Dhaqso uga bax bogga!
Su’aalo iyo jawaabo

Su’aal: Anigu in badan ayaan ka war sugaayay go’aanka magangalyo-doonkayga intaa wax ka badana ma qaadan karo

Jag har väntat länge på asylbesked, och snart orkar jag inte mer. - somaliska

Su’aal

Anigu in badan ayaan ka war sugaayay in aan ogaado hadii la ii ogaladay in aan Iswiidhan sii joogi doono. Maalin kasta ayaan taas ka fikiraa. Waan ka daalay in aan sugo. Waxaan dareemayaa murugo iyo daal. Markii hore waxan u arkaayay inuu mid xiisobadan yahay dugsigu, barashada Iswiidhishku, iyo in aan saxiibo la kulmo. Lakiin hada intaas wax ka badan ma karo. Maxaan sameeyaa?

Jawaab

Runtii waan dareemi karaa in aad dareemayso murugo iyo daal. Wax lala yaabo ma aha in aad dareento rajo la’aan madama oo aadan garanahayn waxa dhici doona.

Way fiican tahay in aad la hadasho qof. Marka aad sidan oo kale dareemayso. Waxaad dareemi kartaa in aad ka roontahay, hadii aad qof kale la wadaagto fikirkaaga adag iyo dareenkaaga kaas oo ku dhagaysta iskuna daya in uu ku fahmo. Waa muhiim in aadan dareenkaa xun kali ku noqonin. Laga yaabaa in aad garanayso qof ku jira xaaladadaada oo kale. Miyaad kala hadli kartaa dareenkaaga iyo fikirkaaga midkood?

Waxa sidoo kale jira meelo badan oo aad la xidhiidhi karto kuwaas oo yaqaana in ay la hadlaan dadka dhalinyarada ah ee waxa xun dareemaaya/aan cafimaadkoodu fiicnayn. Halkan waxa ku yaal kuwo laguu soo jeedinaayo:

 

  • Xarunta qaabilaada dhalinyarada (ungdomsmottagning). Halkan waxaad kula hadli karataa La taliye (Kurator)
  • Qaybta cafimaadka ardayga, ee Iskuulka. Halkaas waxa kugu caawin kara qof La taliyeha Iskuulka ah ama kalkaalisada cafimaadka.
  • Waxa sidoo kale jira dhawr urur oo caawiya dadka xaalada adag ku jira. Tusaale ahaan laanqayrta cas (Röda korset), iyo badbaadada caruurta (Rädda barnen).

 

Isku day in aad samayso waxyaabihii berigii hore ku farxad galin jirey, la kulan saaxiibadaa oo Iskuulkana ku dadaal. Iskuulku waa u muhiin mustaqbalkaaga, hadii aad Iswiidhan joogto iyo hadii kaleba. Waxaad haystaa jaanis ka wanaagsan oo aad iskugu filnaato mustaqbalka hadii aad Ingiriisida taqaano oo aad leedahay aqoonta aad ka korodhsatey Iskuulka. Isticmaal fursadaha aad halkan ka helayso, xataa hadii aad dareemayso murugo iyo daal.

 

Ma ku fikiraysaa in aadan awoodin in aad sii noolaato? Sidaas ayaa la dareemi karaa, marka qofku uu xaalad adag ku jiro. Markaa waa muhiim in aad hesho caawimaad degdeg ah. Waxaad la xidhiidhi kartaa bup (dhakhtarka daryeelka dhimirka/maskaxda ee caruurta iyo dhalinyarada) ama gargaarka degdega ee qaybta daryeelka maskaxda. Waxa jira dad badan oo ka fekeraayey in ay isdilaan, kuwaas oo helay caawimo oo hada aad u fiican.

Wax badan ayaad ka soo dhex baxday waxaanad tahay qof adag/awood badan. Hadda waxaad dareemaysaa in aadan awoodin, laakiin taas macnaheedu maaha in aad waligaa sidan dareemi doontid, raadso qof aad la hadli kartid. Waxay kaa caawin doontaa in aad awoodaada dib ugu hesho, waxaanay ku galin doontaa farxad yar.

TAad bogga xaggiisa sare