Su’aal

Su’aal: Waxa la igu sameeyey gudniinka xubnaha taranka, sidee ayaa la ii caawin karaa?

Jag är könsstympad, hur kan jag få hjälp? - somaliska

Su’aal

Waxa la igu sameeyey gudniinka xubnaha taranka, sidee ayaa la ii caawin karaa? Waxaan maqlay in qaliin la isku sameyn karro. Miyey waalidkeygu u baahan yihiin inay ogaadaan haddii qaliin la igu sameeyo? Gabadh 17 sanno jir ah.

Jawaab

Waxaad heli kartaa caawimo fiican. Taas waxaad ka heli kartaa ungdomsmottagning, qeybta cudurada dumarka ama rugta caafimaadka, vårdcentral. Waxaad la xidhiidhi kartaa skolsköterskan haddii aad dugsiga dhigato.

Waxaad Södersjukhuset oo ku yaala Stockholm ku taala rug u khaas ah qofka logu sameeyey gudniinka xubnaha taranka. Waxa la yidhaa AMEL-mottagningen. Waxaad halkaas tagi kartaa xataa haddii aanad ku nooleyn Stockholm. Waxaad caawimo ka helaysaa jidh ahaan iyo sidaad maskax ahaan dareemayso.

Waad saxsan tahay in laguu sameyn doono qaliin haddii aad doonayso iyo haddii loo baahdo. Qaliinku waxa uu ka saari karaa boog ku xanuunaysa, ama waxa la furi karaa hoostaada si ay kuuga dhib yaraato inaad kaadido oo caadaddu kaa timaado. Qaliinku waxa uu si wanaagsan kaaga caawin karaa haddii ay kugu adagtey inaad galmooto ama hadda aad ku raaxaysato galmada. Qaliin kale ayaa dib loogu dhisi kara kintirkaaga. Waxaad heli doontaa warbixin dheeraad ah marka lagu caawinaayo.

Uma baahnid inaad kala hadashid waalidkaaga, haddii aanad rabin. Waxa lagu caawin karaa oo qaliinka laguu sameyn karaa xataa haddii aanay u baahneyn inay ogaadaan.

Waxaad markasta ka heli doontaa caawimo turjumaanka haddii aad u baahato.

TAad bogga xaggiisa sare