Dhaqso uga bax bogga!
Qoys

Waxaan u baahanahay inaad hooyadey keeno isbitaalka laakiin ma rabo in dugsiga aan ka baaqdo

Jag måste följa med mamma till läkaren men vill inte missa skolan - somaliska

Su’aal

Waxaan ka baaqday imtixaan muhiim ah oo dugsiga sababtoo ah waxaa dhakhtarka u raacay hooyadey. Hooyo aad bey u xanuunsan tahay dhakhtarkana kulama hadli karto Af Swiidhish. Ma rabi inaan dugsiga ka baaqdo mar kale. Laakiin sideen ku caawiyaa hooyo?

Jawaab

Waan fahan sanahay waxaad rabtaa inaad caawiso hooyadaa, mana rabtid inaad ka baaqato dugsigaada mar kale.

Hoyaadaa waxey xaq u leedahay turjubaan haddii loo baahdo iney fahanto macluumaadka iyo in iyadan la fahmo inta ay joogto xarunta caafimaad. Dhakhtarka waxaa la joogi kara turjubaan adiga badalkaaga.

Turjubaan waa qof ku hadlo islamarkaana fahmo afka hooyo ee hooyadaa. Turjubaanka wuxuu turjumayaa wax walboo hooyadaa dhakhtarka uu sheegto, iyo wax walboo dhakhtarka u sheego hooyo.

Waxaad ku caawin kartaa hooyadaa iney weydiisato turjubaan marka ay booqaneysa dhakhtarka. Kala xiriir xafiiska qaabilaadda waxyaabah la xiriira adeegyada turjubaanada markaad balan dhakhtar u sameyneysid hooyadaa. U sheeg in hooyadaa ey u baahan tahay turjubaan iyo luqadda ey ku hadasho. Ka dib waa in shaqaalaha xarunta caafimaad ey u qorsheeyaan turjubaan. 

Kala hadal macalinkaaga imtixaanka aad ka baaqatay, haddii aad rabtid. U sheeg sababta aad uuga baaqatay imtixaanka. Mararka qaar waxaa laga yaabaa inaad imtixaanka qaadatid wakhti dambe, haddii ay jirto sabab gaar oo aad uuga baaqatay.

Lataliyahaada dugsiga ayaad aadi kartaa haddii aad rabtid inaad kala hadashid xaaladda hooyadaa. Waxaad u sheegi kartaa sida aad dareemeysid marka ay xanuunsan tahay. La taliyaha wuxuu taageera siiya ardayda xaaladdaada oo kale ku sugan.

Halkaan waxaad ka akhrin kartaa waxa uu turjubaan ka caawin karo.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Xarunta daryeelka dhalinta

Waxaad Xarunta daryeelka dhalinta tagi kartaa haddii aad qabto su'aalo ku saabsan jidhka, galmada ama kahortagga uurka. Waxaad sidoo kale halkaas tagi kartaa haddii aad jiran tahay oo aad u baahan tahay qof aad la hadasho.

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare