Dhaqso uga bax bogga!
Tobaakada, khamrada, xashiishada

Cabidda Khamriga si xad dhaaf ah ama marar badan

Dricka för mycket eller för ofta - somaliska

Qoraalkaan wuxuu ku saabsan yahay dhibaatooyinka khamriga. Haddii aad saaid u cabto ama marar badan aad cabto, iyo haddii khamriga uu noolashaada aad u saameeyo. Waxaad heli kartaa taageero si aad u joojiso khamri cabidda.

En person har somnat med flera tomma glas framför sig. Illustration.

Dadka qaar waxay cabi karaan khamri mararka qaar iyagoon wax dhibaata ah eysan soo gaarin. Dadka qaar si sahlan ayaey u cabaan khamri badan weyna ku adkaataa iney joojiyaan. Dadka kale iskuma barbar dhigi karto.

Waa kuwan calaamadaha muujinaaya inaad qabto dhibaatooyinka khamriga:

  • Waxaad khamriga uga heshaa si ka daran sidii hore.
  • In badan waxaad cabtaa inta aad u maleyso in kabadan.
  • Marka aad cabsan tahay waxaad sameysaa waxyaabo aad ka shaleyneyso dib dambe.
  • Waad hilmaameysaa waxa aad sameysay ama aad sheegtay marka aad khamriga cabeysay.
  • Waxaad rabtaa inaad mar kala cabtid khamri adigoo maalintii ka horeysay cabtay.
  • Ma joojini kartid khamri cabka, inkastoo ad dadaaleyso joojintiisa.
  • In badan ayaad ka fakareysaa khamri, waxaadna heleysaa sababa aad khamriga u cabtid.
  • Dugsiga ama goobta shaqada ayey xaaladu sii xumaaneysaa.
  • Dadka kala waxey leeyihiin khamriga aad ayaad u cabtaa, ama wey kaa welwalsan yihiin. Waxaa laga yaabaa inaad dhibaata u geysatid asxaabta ama qoyska.
  • Waad xanaaqeysaa, xumaaneysaa, dareemeysaana xasilooni dari ama hurdada ayaa ku dhibeysa.
  • Waxaa laga yaaba inaad geshid xaalada xun khamriga dartiis. Tusaale, waxbaad xadeysaa, waad is dhaawaceysaa ama dadka kale, ama waxaad sameyneysaa galma aadan rabin.

Waxaad halkan ka akhrin kartaa xog dheeri ah oo ku saabsan dhibaatooyinka khamriga oo Af Sweedhish ah UMO.se.

En nyvaken person i sängen, en tankebubbla: "Uh, jag kan inte gå upp, jag får säga att jag är sjuk." Illustration.

Waxaa laga yaabaa inuu khamriga ku qabanayo

Khamriga oo ku qabanaaya micnaheedu waxaa weeyaan jirka wuxuu u bartay iney saameyo khamri wuxuuna u baahan yahay mar kala.

Kadib aad bey u adkaaneysaa si aad khamriga u cabin. Waxaad bilaabi kartaa inaad dhididid, xumaatid, hurdada ey kuugu adkaato, wadna garaac dareentid ama miirkaada badalmo. Waxaa laga yaabaa inaad dareentid xasillooni la’aan.

Maxaa kuu keeni kara dhibaatooyinka khamriga?

Dadka qaar waxey bilaabaan iney cabaan khamri badan marka wax noolashoodu ku adag ey dhacaan. Waxaa laga yaabaa iney dareemaan in khamriga uu caawinaayo. Laakiin dareenka adag mar walba wuu soo noqonayaa. Waxaa jira qaabab kala, oo fiicaan oo dareen fiican ku yeelan karto.

Waxey sidoo kale ku bilaaba kartaa dabaaldag badan. Khatarta dhibaatooyinka wey weynaanayaan haddii in badan aad wax badan cabto.

Isku day inaadan khamri cabin todobaadyo ama bilooyin haddii aad cabi jirtey wax badan muda dheer.

Dhibaatooyinka khamriga waxaa sidoo kale sababi kara waxyaaba kale. Tusaala, dadka kale aad bey u cabi jireen marka aad yarayd ama waxbaa dhacay oo noolashaada saameeyay. Waxaa jirta khatar weyn oo la xiriirta dhibaatada khamriga haddii qof qaraabadaada ka mid ah u qabey dhibaatada khamriga.

Dhibaatooyinka khamriga waa la cirib tiri karaa

Khamriga noolashaada dhibaata miyuu ku yahay? Talooyinka qaar oo ku saabsan sida aad u badali karto:

  • Naftaada ka fakar: Sideen ka rabaa noolasheyda iney ahaato? Sideen rabaa inaan noqdo?
  • Qof kale u sheeg inaad qabto dhibaatada khamriga. Tusaala, saaxib ama qof weyn oo ad aaminsan tahay.
  • Caawimaad raadi. Waxaad ka bilaabi kartaa adoo la xiriiraya Goobta Qaabilaadda Dhalinta, Xarunta Daryeelka Caafimaad, ama Goob lagu Qaabilo Dadka Qaba Dhibaatada Khamriga iyo daroogada kale. Waxaad ka heleysaa bogga 1177 Vårdguiden. Waxaad la xiriiri kartaa daryeelka caafimaadka ee ardayda haddii marka aad aado dugsi ama kuleejka.
  • Waxaad sidoo kale la xiriir kartaa waaxda daryeelka bulshada ee barasaabkaada. Sheeg inaad u baahan tahay inaad la xirirto qof u xil saaran qabatiinka khamriga.
  • Kula xiriir hay’ad walba oo ka shaqeysa dhibaatooyinka khamriga, teelfoon ama khatka.

Maxaa caawinaad ah oo aan heli karaa?

Waxaad heleysaa qof aad la hadashid oo d’a yarta ka caawiya joojinta khamriga. Dhowr jeer ayaad la kulmi kartaa. Waxaad ka hadleysaa sida aad u badali karto xaaladda. Sidoo kale waxaad ka hadleysaa sida aad dareemeysid iyo sida ey noolashaada haatan tahay.

Waxaad heli kartaa taageero haddii aad la hadashid qoyskaaga ama dadka kaloo muhiimka ah. Waa caadi inaad dhibaata ku qabto qoyskaaga ama meesha aad ku nooshahay haddii aad qabto dhibaatooyinka khamriga.

Sidoo kale waxaad taageero ka heli kartaa waxyaabaha kale. Tusaale, aadidda dhakhtar ama sarkaalka arimaha maskaxda, haddii loo baahdo.

Waxaa fiican in dad kale ay ku lug lahaadaan dadka kala, sida qoyskaada ama saaxiibkaa fiican.

Waxaad aadi kartaa xarun la isku daaweey

Waxaad aadi kartaa guri la isku daaweeyo haddii aad qabto dhibaatooyin weyn ama aadan ku noolaan karin gurigaada caadiga ah. Waa goob aad ku noolaan karto marka aad hesho taageero si aad khamriga u joojiso.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Filim: Talooyin si aad uga wanaagsanato

Miyaad ogsoon tahay inaad adigu sameyn karto waxyaalo kala duduwan si aad uga wanaagsanaato (sidii aad dareen fiican u dareemi lahayd) oo aad tamar ka badan ugu hesho? Halkan waxa ku qoran afar talooyin!

TAad bogga xaggiisa sare