Dhaqso uga bax bogga!

Macluumaad ku sabsan Youmo

Om Youmo - somaliska

Youmo.se waa bogg ku haboon qof 13 ilaa 20 sanno jir ah. Halkan waxa ku yaala macluumaad ku sabsan jidhka, galmada iyo caafimaadka. Waxaad sidoo kale ka akhriyi kartaa sinaanta, xaquuqdaada iyo sidaad u helayso caawimo si aad caafimaad u dareento. Waxaad Youmo ka arki kartaa sawiro aad ku akhriyi karto carabi, daari, soomaali, iswiidhish ama tigrinya. Waxaad sidoo kale heli kartaa macluumaadka xidhiidhka ee dhamaan rugta dhallinyarada Iswiidhan. Youmo waxay qeyb ka tahay UMO.se, rugta dhallinyarada internedka. Cida ka masuulka Youmo iyo UMO waa degmooyinka iyo gobolada. Waa iyaga cida Iswiidhan ka masuulka ah caafimaadka iyo daryeelka bulshada. Waxa ku qoran bogga waxa sugay dad khibrado u leh mawduucyada Youmos. Turjumaada waxa sugay dhowr qof oo yaqaana iswiidhishka iyo luqada lagu turjumeyba. Emayl u soo dir info@youmo.se haddii aad wax qalad ah ka hesho, ama haddii aad wax talo ah hayso oo Youmo loogaga sii wanaajinaayo. Waxaanu emaylada ku qabanaa iswiidhish iyo ingriisi. Youmo waa wadda shaqeyn ka dhaxeysa Myndigheten för ungdoms- och civilsamhällesfrågor, MUCF. Waa dawlada cid bixisey kharashka lagu sameynaayo Youmo.

TAad bogga xaggiisa sare