Dhaqso uga bax bogga!
Aniga

Anigu waxaan u arkaa in uu Jinsi-gadoon igu dhacay sideen u heli karaa caawin?

Jag tror att jag är transperson, hur kan jag få hjälp? - somaliska

Su’aal

Waxaan haystaa jidhkii wiilka lakiin waxaan ahay gabadh runtii. Anigu waxan rabaa magac kale oo u eeg kan gabdhaha. Maxaan samayn karaa?

Jawaab

Dareenkaaga waa in aad si dhab ah u qadataa, marka jidhkaaga iyo jinsiga aad tahay ay isku kaa qaban wayaan ama adaan dareemi waydo in aad adiga tahay. Waxaad heli kartaa garab iyo caawin si aad u ogaato waxa aad ka qaban karto, la xidhiidh qaabilaada dhalinyarada ama xarunta cafimaadka. Waxad la xidhiidhi kartaa qaybta cafimaadka ardayga, hadii aad dhigato Iskuul.

Magacaaga koobaad waad badali  kartaa, hadii aad Iswiidhan ka diwaangashan tahay. Waxaad samaynayaa in aad u dirto codsiga macag badalka Skattverket. Adiga oo ku badalanaya macag ay gabdhuhu la baxaan xataa hadii jidhkaagu uu yahay kii wiilka.  hadii aad ka yartahay 18jir waxa ogolaanshaha ku siinaya qofka kaa masuulka ah. Laakiin hadii aad ka waynatahay 18 sanno adiga ayaa magaca iska badali kara. Halkan waxa kujira warbixin sidii aad yeeli lahayd.

Waxad heli kartaa daaweyn/daryeelid sidii aad u badali lahayd jidhkaaga, hadii aad doonayso. Hadaba waxa ugu horeeya ee aad samaynaysa waxa weeye badhitaanka. Waxa jira kooxo gaar ah oo sameeya baadhitaan meelo badan oo kuyaala Iswiidhan. Xarunta qaabilaada dhalinyarada ama xarunta daryeelka cafimaadka ayaa kaa caawin kara sidii aad ula kulmi lahayd kooxdan baadhitaanka samaysa.

Hadii aad tahay qof dalbaday magan-galyo ama aan lahayn sharci waxad xaq u leedahay in aad la kulanto dhakhtarka nafsiga ah (psykolog) ama dhakhtar ama kalkaaliso caafimaad oo aad kala hadasho xaaladaada. Laakiin hadii aad samaynayso baadhitaanka waa in aad degenataa Iswiidhan isla markaana sharci lahaataa.

Daaweyntii aad bilowday waxad ka sii wadi kartaa wadank kale. Tusaale ahaan hadii aad bilowday in aad qaadato hormoonada ama dheecaanada oo in aad sii wado ay tahay. Markaas waxaad la xidhiidhaysaa mid ka mid ah kooxdii baadhitaanka kuu samaysay oo aad waydiinaysaa caawimaad. Halkan ayaan ka helaysaa liistada kooxda baadhitaanka.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Cida soo jiidata qofku in uu u galmoodo (Sexuell läggning) iyo HBTQI

Cida soo jiidata qofku in uu ugalmoodo (Sexuell läggning) waxay ku saabsan tahay jinsiga qofka aad jeclaatay iyo soo jiidashadiisa. Waxaad xaq uleedahay in aad jeclaato aadna la socoto qofkii aad rabto. Dalka isweedhan waa sharci midaas.

Mawduuc

Xarunta daryeelka dhalinta

Waxaad Xarunta daryeelka dhalinta tagi kartaa haddii aad qabto su'aalo ku saabsan jidhka, galmada ama kahortagga uurka. Waxaad sidoo kale halkaas tagi kartaa haddii aad jiran tahay oo aad u baahan tahay qof aad la hadasho.

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare