Dhaqso uga bax bogga!
Su’aalo iyo jawaabo

Waxaan ka cabsoonayaa in la ii guuriyo – maxaan sameyn karaa?

Jag är rädd för att tvingas gifta mig - somaliska

Su’aal

Waxaan ka cabsoonayaa in dhawaan la igu qasbo in aan guursado, aniguna ma rabbo taas. Maxaan sameyn karaa?

Jawaab

Waa wax halis ah in aad ka cabsooneyso in lagugu qasbo in laguu guuriyo. Markaas ayaad u baahan tahay inaad qof la hadasho. Waa danbi in Swiidhan qof lagu qasbo inuu guursado. Cidna inay kugu qasabto ma ah taas. Waalid, walaalo, qaraabo, asxaab ama cid kale toona.

Waxay ila tahay inaad la hadasho mid ka mid ah dadka jooga xarunta daryeelka dhalinta haddii aad ka cabsooneyso in laguu guuriyo. Waxaad la xidhiidhi kartaa kalkaalis ama la taliyaha dugsiga haddii aad dugsiga dhigato. Iyagaa ku caawin karta. Waxa xataa jira ururo ka shaqeeya su'aalaha nooca ah oo aad caawimo ka heli kartaa.

Waxaad caawimoo ka heli kartaa socialtjänsten ama booliiska haddii aad caawimo u baahan tahay. Raadso lambarka kamuunkaaga ee socialtjänst. Lambarka telefoonka ee Booliiska 114 14. Haddii aad doonayso inaad Booliiska ka soo wacdo wadan kale lambarku waa +4677 114 14. 

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Filim: Adiga ayaa ka go’aaminaya jirkaaga

Dhamaan dadka waxay xaq uleeyihiin in ay go’aan ka gaaraan xaalada jirkooda. Waa xuquuq bani’aadanku leeyahay laakiinse maxay tahay micnaheeda?

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare