Bildspel: Vad händer i tjejkroppen i puberteten? - somaliska
Halkan waxa ku dhigan muuqaal muujinaaya waxa jidhka ku dhaca xiliga baaluqa. FIIRO GAARA! Sawiro xasaasi ah.
Sawir 1
1/12
Baaluqu waa xili jidhku uu ka soo baxo carruurnimo oo uu soo galo qof weyn. Taasina siyaabo kala duduwan ayaanay dadka ugu kala dhacdaa. Iyadoo aanad adigu shakhsi ahaan saamayn Karin taas.
In la baaluqo ayaa siyaabo kala duduwan loo dareemaa. Dadka qaar ayaa aad u sugaayey oo u arka inay wax xiiso badan tahay. Halka ay dadka qaar u arkaan inay arrin adag oo hawl badan tahay.
Marka uu baaluqu dhamaado ayaad leedahay jidh qof weyn, isla markaana aad qof weyn u muuqato. Markaas ayuu dhererkaaguna istaagey.
Sawir 1
1/12
Xiliga baaluqa ayay kugu dhici kartaa inuu maqaarka kubuurto. Waa caadi ah in la yeesho dhibco yaryar oo maqaarka ka soo baxa iyo finan.
Sawir 1
1/12
Fikirka iyo dareenka ayaa is badela.
Dabeecadaada ayaaiska badeli karta sidii hore. Waxaad noqon kartaa mid ka cadhoota waxyaalo aanay hore uga xanaaqi jirin.
Waxaad noqon kartaa mid dareemeysa niyad jab ama waxaad bilowdaa inaad aad u fikirto.
Sawir 1
1/12
Waxaad noqon kartaa mid galmada aad u xiiseysa. Waxa laga yaabaa inaad wax badan ka fikirto galmo oo aad kacsato.
Sawir 1
1/12
Waxaad jidhka ku yeelanaysaa timo badan, gaar ahaan kilankilada. Waxaad kaloo bilaabeysaa inaad si darran u dhidido inta lagu jiro xiliga qaan gaadhka.
Sawir 1
1/12
Naasaha ayaa koraaya. Waxay ka bilaabantaa taasi inay ibta naasaha xagooda danbe adkaato. Ibta ayaa ku yara xanuuni karta.
Waxa caadi ah in hal naas ka hor koro ka kale.
Sawir 1
1/12
Waad ka sii dheeraanaysaa. Jidhka ayaa sidoo kale qaabkiisu is badeli karaa, khaasatan miskaha iyo caloosha.
Marka uu jidho si dhakhso badan u korro ayaa maqaarku dildilaaci doonaa. Dildilaacu waxa uu u muuqdaa xariijimo ama liid liidyo. Kuwaas oo khafiifa wakhti ka dib.
Sawir 1
1/12
Waxaad timo ku yeelan doontaa xubinta taranka.
Kintirka iyo debnaha siilka ayaa kora iyagoo midab iyo qaab kale yeesha.
Waxaad heli doontaa dheecaano. Waa dareere ka yimaado siilka. Dheecaanada waxa weeye qaar cad ama waxoogaa jaale ah. Dheecaanadu waxay siilka ka dhigaan mid qoyan oo aan bakteeriya laheyn.
Xubinta taranka ayaa laga yaabaa inay ur kale yeelato xiliga baaluqa. Taasi waxa u sabab ah dhididka iyo Dheecaanada.
Sawir 1
1/12
Waxa kaa imaaneysa caadada. Waxa weeye dhiig ka yimaada siilka bil kasta.
Waa caadi in dhiigu uu si aan joogto aheyn u yimaado bilowga. Waxay tusaale ahaan kuugu dhici karta caadada hal mar oo aad kadibna sugi kartaa dhowr bilood inta uu dhiiga kale kaa imanaayo.
Markaad caadada hesho micnaheedu waxa weeye in ugxan sidahu uu sameeyay ugxan. Waxa suurtogal ah inaad uur qaado haddii aad tusaale ahaan galmo sameyso kadibna shahwad ay soo gasho siilkaaga.
Sawir 1
1/12
Qof la hadal haddii aad qabto wax su'aalo ah ama haddii baaluqu uu si uun kuugu adag yahay. Waxaad tusaale ahaan la hadli kartaa skolsköterskan, skolkuratorn ama qof kale oo jooga ungdomsmottagning.
La soo xidhiidh skolsköterskan, ungdomsmottagning ama vårdcentral haddii aanad laheyn calaamada baaluqaada markaad 14 sanno jir gaadho. Waxaad taas sameyn kartaa iyadoo uu kula socdo qof aad adigu taqaano/garaneyso ama kaligaa tahay. Baaluqaadu waxa haddii loo baahdo lagu bilaabi karaa ama lagu joojin karaa daawooyin.