Caawimo hadii handadaad ama waxyeelo qoyskaagu kuu gaysteen jinsigaaga ama doorashada galmo darteed (sexuella läggning eller könsidentitet)
Stöd om du är utsatt för hot eller våld av familjen på grund av din sexuella läggning eller könsidentitet - somaliskaQoyskiinku miyuu ka cabsi qabaa in aad ceebayso hadii aad khaniis, labeeb, mid jinsigiisa badalay ama mid jinsiguu doono u galmoonda ama iska dhigi kara (queer) aad tahay? Dhaqankaaga ama diintaadu miyay yihiin kuwo qoyskaaga iyo bulshada kaa dhex saaraya hadii aad cadeysato qofka dhabta ah ee tahay? Mise waad qarsanaysaa, si aan qarabadaadu handadaad iyo waxyeelo kuugu geysan? Xaq ayaad u leedahay in aad noqoto qofkii aad doonto isla markaana waxaad helaysaa caawimo iyo garab.
Way fiicnaan doontaa xataa hadii aanad aaminsanayn
Filimkan waxa laga sameeyay waraysi laga qaaday dhalinyaro hbtq ah. Laakiin dadka ka muuqda filimka waa jillayaal.
Filimkan waxa laga sameeyay waraysi laga qaaday dhalinyaro hbtq ah. Laakiin dadka ka muuqda filimka waa jillayaal.
Ka hadal adiga oo lagu qariyay qofka aad tahay
Waa in aad xaaladaada cid uun uga waranto, xataa hadii ay kugu adagtahay. Markaas ayaad heli kartaa taageero. Waxaad dooran kartaa in aqoonsigaaga la qariyo.
Liiska waxa ku taala meel aad cid kala xidhiidhi karto adiga oo lagu qariyay. Dadka ka shaqeeya meeshaas waa kuwo yaqaana sida loo dhagaysto qof xaaladaada oo kale ku jiro. Sidoo kale waxay ku siin karaan talo meesha aad kula kulmi karto dad xaaladaada oo kale ku jira.
- Linnamottagningen waxay ku bixisaa taageero goobta ah, iimayl ahaaniyo teleefon ahaan ah. Soo wac 020 40 70 40.
- Adeegyada Taageerada RFSL (RFSL Stödmottagning) waxay taageero dhowr luuqadood lagu heli karo ku bixiyaan goobta, iimayl ahaan iyo taleefon ahaan. Soo wac 020 34 13 16.
- Dhalinyarada RFSL (RFSL Ungdom) waxay taageero ku bixiyaan sheekeysi ahaan iyo iimaylka ahaan labaduba.
- Qadka Taageerada Somaya (Somaya Stödjour) waxay taageero dhowr luuqadood lagu heli karo ku bixiyaan taleefonka iyo iimayl ahaan. Soo wac 020 81 82 83.
- GAPF – Riksorganisation mot hedersvåld Waxaaad taageero ku helaysaa chat qoraalka lagu wada hadlo, email ka iyo telefonka. Wac 070-000 93 28.
- Khadka taageerada Rainbow Christian (Regnbågslinjen) waxay ku bixisaa taageero telefoon, sheekeysi iyo waraaqo dijitaal ahaan. Soo wac 0770-55 00 10.
Qadka Wasaarada Arrimaha Dibadda, Wasaarada Arrimaha Dibada ee Iswiidhan
Ka soo wac Qadka Tooska ah ee Wasaarada Arrimaha Dibada haddii uu qof kugu qasbay inaad dibada aadid oo aad u baahantahay in lagaa caawiyo inaad aado wadankaaga. Qadka wuxuu furanyahay 24 saacadood maalintii. Lambarka taleefonka: +46 (0)8 405 50 05
Waxaad heli kartaa caawin hadii aad ku jirto handadaad iyo waxyeelo
Hay’ada daryeelka bulshada (Socialtjänsten)
La xidhiidh hay’ada daryeela bulshada (socialtjänsten) hadii aad ka baqanayso in ay wax kugu dhacaan, ama aad taageero u bahan tahay ama in lagaa caawiyo handadaad iyo waxyeelo. Way ku caawin karaan iyagu. Tusaale ahaan waxay ku siin karaan meel amaan ah oo aad udagto si ku meel gaadh ah.
Waxaad ka helikartaa meesha aad kala xidhiidhayso hay’ada daryeelka bulshda (socialtjänsten) website ka kamuunka. Sidoo kale waxaad ka heli kartaa meesha aad kala xidhiidhayso socialtjänsten tusaale ahaan liiska halkan sare yaala.
Markaad caawimaad ka raadsanayso hay’ada daryeelka bulshada (socialtjänsten) waa in aad sheegtaa qofka aad tahay. U sheeg hadii aad ka cabsi qabto in qoyskaagu dhaawac kuu geystaan hadii ay ogaadaan in aad cawimaad raadsatay. Markaas ayay Socialtjänsten ku gaynayaan meel amni ah intaanay la xidhiidhin waalidkaa ama cida masuulka ah ee aad la dagan tahay.
Hay’da daryeelka bulshadu (socialtjänsten) waxay ku khasban tahay in ay la xidhiidhaan cida masuulka kaa ah ee aad la dagan tahay hadii aad ka yar tahay 18 jir. Lakiin khasab maaha in ay u sheegaan wixii aad ku tidhi oo dhan. Marmarka qaar waxii aad sheegtay in kamid ah sir bay noqon kartaa. Tusaale ahaan hadii ay jirto khatar ah in qoyskaagu dhib kuu geysto haday ogaadaan.
112 iyo Booliska
Wac 112 hadii aad khatar degdeg ah ku sugantahay. Ka wac booliska 114 14 hadii aanay degdeg ahayn, ama +46 77 114 14 hadii aad wadanka dibadiisa joogto.