay taasi kaaga ilaaliso cudurada xubnaha taranka.

Kondhomka wax laga soo iibsan karaa farmasiiga, kioska iyo tukaanka cuntada iyo internedka. Xarunta  ungdomsmottagningar ayaad intooda badan sidoo kale ka heli kartaa kondhoom.

Femidom

Femidom waa ilaalo kale, kaas oo la mid ah kondoomka. Waxaad galineysaa siilka marka aad galmo sameynayso. Waxaad wax dheeraad ah oo ku sabsan femidom ka akhriyi kartaa kahortagga uurka. 

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Waxyaalaha kahortagga uurka

Waxa jira siyaabo kala duduwan oo la iskaga ilaaliyo in uur loo qaado. Muuqaalkan waxaad ka arki kartaa waxyaalaha ugu badan ee la isku ilaaliyo.

Mawduuc

Xarunta daryeelka dhalinta

Waxaad Xarunta daryeelka dhalinta tagi kartaa haddii aad qabto su'aalo ku saabsan jidhka, galmada ama kahortagga uurka. Waxaad sidoo kale halkaas tagi kartaa haddii aad jiran tahay oo aad u baahan tahay qof aad la hadasho.

TAad bogga xaggiisa sare