Dhaqso uga bax bogga!
Tobaakada, khamrada, xashiishada

Daroogada

Droger - somaliska

Daroogaada waa shey xun oo laga yaabo in qabatiin ay kugu noqoto. Waa caadi in dhibaatooyin badan oo noolasha ah aad qabto marka aad Daroogada isticmaaleyso. Waad heli kartaa caawimaad si aad u joojiso isticmaalka daroogada.

Olika sorters droger: vitt pulver, olika sorters tabletter, rullade cigaretter och torkade, malda blad. Illustration.

Daroogaada waa shey ku saameynaya, oona isticmaalkeeda uu halis yahay laga yaabana in qabatiin ey kugu noqoto.

Qoraalkan wuxuu ku saabsan yahay daroogada sharciga uusan ogolayn. Waxaa sidoo kale la yirahdaa daroogada.

Waxaa jira noocyo kala duwan. Tusaale, waxaa laga yaabaa iney kiniini noqoto, buda, wax aad dhuuqeysid ama wax aad cabeysid. Tusaala waxaa ka mida xashiishka, herowiin, kiniiniga farxad khiyaali ah keena iyo qaatka. Dawooyinka qaar waxaa la aqoonsan yahay iney yihiin darooga, sida dawooyinka xoogga leh ee loo yaqaana analgesic.

Droogada waxey kuu saameyneysaa qaabab kala duwan

Daroogada qaarkeed wey ku dejineysaa, waxaadna dareemeysaa daal, si aad u hilmaamto aduunka kala. Xusuustaada ayaa xumaaneysa weyna kuugu adkaaneysaa inaad fikirto haddii in badan aad darooga isticmaasho.

Daroogada qaar ayaa faraxad ku dareensiiya, ama dareen fiican in yaroo muda ah. Waxaad sidoo kale ku dhici kara madax xanuun qandha wata, waxaadna dareemi kartaa wadna garaac daran iyadooy kuugu adag tahay neefsashada.

Waxaa laga yaabaa inaad bilowdid inaad si xun dareento haddii dhowr jeer aad darooga isticmaasho. Tusaale, waxaad dareemi kartaa xasillooni la’aan, shaki xanaaq ama walwal. Waxaad dareemi kartaa waxyaabo aan si fiican u dhicin.

Waxaa jira qaabab kaloo fiican oo dareen fiican ku siin kara

Dadkaqaar waxey isticmaalin darooga si ey u hurdaan, ama ey isaga saaraan walwalka iyo dareenak xun. Laakiin dareenka xun wuu soo laabanayaa. Waxaa jira qaabab kaloo fiican, oo lagu xasilo laguna dareema dareen fiican.

Waxaad gali kartaa xaalada khatar ah

Wey adag tahay inaad fahanto waxa fiican iyo waxa xun ee la sameeya marka ey ku saameeysa daroogada. Waxaa laga yaabaa iney dhacaan waxyaaba aadan rabin, iyo kuwo khatar ah. Tusaala, dhaawac, shil, inaad galma sameysid badbaada la’aan, ama aad sameysid galma aadan rabin.

Waxaa laga yaabaa inaad matagto, huradid ama miir daboolanto marka ey daroogada ku saameyso. Waxaa jirta khatar dhimasho ah.

Jirka iyo maskaxda ayaa dhaawacmi kara

Daroogada jirka ayey siyaaba kala duwan u dhaawici kartaa. Tusaale, maskaxda, neefsashada iyo wadnaha waa saameyn kartaa.

Booliska wey ku baari karaan haddii ey u muuqato in daroogada ey ku saameysay

Booliska waxey xaq u leeyihiin iney ku baaraan haddii aad u muuqato in darooga ey ku saameysay. Waxaad xaq u leedhaay inaad ogaato sababta ey kuu baarayaan. Waxaad xaq u leedahay inaad ogaato sababta ey kuu baarayaan. 

Booliska wuxuu u sheegayaa wixii dhacay waalidkaada, wakiiladaada iyo saraakiisha adeega bulshada, haddii aad 18 sana jir ka yartahay.

Waxaa laga yaabaa in daroogada ey qabitiin kuugu noqotay

Daroogada oo lagu tiirsanaada micnaheedu waa in jirka uu la qabsaday saamaynta ey daroogada ku hayso. Ka dibna wey adag tahay inaadan helin daroogo. Wey adag tahay inaad iska joojiso xitaa haddii aad rabto.

Waxaa laga yaabaa inaad carooto, aad dhidido, aad xanuunsato, aadna qabto wadna garaac ama xanuun. Waxaad sidoo kale dareemi kartaa welwel. Daroogada qaarkeed dhakhsi ayey qabatiin ugu noqonaysaa.

Daroogada waxay saamaysaa noolasha

Ma jiro qof ku fakaraaya marka uugu horaysa in daroogada ay wax saameyn ku yeelaneysa. Laakiin muda ka dib way ku adkaanee inuu is xakameeeyo. Daroogada muhiim ayey kuu noqoneysaa, weyna ku saamaynaysaa marar badan.

Waxaa laga yaabaa in dadka kala ey dareemaan inaad dhibaata ku qabto daroogada. 

En person säger "sluta tjata jag är precis som vanligt" och en annan svarar "det är bara du som tror på det". Illustration.

Calaamadaha muujinaaya in daroogada aad dhib ku qabto

  • Dareemaahaada wey is badalayaan. Waxaa laga yaabaa inaad xanaaqdid, carooto ama ey ku gasho cabsi ka badan sidii hore.
  • Wey kuugu adag tahay inaad wax ku howlanaato, waadna hilmaameysaa waxyaabihii horay u dhacay.
  • Waxbaa iska badalaaya jirkaada, tusaala, hurdada wey kuugu adag tahay ama gaaja ayaa kuu qabaneysa si ka duwan sida caadiga.
  • Waxaad u baahaneysaa darooga dheeri ah.
  • Hadana waxaad u baahn tahay mar kale marka tii hore ey jirkaada ka baxda.
  • Waxaad isticmaaleysaa darooga badan oo ka duwan sida aad u maleyneysay.
  • Dugsiga xaaladaada aad bey u xumaaneysaa, goobta shaqada iyo waxyaabaha kale oo muhiimka kuu ah.
  • Xiriirka aad la leedahay qoyska, asxaabta ama dad kala wuu badalmaaya.
  • Dhibaatooyin bad kala kulmaysaa dhanka lacagta.

Waad joojin kartaa isticmaalka daroogada

Daroogada noolashaada ma dhib bey ku tahay? Waa kuwaan waxyaabah qaar oo aad samayn karto si aad u badasho:

  • Adiga naf ahaantaada isu fikir: Sideen ka rabaa noolasheyda iney noqoto? Sideen rabaa?
  • Qof u sheeg inaad dhibaato ku qabto daroogada. Tusaale, saaxinb ama qof weyn oo aad ku kalsoon tahay. Wey fiican tahay iney dad ku taageeraan.
  • Raadi caawimaad. Wey kuugu adkaan kartaa inaad iska joojiso daroogada naf ahaantaada. Waxaa jira gooba badan oo ku caawin kara. Waxaad ka bilaabi kartaa inaad la xiriirto goobta Qaabilaadda Dhalintaxarunta daryeelka caafimaad, ama Goob lagu Qaabilao Dadka Qaba Dhibaatooyinka Khamriga iyo Daroogada. Waxaad la xiriiri kartaa waaxda caafimaadk ardayada haddii aad dhigato dugsi ama kuleej.
  • La xiriir waaxda adeega bulshada ee degmada, weydiisana in aad la xidhiidho qof ka shaqeeya dhibaatooyinka khamariga, darooga iyo qabatiinkeeda.
  • Kala xiriir hey’ad walba oo ka shaqeysa arimaha dhibaatooyinka daroogada, telfoonka ama khatka.

Daryeelka caafimaad iyo adeegyada bulshada warbixin uma geeyaan booliska haddii aad rabto in lagaa caawiya dhibaatooyinka daroogada.

Maxaa caawimaad ah ayaan heli karaa?

Waxaad la hadleysaa qof la shaqeeya dhalinta si ey u joojiyaan isticmaalka daroogada. Waxaad la kulmi kartaa dhowr jeer. Waxaad ka hadleysaa sida aad u badali karto xaaladda. Waxaad sidoo kale ka hadleysaa sida aad dareemeysid iyo sida noolashaada ey tahay haatan.

Waxaa laga yaabaa iney adag tahay joojinta isticmaalka daroogada haddii aad muda dheer isticmaaleysay. Waxaa laga yaabaa sidoo kale inaad caawimaad uuga baahata isbitaalka, ilaa aad ka reysaneyso.

Waxaad heli kartaa caawimaad haddii aad la hadashid qoyskaada ama dadka kalo muhiimka kuu ah. Waa iska caadi in dhibaata ey ka jirto qoysa dhexdiisa ama meesha aad ku nooshahay, haddii aad darooga isticmaashid.

Sidoo kale waxaad heli kartaa caawimaad ku saabsan waxyaab kale. Tusaale, inaad aado dhakhtar ama midka maskaxda, haddii loo baahdo.

Wey fiican tahay haddii qof kale oo ku garanaya inuu kula socdo. Qofkaas wuu ku caawin karaa wuuna ku dhiira gelin karaa.

Xarunta is daweynta ayaad tagi kartaa

Guriga loogu talo galay in la isku daweeyo ee la yidhaa,’’ behandlingshem’’ ayaad tagi kartaa hadii ay ku haysato dhibaato aanad gurigaaga u joogi karin. Waxaad halkaa ka helaysaa cawiimaad dhanka daroogada ah.

Miyaad ka welwelsan tahay qof?

  • Haddii aad ka welwelsan tahay qof isticmaala darooga oo ay saameysay:
    Qof weyn kala xiriir, qareenka daryeelka caafimaad telefoon nambarkaan 1177 ama booliska. Aad qolka xaaladda deg dega ee isbitaalka ama xarunta caafimaadka maanta haddii aad caawimaad u baahan tahay islamarkaas. Wac 112 haddii qofka uu miir daboolan yahay.

  • Haddii aad ka welwelsan tahay qof isticmaala darooga: 
    La xiriir goobta qaabilaadda dhalinta ama xarunta Daryeelka Caafimaad. Sidoo kale waxaad soo diri kartaa telefoon adoon magacaada u sheegin hay’ad ka shaqeysa khamriga iyo daroogada. Anonyma narkomaner wuxuu leeyahay telefoon nambarka 0771-138000.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Filim: Talooyin si aad uga wanaagsanato

Miyaad ogsoon tahay inaad adigu sameyn karto waxyaalo kala duduwan si aad uga wanaagsanaato (sidii aad dareen fiican u dareemi lahayd) oo aad tamar ka badan ugu hesho? Halkan waxa ku qoran afar talooyin!

TAad bogga xaggiisa sare