Dhaqso uga bax bogga!
Su’aalo iyo jawaabo

In badan ayaan daawadaa filimaanta galmada

Jag brukar titta på porr - somaliska

Su’aal

In badan ayaan daawadaa filimaanta galmada. Sidaa ma sameyn karaa? Maraka qaar ma fiicno.

Jawaab 

Sharci daro ma’aha daawashada filimaanta galmada, oo ey ka dhex muuqdaan dadka waaweyn. Laakiin waxaa mamnuuc ah in la daawado, ama la faafiyo filimaanta galmada ey ka dhex muuqdaan dadka ka yar 18 sana jir.

Filimadan ayaa waxay u muujiyaan jidhka qofka iyo galmadaba si ka fog xaqiiqada. Waa caadi in Filimaanta galmada ey ka muuqato yasitaan iyo jirdil lagu sameeyo gabdhaha. Waa sharci daro in qof lagu sameeyo rabshad ama qof lagu qasbo inuu galmo sameeyo.

Waxaa laga yaabaa in farxad iyo xumaan aad ka dareentid daawashada galmada. Haddii aad galmada aad u daawatid, waxaa laga yaabaa iney saameyso fikirka aad ka qabto galmada, ama dadka waxa ey ka helaan galmada. Waxey sidoo kale saameyn kartaa sida aad dareemeyso. Dadka badankooda si xun ayey dareemaan ka dib markii ey daawadaan filimaanta galmada in badan.

Ma rabtaa inaad qof kala hadasho arintaan, ama lagaa caawiyo inaad joojiso daawashada galmada? La xiriir goobta qaabilaadda dhalinta ama telefoonka caawimaadda PrevenTell ee 020-667788.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Xadgudubka galmada

In qof lala sameeyo wax galmo ku lug leh isagoo aan rabin, ayaa ah xadgudubka galmada. Waxaad adigu heli kartaa caawimo haddii laguu geystey xadgudubka galmada.

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare