Dhaqso uga bax bogga!
Qoys

Farman waxa uu joojiyey inuu ilaaliyo hablaha walaaladiis ah

Farman slutade kontrollera sina systrar - somaliska

Markii hore ayuu Farman ilaalin jirey waxkasta oo ay hablahoodu sameeyaan. Laakiin maalin aya waxa uu la kulmay gabadh loo geystey cadaadis sharaf ilaalinta. Waxay taasi keentey in Farman bilaabo inuu hab cusub u fikiro.

En kille sitter i ett fönster och vinkar ut till två tjejer på gatan utanför. Foto.

Farman iyo qoyskiisu waxay ka imaadeen Ciraaq oo Sweden soo galeen isagoo 14 sano jir ah. Farman wuxuu u arkay inay tahay waajib saran inuu ilaaliyo labada hablood ee ay walaalaha yihiin oo uu la socdo waxkasta oo ay sameynayaan. 

Habluhu waxay lahaayeen xeerar kale

Farman waxa uu markasta lahaa xoriyad ka weyn tan hablaha ay walaalaha yihiin. Waxa uu lahaa gabadh saaxiibtiis ah, laakiin gabdhaha walaaladiis ahi lama ay kulmi jirin wiilasha.

Marmarka qaar Farman waxa uu waci jirey asxaabtiisa oo uu u sheegi jirey in uu arkey qofkale walaashii oo tusaale ahaan xaflad tageysa. Farman waxa uu u arkaayey in sidoo kale ay asxaabtu soo waci doonto isaga, haddii hablaha ay walaalaha yihiin ay sameeyaan wax uu u arko in aanay sameynin.

Kama uu fikiri jirin in taasi ay keeni karto in hablaha la garaaci karo ama meel lagu xidhi karo. Waligii ma uu dilin hablaha walaaladii ah laakiin waxa uu lahaa asxaab dila hablaha walaaladood ah.

– Anigu uma aan arkeyn danbi, maxaa yeelay, anigu ma aan qabin in aan sameynaayey wax qalad ah, ayuu yidhi Farman. Laakiin markaan 17 sanno jir gaadhay ayaan bilaabay in aan ka fikiro waxaan xaqiiqdii sameeyey. 

Gabadha saaxiibadiis ah ayaa ka caawisey inuu fahmo

Farman waxa uu bilabay in uu is bedelo markii gabadha saaxiibadiis ah uu walaalkeed garaacay,kaliya markay la kulantey Farman.

– Waxaan ogaadey in gabadha aan jecelahay loo dilay aniga dartey. Ma aheyn wax sii socon kara. Waxaan ku qasbanaa in aan ka tago iyada. 

Dhacdadaas ayaa keentey inuu Farman fikiro: Runtii sax miyaa in aanan rabin in saaxiibadey uu kantaroolo walaalkeed halka aan anigu kantaroolaayo hablaha walaaladey ah?

Sharaf hjältar ayaa taageeray Farman

Farman waxa uu bilaabey inuu fahmo in waxa markii hore sax u arkaayey ay qalad aheyd. Farman wuxuu xidhiidh la sameeyey Sharaf hjältar, kuwaas oo ah barnaamij kaalmeeya wiilasha si ay iskaga fogeeyaan cadaadiska sharaf ilaalinta. Sharaf hjältar ayaa ka caawiyey inuu isagu ka fikiro waxa uu sameeyey. Waxa uu la kulmay dad soo maray waxa uu isagu soo maray oo kale.

– Waa markii ugu horeysay ee aan maqlo xuquuqda aadamaha iyo sharciyada jira si loo ilaaliyo xuquuqaha.

Qoysku waa uu is bedelay

– Anigu waan is bedelay, ayuu yidhi Farman. Aad ayaan ugu damqanayaa dadka kale iyadoo aanan anigu ogolaaneyn dulmiga.

Markii hore ayay qoyska Farman la yaabeen, laakiinse markaas kadib waxay bilaabeen inay fahmaan waxa uu ula jeedo. Hadda ayay hablaha walaaldii leeyihin xoriyad la mid ah tan Farman iyadoo waalidku uu taageeraayo xuquuqda carruurtooda. 

Waalidiin badan ayaa ka werwer san

– Waxa loo baahan yahay kulamo badan oo dhex mara waalidiinta ka yimid dhaqamada kala duduwan, ayuu yidhi Farman. Waxa cusub ee aan la garaneyn ayaa inta badan ah wax cabsi leh, iyadoo marka cabsidu yaraato ay keenayso inuu dulmiga sharaftu lagu ilaalinaayo sii yaraado.

– Marka ay hooyadey aragtey hooyoyinka Iswiidhishka ee carruurtooda uga werwersan si la mid ah sideeda oo kale, ayay cabsideedu yaraatey.

– Sharafta qoysku lama laha xadhiidho waxyaalaha sida in ay gabadhoodu haysato wiil ay saaxiib la tahay iyo in kale, ayuu dhahay Farman. Waxa ugu muhiimsan waa in uu qofku shaqo haysto oo uu naftiisa debari karo. Qofka rabba in uu joojiyo dulmiga sharaftu lagu ilaalinaayo waxa uu u baahan yahay kaalmo, la mid ah taan anigu helay. Aabeyaasha ka yimid wadamada uu dagaalku ka socdo ayay caado u tahay inay qoyskooda difaacaan. Waa in aynu ka caawinaa iyaga si ay u fahmaan inayna sidoo hore si la mid ah ugu biqin qoyskooda.

– Sidaan wax u arkaayo ee cusub ee hadda aan leeyahay ayaan haysan doonaa inta nolosheyda ka dhiman ayuu yidhi Farman. Anigu carruurtayda kuma sameyn doono dulmi la mssid ah ka ay hablaha walaaladey ahi soo mareen.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Filim: Adiga ayaa ka go’aaminaya jirkaaga

Dhamaan dadka waxay xaq uleeyihiin in ay go’aan ka gaaraan xaalada jirkooda. Waa xuquuq bani’aadanku leeyahay laakiinse maxay tahay micnaheeda?

Mawduuc

Sharafta

Waa muhiim ineysan jirin wax magac xumo u soo jiita qoyska ama qaraabada. Waxaa laga yaaba iney jiraan sharciya guriga ama qaraabada ka jira, sida gabar galma ma sameyn karta ilaa ey ka guursato. Sidaa dareteed, uma baahan iney qof la joogto, ama wiilal ey la wadaagto wakhtigeeda nasashada. Tani waxaa la yirahdaa rabshad la xiriirta xushmadda ama dhibaateynta. Waa sharci daro in qofka la shaaciya arimahiisa sharciyadaan aawadood. Sidoo kale waxey ku xad gudbeysaa xuquuqda bani’aadamka, iyo Xeerka Qaramada Midoobey (UN) ee Xuquuqda Caruurta.

Mawduuc

Sinaanta ragga iyo dumarka

Wiilasha iyo gabdhaha waa inay helaan fursad iyo xuquuq isku mid ah. Bulshadu ilaa hadda ma sina, laakiin waxa jira sharciyo iyo qorshayaal sida taas loo meelmarinaayo.

Mawduuc

Xuquuqda aadamaha

Xuquuqaha aadamahu waxay ku saabsan tahay inaad ku noolaato nolol wanaagsan. Waxaad xaq u leedahay waxbarasho iyo daryeel caafimaad. Waxaad xaq u leedahay in si caddaalad ah laguula dhaqmo iyo xuquuqda aad wadan kale ugu qaxi karto haddii aad khatar ku suggan tahay.

TAad bogga xaggiisa sare