Dhaqso uga bax bogga!
Su’aalo iyo jawaabo

Qoyskaygu ma oggola khaniisnimada ama labiskayga, i caawi!

Min familj accepterar inte homosexualitet eller mina kläder, hjälp! - somaliska

Su’aal

Ma ahaan karo qofka aan hay qoyskayga dhexdiisa. Ma aqbalayaan in aan ku labisto dhar igu dheggan. Waxay aaminsan yihiin in aanay aniga igu haboonayn maadama aan ahay wiil. Marka aan u labisto sida anigu aan doonayo waxa igu dhacaya in la i fogeeyay oo la ii hanjabay.

Anigu ma hubo nooca galmada jinsiga ee aan ahay, laakiin waligayna maan ku dhawaaqeen ama cadaysteen in aan ahay mid u galmooda laba jinsiba ama jinsi isku mid ah. Waxaan ka cabsanayaa in ay igu dhacaan wax aad u khatar badan hadii ay qoyskaygu ogaadan arintan iyo wax ka mid ahba.

Waalidkaygu waa kuwo ku adag dhanka diinta iyo dhaqankaba. Waa mid aan suurto-gal ahayn in la badalo hab fikirkooda. Waan jeclahay qoyskaga waxaan dareemaa ka xumaansho badan waayo ma rabo in aan dhawac u gaysto. Laakiin waxaan ka cabsi qabaa in aanan awoodin in aan ahaado sida ay iyagu doonayaan.

I caawi, maxaan sameeyaa?

Jawaab

Waxay ila tahay in aad ku bilowdo oo aad kala hadasho xaaladaada qof weyn oo aad aaminsan tahay. Tusaale ahaan waxay noqon kartaa macalinka, kalkaaliyaha cilminafsiga ee iskuulka (kurator) ama qof kale oo jooga goobta lagu qaabilo dhalinyarada (ungdomottagning)

la hadal saxiib hadii ay ku fududahay. Laga yabaa in aad hesho caawimaad si aad kadib ugu dhiirato in aad la hadasho qof weyn oo qaan gaadh ah.

Waxaad sidoo kale la xidhiidhi kartaa RFSL stödmottagning. Waxay yaqaanan sida loo caawiyo dadka lagu faquuqo looguna hanjabo arimaha la xidhiidha galmada jinsiga ama aqoonsiga jinsigooda. Waxaad wici kartaa ama emayl u qori kartaa adiga oo aqoonsigaagu qarsoon yahay.

Waxaad u qoraysaa in aad dareemayso ka xumaansho iyo in aadan doonahayn in aad dhaawacdo dareenka familkaaga. Ma fiicna in aad ku kaliyaysato dareenka noocan ah. Waxal laga yaabaa in aad dareento in ay wax kaa khaldan yihiin, laakiin adiga waxba kaama khaldana ama sida aad isku filan tahayba.

Sidoo kale waxaad u qoraysaa in aad waxyeelo aad u balaadhan ku soo gaadhi karto hadii ay reerkiinu ogaadaan in aad tahay mid labada jinsiba u galmooda ama jinsi la mid ah. Ma garanayo si toos ah waxa aad ka cabsi qaabto. Waa muhiim in aad ogtahay meesha aad cawimaad u raadsan karto hadiiba aad u baahato.

  • La xidhiidh haya’da Socialtjänsten hadii aad ka baqayso in ay wax kugu dhacaan, ama aad u baahantahy gashaan hanjabaad iyo gacan kahadal laguu gaysto.
  • Wac 112 hadii aad u sugan tahay xaalad khatar ah oo kadis ah.

Dhalinyaro badan oo ku sugan xaaladan oo kale ayaa ka cabsi qaba in si xun looga dhaqmo, iyadoo loo gaysanayo hanjabaad, gacan kahadal ama in familka laga go’ooyo. Kuwo kale ayaa iyaguna ka cabsi qabta in qoyskooda ama kuwo qaraabada kamid ah ay dil kula kacaan.

Qayb dhalinyarada ka mid ah ayaa ka cabsi qaba iyaguna in guur lagu  khasbo, halka kuwo kalena ay ka baqayaan in lagu khasbo la kulanka dhakhtar, cilminafsi ama hogaamiye diineed kuwaas oo isku dayay in ay ka dhigaan kuwo jinsiga ay u galmoonayaan saxan yahay.

Dhamaan dadku waxay xor u yihiin doorashada cida ay u galmoonayaan, aqoonsiga jinsiga iyo in ay ku labistaan nooca dharka ay rabaan. Cidna in loo hanjabo oo waxyeelo lagula kaco maaha. Waxaad xaq u leedahay cafimaad qabkaaga waxaana jira cawimaad aad heli karto.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare