Dhaqso uga bax bogga!
Tobaakada, khamrada, xashiishada

Joojinta sigaar cabidda

Sluta röka - somaliska

Halkaan waxaad ku arkeysaa talooyinka kaa caawinaaya in sigaarka aad joojisid. Marka aad sigaarka joojisid waxaa ku qabanaaya sigaarka. Rabitaanka sigaar cabidda daqiiqado yar ayaad dareemeysaa. Wey fiican tahay inaad saa ogaatid.

En person gör segertecken med fingrarna, och säger "Kolla, inga cigg här!" Illustration.

Mago’aansatay inaad sigaarka joojisid? Wanaag! Sheyga uugu muhiimsan waxaa weeye rabitaankaaga ah inaad iskaa sigaarka u joojisid.

Waa muhiim inaad is diyaarisid. Joojinta sigaarka waxey sababi kart aisbadalo ku dhaco jirkaaga islamarkaana saameeya dareenkaaga. Waxaad sidoo kale laga yaaba in loo baahdo inaad wax yar ka badashid dabeecaddaada. 

Halkaan waxaa ku qoran waxa aad sameyn kartid si aad u joojisid sigaarka:

1. Sameyso balan

Xulo maalin aad sigaarka joojineysid, tusaale, laba todobaad gudahood. Ka dib, waad is diyaarineysaa.

2. Ogow markaad sigaarka joojisid

Hall maalin gudaheed, qor jawaabaha su’aalahaan mar walbood sigaarka cabtid:

  • Saacaddee la joogaa?
  • Maxaa dhacaayaa?
  • Sigaarka sidee buu muhiim u yahay?
  • Seed dareemeysaa sigaarka markaad cabtid? Tusaale, ma faraxsan tahay, ma hanaaqsan tahay ama walwal ma ku haayo?

Waatan sida aad isu diyaarineyso. Waxaad dareemeysaa sigaar cabidda waxa ay kuugu tahay.

3. Ugu horeyn ka fogoow xaalada iyo goobo qaar

Maxey yihiin xaaaladaha iyo goobaha aad sigaar cabidda ku soo xasuusato? Waxaa jira goobo iyo xaalado ay kuugu adagtahay inaad sigaar cabidda joojisid. Wakhtiyada hore, ka fogow.

4. Go’aanso waxa aad sameyn leheyd mar walbaa carafta sigaarka dareentid

Mararka qaar waxaa laga yaabaa iney adag tahay marka aad sigaar cabidda joojisid. Waxaa ka sahlan inaad is diyaarisid.

Go’aanso waxa aad sameyn leheyd mar walbaa carafta sigaarka dareentid. Talooyin qaar:

  • Cun furuut.
  • Qaado xaanjo.
  • Galaas biya ah cab.
  • Ilkaha cadiyesa.
  • Wax ka sameey telefoonkaada.
  • Ka fakar lacagta kuu baaqaneysa mar walbood sigaar iibsanin.

5. Iska tuur sigaarka

Iska tuur dhammaan sigaarka iyo taraqyada, maalinta aad go’aansato inaad sigaarka joojisid.

6. Si fiican wax u cun islamarkaana wax u cab

Marka aad gaajeysneyn, sigaar cabidda aad uma tabeysid. Marka aad soo toostid, wax cun. Biya cab mar walboo uu sigaarka ku qabto. Waxey kaaga fiican yihiin cabitaanada maccaan, sida soodhada.

7. Isku imtixaan joojinta sigaarka

Mara walboo sigaarka uu ku qabto, dareen sida uu kuu saameeyo. Meeshee ka tirsan jirkaada oo uu saameynayaa? Maxaad ka fakareysaa? Ilaa goormaad dareemeysaa rabitaanka sigaar cabidda? Ku dadaal inaad is dejisid.  Carafta qaaqa inta badan waxey soconeysaa daqiiqada yar. Wey fiicaan tahay inaad sidaa ogaatid.

8. Dadka kale taageera ka hel

Waxaa laga yaabaa iney fiican tahay inaad taageero ka heshid dadka kale markaad sigaarka joojisid. Qof ka codso inuu ku dhiira geliyo. Sheeg haddii aad rabtid in wax lagaa caawiyo, tusaale ahaan, asxaabtaada markaad la kulantid ka codso iney sigaar cabin.

Ma leedahay saaxib isagana raba inuu sigaarka joojiyo? Waad is caawin kartaan.

Markaad sigaarka joojineyso waxaad taagera ka heli kartaa kalkaalisada dugsiga, ungdomsmottagning ama vårdcentral. Waxaad sidoo kale wici kartaa khadka joojinta sigaarka ee 020-840000.

9. Isku faraxsanaw islamarkaana is abaal mari

Wakhti walbood sigaar cabin waa inaad isku faraxsanaataa!

Is abaal mari sababtoo ah sigaarka ayaad joojisay. Isasii hadiyad ama samey wax aad jeceshahay marka aad joogtid maalin, todobaad, laba todobaad ama sanad nuskiis adoon sigaar cabin. Waxaad isticmaali kartaa lacagtii kuu baaqatay mudadii sigaarka iibsanin.

Ka fakar wax walboo dhacay, ka dib markaad sigaarka joojisid. Wax gaar ah ood dareentay ma jiraan? Qor waxa aad damacsan tahay, ama qof u sheeg.

Marka hore, waxaa laga yaaba inaad xanaaqdid ama si fiican aadan dareemin

Dadka qaar wey hanaaqaan, ama waxey dareemaan xasilloonidaro, ama caro marka ay sigaarka joojiyaan. Mar walbood sigaarka cabtid, maskaxda inta badan waxey sigaarku ka heshaa nikotiin, weyna u baahan tahay mar kale. Waxaa la yirahdaa ”abstinens”.

“Abstinens” waxaa inta badan la dareemaa maalmaha hore. Ka dib wey sii yaraaneysaa.

Waxaa jira daawooyin kaa yeero dareenka inuu sigaar ku qabto mar walbo

Waxaa jira daawooyin kaa yeero dareenka inuu sigaar ku qabto mar walbo. Tusaale, waxaa jira, xanja la ruugo ama waxyaaba liisku dhejiyo oo leh nikotiin. Waxaad ka iibsan kartaa dukaamaah ama faarmaasiga, haddii aad 18 sana jir ka weyn tahay. Haddii aad 18 sana jir ka yar tahay, waxaad u baahan tahay inaad la kulunto dhakhtar si uu kuu siiyo daawo leh nikotiin.

Waxaa sidoo kale jira daawooyin aan nikotiin leheyn. Waxaad u baahan tahay inaad la kulunto dhakhtar si aad u heshid daawooyinkaas.

Fadlan mar kala tijaabi haddii aysan horay u shaqeynin

Waacaadi inaad dareentid in sigaar aad cabto mudo ka dib marka aad joojisid. Tani micnaheedu ma aha waad fashilantay ama ma awoodid inaad sigaarka joojisid.

Iskuday inaad mar kala joojisid. Haatan waad tijaabisay. Waxaad ogtahay wixii kuugu adkaa iyo wixii kuu sahlanaa. Isku diyaari inaad ka digtoonaatid waxyaabihii kuugu adkaa.

Waxa uugu fiican waxaa weeyaan inaad sigaarka gebi ahaanba joojisid. Inta badan ma shaqeyso inaad sigaarka marna cabtid marna joojiso.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Filim: Talooyin si aad uga wanaagsanato

Miyaad ogsoon tahay inaad adigu sameyn karto waxyaalo kala duduwan si aad uga wanaagsanaato (sidii aad dareen fiican u dareemi lahayd) oo aad tamar ka badan ugu hesho? Halkan waxa ku qoran afar talooyin!

TAad bogga xaggiisa sare