Dhaqso uga bax bogga!
In caawimo la raadsado

Sir dhowrista

Sekretess och tystnadsplikt - somaliska

Qofka shaqaalaha ee aad kula kulanto rugta caafimaadka ma aha inuu kala hadlo qof kale, ama wax rugta lagaaga qorey uu u gudbiyo cid kale. Taas waxa loo yaqaanaa sir dhowrista. Sir dhowristu waxay qabanaysaa dhamaan dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka.

En vårdanställd säger till en person att hen lovar att inte berätta för någon. Emoji med blixtlås som mun. Illustration.

Sir dhowristu waxay khuseysaa wax kasta oo aad sheegtey oo adiga faylkaaga dhakhtarka lagu qorey. Sir dhowrista waxay khuseysaa shaqaalaha iyo hay'adaha dawlada. Shaqaalaha an raacin sharciga sir dhowristu waxay galayaan fal danbi iyadoo maxkamad la soo saari karro.

Sir dhowristu waxay khuseysaa dhamaan shaqaalaha aad la kulmeyso

Sir dhowristu waxay qabanaysaa dhamaan dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka. Xataa tusaale ahaan shaqaalaha xafiiska iyo turjumaanada. Ma aha inay adiga wax kaa sheegaan.

Qofka aad la kulantey waa inuu kaliya adiga kaaga hadlaa dadka shaqaalaha kale, haddii ay dan u tahay daryeelkaaga. Kaliya dadka qeybta ka ah daryeelkaaga ayaa akhriyi kara waraaqahaaga dhakhtarka.

Shaqaalaha waxa ka mamnuuc ah inay la xidhiidhaan hay'adaha kale haddii ay taasi ku dhaawici karto. Waxa aad xataa daryeel caafimaad raadsan kartaa haddii aanad haysan waraqaha degenaanshaha sharciga. Shaqaalaha daryeelka caafimaadku ma aha inay booliiska u sheegaan meesha aad joogto. 

Miyaa sir dhowrista la burin karaa?

Marmarka qaarkood ayaa shaqaalaha caafimaadku ay burin karaan sir dhowrista:

  • Marka aad adigu ogolaato taas ee aad tidhaa waa ok. Waxaad adigu shaqaalaha u sheegi kartaa waxay sheegi karaan, tusaale ahaan haddii lagu dhigay cisbitaal oo qof ku yaqaanaa uu soo waco.
  • Marka aad ka yartahay 18 sanno jir ayay marmar shaqaaluhu u baahan yihiin inay la xidhiidhaan qof weyn oo kaa masuul ah. Tusaale ahaan haddii aad u baahan tahay inaad aado cisbitaal, si aad ugu hesho daryeel kale.
  • Marka aad ka yartahay 18 sanno jir ee ay shaqaaluhu u arkaan in wax xun si uun kuu soo gaadhayaan. Tusaale ahaan haddii lagu dagaalay ama ay jiraan wax u xun caafimaadkaaga. Markaas waa in shaqaaluhu la xidhiidhan adeega bulshada si aad ugu hesho caawimo. Shaqaaluhu waa inay sidaa sameeyaan waafaqsan sharciga.
  • Shaqaalaha caafimaadku waxay la xidhidhi karaan booliiska haddii ay filayaan inaad gashay fal danbi ama laguu geystey danbi xadhigiisi yahay hal sanno ama wax ka badan.

Markee ayuu daryeelaheygu xaq u leeyahay inuu macluumaad helo?

Dadka waaweyn ee masuul ka ah qofka ka yar 18 sanno, ayaa xaq u leh inay macluumaad helaan adiga kugu sabsan iyagoo ka qeyb qaadanaaya inay go'aamiyaan waxyaalah aqaar. Tusaale ahaan baadhitaanada waaweyn ee cafimaadka, daryeelka iyo daaweynta. Laakiin dadka waaweyn lalama xidhiidhaayo ama macluumaad lama siinaayo haddii ay jirto khatar wax xun kusoo gaadhsiin karta.

Waxaad adigu la hadli kartaa qof kale oo aad ku kalsoontey, haddii aanad ka helin taageero qofka leh daryeelkaaga. Tusaale ahaan haddii aad doonayso inaad iska turto, oo anad rabin inaad u sheegto taas waalidkaaga. Markaas ayaad tusaale ahaan la hadli kartaa la taliye ama qof kale oo weyn oo ku siin kara taageero.

Waxaad adigu weydiin kartaa xarunta, haddi ay jirto waxyaalo aad is weydiinayso oo ku sabsan sir dhowrista.

TAad bogga xaggiisa sare