Dhaqso uga bax bogga!
Dagaal iyo dulmiyada

Anigu waxaan ka cabsi qabaa inay iyada waalidkeed i aqbali wayaan

Jag är rädd att hennes föräldrar inte ska acceptera mig - somaliska

Su’aal

Anigu waxaan la socdaa gabadh Iswiidhan ka soo jeeda, laakiin kuma dhaco in aan gurigeeda tago. Waxaan ka baqanayaa in waalidkeed ii arkaan inaan mid xun ahay, sababta kaliyana ay tahay in aan ka soo jeedo wadan kale. Sidaas oo kale ayaa ku dhacday saaxiibkay. Gabadhii uu xidhiidhka la lahaa waalidkeed ayaa isaga ka baqanayay, sababta oo ah isagoo ahaa mid ka soo jeeda Iswiidhan. Waxaan u arkaa inay tahay mid cadaalad daro ah waanan ka murugooday. Maxaan samayn karaa?

Jawaab

Waa wax iska caadi ah inaad ka warwartid la kulanka waalidka labaamanhaga. Sidoo kale dadka qaarkood ayaa dareema warwar in aanay waalidku aqbali doonin, ama ay u arkaan inaad tahay qof xun.

Sida aad dareemayso waxaa saamayn ku leh saxiibkaa gabadhii uu xidhiidhka la lahaa ay isaga waalidkeed ka baqdeen. Midab takoorka iyo faquuqu waxay sidoodaba ka yimaadan aragtiyaha qaldan oo cid laga aamino, cabsida iyo aqoon yaraanta keenta. Aragtida qaldan ee aad cid ka aamintaa waa marka aad wax si u aragto ama wax ka aaminto adiga oo aan wali baran ama garanahayn. Tusaale ahaan waxa jiri karta aragtiyo qaldan oo sheegaaya in qof ka yimi wadan gaar ah ama dhaqan gaar ah si gaar ah loo arko.

Waxa la dareemi karaa cadaalad daro hadii dadka ay baqdin ka qabaan ama fikir ka haystaan qof, sababta oo ah qofkaasi waxa uu ka soo jeedaa wadan kale ama dhaqan kale. Waxay qofka galin kartaa murugo ama cabsi. Markasta waxaad xaq u leedahay in lagu ixtiraamo oo si wacana laguula dhaqmo, meesha aad doontada aad ka timaadide.

Hab wanaagsan oo aad saaxiibadaa walidkeed xidhiidh kula yeelan kartaa waa in aad isku daydo in aad si wanaagsan u barato. Uga sheekee naftaada iyo tariikhdaada u ugolow inay waalidku iyaguna ay su’aalo ku waydiiyaan, hadii aad ok ku dareemayso. Tus sidoo kale in aad xiisaynayo in aad saaxiibadaa reerkooda aad rabto in aad wax ka ogaato. Hadii aad aragto in ay ka warwarsan yihiin ama cabsi kaa qabaan waydii sababta, si aad taas uga wada hadashaan.

In aad qalbi furnaato, daacad, xiiso iyo ogaansho waxay tusaysaa in aad doonayso in aad barato iyaga, oo aad rabto iyaguna in ay ku bartaan. Cabsida iyo aragtida qaldan ee la iska qabaa ayadaa yaraata marka si wacan la isku barto.

Waxaan ogahay in la dareemaayo inay adagtahay in qof lala socdo hadii reerkoodu aanay ku aqbalin. Marmarka qaar ayaa noqon kartaa mid aan suurto-galba ahayn. Waxa muhiim ah inaad ogaato in adiga iyo lamaanahaagu aad xaq u leedihiin in aad wada socotaan sidii ay doonaanba reerkoodu ha u arkaane.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare