Dhaqso uga bax bogga!
Jidhka

Waayo loo yidhaahdaa qof kastaa isagaa jidhkiisa ka masuula hadii aanay sidaa ahayn?

Varför säger ni att alla får bestämma över sin kropp när det inte är så? - somaliska

Su’aal

Waayo loo yidhaahdaa qof kastaa isaga ayaa jidhkiisa ka musuula? Sax maaha taasi runtii. Anigu tusaale ahaan la iima ogola in aan la kulmo wiilasha ama in aan sameeyo galmo ka hor inta aanan guursan. Qoys kaygu aad ayay u cadhoon lahaayeen.

Jawaab

Waa xuquuqal isaan in aad jidhkaaga adigu masuul ka tahay. Marka laga soo xigto sharciga Iswiidhan adiga ayaa maamula jidhkaaga hadii aad doonayso in aad la kulanto wiilal ama aad samayso galmo ka hor inta aadan guursan.

Marmarka qaar waxa dhici kara in qofka familkiisa, qaraabada ama dadka kale ee waaweyn aanay raacin sharciga. Waxa laga yabaa in adiga dhalin-yarada ahi garanahayn waxaad xaq u leedahay. Ama aadan dan ka lahayn xuquuqdaada. Qaar ka mid ah dadka qaangaadhka ah waxay sameeyaan sida ugu fiican inkasoo ay khalad samaynayaan. Markaa waxa dhacada in aadan samayn sida aad rabto ee aad xaq u leedahay.

In qofku jidhkiisa masuul ka noqdo isagu waa xuquuq dhamaan dadka oo dhan leeyihiin.  Waan fahmi karaa in aad u aragto wax lala yaabo in dhamaan dadku leeyihiin xuquuqahan.  Dhalinyaro badan ayaan garanhayn in iyagu jidhkooda ka masuulyihiin. Lakiin sida sharciga Iswiidhan sheegayo mar walba xuquuqdas waad haystaa.

Waxa aan doonayno in aan ku tusno Youmo.se waa xuquuqda iyo sharciga jira. Dadka qaan gaadhka ah ee adiga ka masuulka ah ilaa inta ay ka arkayaan waxaad adigu xaq u leedahay. Hadii ay samayn wayaan sidaas waxaad xaq u leedahay caawimo iyo ilaalin. Tusaale ahaan waxaad tan ka heli kartaa Iskuulka, ama xafiiska qaabilaada dhalinyara, ee xarunta daryeelka bulshada ama hay’ad kale oo ka shaqaysa arimaha caawinta dhalin yarada sida adiga oo kale.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Sharafta

Waa muhiim ineysan jirin wax magac xumo u soo jiita qoyska ama qaraabada. Waxaa laga yaaba iney jiraan sharciya guriga ama qaraabada ka jira, sida gabar galma ma sameyn karta ilaa ey ka guursato. Sidaa dareteed, uma baahan iney qof la joogto, ama wiilal ey la wadaagto wakhtigeeda nasashada. Tani waxaa la yirahdaa rabshad la xiriirta xushmadda ama dhibaateynta. Waa sharci daro in qofka la shaaciya arimahiisa sharciyadaan aawadood. Sidoo kale waxey ku xad gudbeysaa xuquuqda bani’aadamka, iyo Xeerka Qaramada Midoobey (UN) ee Xuquuqda Caruurta.

Mawduuc

Farman waxa uu joojiyey inuu ilaaliyo hablaha walaaladiis ah

Markii hore ayuu Farman ilaalin jirey waxkasta oo ay hablahoodu sameeyaan. Laakiin maalin aya waxa uu la kulmay gabadh loo geystey cadaadis sharaf ilaalinta. Waxay taasi keentey in Farman bilaabo inuu hab cusub u fikiro.

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare