Dhaqso uga bax bogga!
Su’aalo iyo jawaabo

Waxaan ka wal wal sanahay inaan hiv qaado

Jag är orolig för att få hiv - somaliska

Su’aal

Waxaan ka wal wal sanahay inaan hiv qaado. Sidee loo kala qaadaa sideese aan ku ogaan karaa inaan hiv qaadey?

Jawaab

Hiv waa fayrus lagu kala qadi karro galmada. Khatarta in la qaado waxay weyntahay haddii aad galmo siilka ama galmada dabada la sameysay qof qaba hiv. Waxaad sidoo kale hiv qaadi kartaa haddi aad galmada afka la sameyso qof qaba oo ay xawadu afka kuu gasho. 

Hiv waxa xataa lagu kala qaadi karaa dhiiga, tusaale ahaan haddii aad isticmaasho irbad qof qaba hiv gu uu isticmaaley. Ilmaha waxa uu qaadi karaa xiliga uurka uu ku jirro haddii hooyadu ay qabto hiv. Ilmaha waxa uu sidoo kale ka qaadi karaa caanaha naaska xiliga la naas nuujinaayo.

Ma jiraan wax khatar ah oo aad hiv ku qaaddeyso galmo aad la sameyso qof qaba hiv, haddii uu qofku qaato dawadiisa ka hortagga hiv ga.

Orod oo isa soo baadh haddii aad u maleynayso inaad qabto hiv. Taas waxaad ka sameyn kartaa rugta dhallinyarada ama xaruta maqaarka iyo xubnaha taranka ama rugta caafimaadka. Marka aad is baadho, waa inay hal todobaad ka soo wareegto marka aad qaadey. 

Marka aad iska baadheyso hiv ayuu dhakhtarku ama kalkaalisadu tijaabo dhiig ah ka qaadi doontaa gacanta. Waxaad inta badan jawaabta heli doontaa hal todobaad ka dib, marmarna wax ka yar.

Wax kharash ah lagaama qaadaayo si aad iskaga baadho hiv. Waxaad is tijaabin kartaa adigoo aan magacaaga sheegin, oo aanad isku sheegin cida aad tahay.

Haddii ay tijaabadu sheegto in aad qabto waa inaad markaa cida aah tahay isku sheegto shaqaalaha caafimaadka. Markaas oo aad heli doontaa daawooyin cudurka ku lid ah. Cid kale ma ogaan doonto inaad qabto hiv, haddii aanad adigu rabin inaad sheegto.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka

Kondhoomka ayaa ah sida caadiga ah ee la iskagailaaliyo cudurada xubnaha taranka marka aad galmooneyso. Waxa ugu wanaagsan waxa weeye inaad marka hore ka wada hadashaan waxaad iskaga ilaalineysa inta aydaan galmo sameyn. Waxyaalaha kaa ilaaliya cudurada xubnaha taranka waa wax aad labadiinuba masuul ka tihiin.

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare