Dhaqso uga bax bogga!
Jidhka

Ilmo iska soo ridid

Abort - somaliska

Soo ridida ilmuhu waxey ka dhigan tahay in la joojiyo uurka. Adigaaga uurka leh ayaa go’aansanaya haddii aad rabto in aad ilmo iska soo ridid. Ma jiraan wax xad ee da’da ilmo iska soo ridida. Ilmo iska soo ridida kama dhigeyso in ay aad u adkaato inaad uur qaado mustaqbalka. Sidoo kale ma kordhiso khatarta in uu yimaado dhicis.

Två personer i en soffa håller om varandra. Illustration.

Waxaa caadi ah in la lahaado feker iyo dareen ku saabsan ilmo iska soo ridid Sidaa darteed, waxaad mar walba ka heli kartaa qof aad kala hadasho arrimo ku saabsan ilmo iska soo ridid.

Adigaaga uurka leh ayaa go’aanka iska leh

Waa adiga mar walba qofka uurka leh, badana waa go’aankaada hadii aad rabto in aad sameyso ilmo iska sooridida iyo haddii kale. Waxa kale oo aad xaq u leedahay in aad bedesho maskaxdaada waqti kasta ka hor waqtiga soo ridida dhabta ah.

Goor maan yeeli kara inaan ilmaha iska soo rido?

Uur qaadista ayaa laga soo tiriyaa laga bilaabo maalinta ugu horeysa ee caadada ugu dambeysa. Illaa 18 toddobaad ee uurka, waxa aad xaq u leedahay ilmo iska soo ridid adigoon u sharaxeynin sababta qofna.

Wixii ka dambeeya todobaadka 18, maamulka hayadda talinta arrimaha bulshadda Socialstyrelsen ayaa ah iney bixiso fasaxa ilmo iska soo rididda.

maamulka hayadda talinta arrimaha bulshadda Socialstyrelsen ayaan fasax ku bixin karin ilmo iska soo ridida haddii uurku jirku uu ku noolaan karo dibada jirka haweenka uurka leh, Sidaa darteed, ilmo iska soo ridida marnaba lama sameyn karo wixii ka dambeeya markii ladhafo toddobaadkii 21 aad.

Soo rididda ilmaha waxaa badanaa laga sameeyaa isbitaalka

Ilmo iska soo ridid waxa lagu sameeyaa goobta ilmo iska soo ridida soo dhaweynta ah ee isbitaalka ama rugta caafimaadka dumarka. Mararka qaar waxaad ku sameen kartaa ilmo iska soo ridida guriga. Adiga ayaa wacaya oo ballansanaya.

Haddii aad raadineyso in aad sameyso ilmo iska soo ridid waxa la xiriiri kartaa xarunta qaabilaadda dhallinyarada ungdomsmottagning ama xarunta daryeelka caafimaadkawixii talo ah. Shaqaalaha ayaa kaa caawini kara inaad la xiriirto rugta dhaweynta ilmo iska soo ridid ah.

Wey wacan tahay in aad la hadasho qof

Waxaa caadi ah in la yeesho feker iyo dareen ku saabsan ilmo iska soo ridida ah. Waxaad heli kartaa taageero iyo caawimaad hor iyo ka dib ilmo iska soo ridid. Shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa ku dhegeysanaya oo kaa caawini kara in aad qaadato go'aankooda u gaarka ah. Waxaa laga yaabaa in ay wacan tahay in qof lala hadlo, xitaa haddii aad hubto in aad rabto in aad sameyso ilmo iska soo ridid ah.

Xitaa adigaaga qof uureeyey waxaad heli kartaa wadahadalka taageerada.

Soo rididda ilmuhu waxa loo samayn karaa laba siyaabood

Ilmo iska soo ridid caafimaad ahaan waxey ka dhigan tahay in aad qaadan karto laba nooc oo ah kiniiniyada kuwaasoo ka yeela in uur ku jirka caloosha laga soo riixo.

So rididda Qalliinka waxey ka dhigan tahay in uur ku jirka lagu soo saaro qaliin yar. Waa lagu suuxinayaa inta lagu jiro ilmo iska soo ridid oo idil.

Soo rididda ilmuhu waxa ku kici karta kharash kala duwan

kharashka ilmo soo ridida waa qiimo kala duwan ee meelo kala duwan ee dalka. Meelo badan ayaadan wax kharash ah bixineyn haddii aad ka yar tahay da’da 18.

Ma in uu mas’uulka caruurtu uu ka war hayaa?

Shaqaalaha rugta ilmo soo rididda waxaa haya xeerka sir qarinta markaa cidna uma sheegi karaan booqashada aad ku timid. Laakiin haddii aad ka yar tahay 18, sida caadiga ah shaqaalaha ayaa ku taliyaan in qof weyn oo kuu dhaw ogaado inaad sameyneysid ilmo iska soo ridida. Waxay noqon kartaa qof qaraabo ah ama qof kale oo aad taqaano, la taliye ama kalkaalisada dugsiga. Waxa ay noqon wax fiican inaa leedahay qof ku taageeri kara ka hor iyo ilmo iska soo ridid ka dib.

Ka dib markii ilmo la iska soo riddo

Waxaa laga yaabaa inay fiican tahay in aad nasato maalin ilmo soo rididda ka dib. Maalmaha ugu horreeya waxaa laga yaabaa in aad dareento calool xanuun yar sida xanuunka caadada. Waxaa laga yaabaa in dhiig ka yimaado siilka saddex ilaa afar todobaad. Inta aad dhiigeyso, waa in aad marna sameyn galmo ama ma dabalan kartit, waskada biyaha magali kartit. Waa in aadan isticmaalin suufka caadada ama koob caadada.

Dadka qaar marka soo rididda kadib bey ka xumadaan. Qaar kalena waxay dareemaan khafiif. Dareenka ayaa sidoo kale dhici kara in waqti ka dib yimaado. Xitaa haddii aay kasoo wareegatay muddo dheer waxaad weli la xiriiri kartaa tusaale ahaan rugta qaabilaadda dhallinyarada ungdomsmottagning si aad u hesho taageero, haddii aad dareento ilxumo soo rididda ka dib.

Ilmo iska soo ridida kama yeeleeyso in ay adkaato in uur la qaado mustaqbalka. Sidoo kale ma kordhiso khatarta in uu yimaado dhicis.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Xarunta daryeelka dhalinta

Waxaad Xarunta daryeelka dhalinta tagi kartaa haddii aad qabto su'aalo ku saabsan jidhka, galmada ama kahortagga uurka. Waxaad sidoo kale halkaas tagi kartaa haddii aad jiran tahay oo aad u baahan tahay qof aad la hadasho.

Mawduuc

Sir dhowrista

Qofka shaqaalaha ee aad kula kulanto rugta caafimaadka ma aha inuu kala hadlo qof kale, ama wax rugta lagaaga qorey uu u gudbiyo cid kale. Taas waxa loo yaqaanaa sir dhowrista. Sir dhowristu waxay qabanaysaa dhamaan dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka.

Mawduuc

Waxyaalaha kahortagga uurka

Waxa jira siyaabo kala duduwan oo la iskaga ilaaliyo in uur loo qaado. Muuqaalkan waxaad ka arki kartaa waxyaalaha ugu badan ee la isku ilaaliyo.

TAad bogga xaggiisa sare