Dhaqso uga bax bogga!
Jidhka

Waxyaala la iskaga dhowro caadada

Mensskydd - somaliska

Waxa jira afar shay oo aad soo iibsan karto oo dhiiga caadada la iskaga ilaaliyo: binda, trosskydd, tampong iyo menskopp. Dhamaantood marka laga reebo menskopp waxa laga heli karaa tukaamada cuntada, kiosk-yada iyo farmasiiyada. Menskopp-ka waxa laga iibsan karaa internedka iyo farmasiiyada qaarkood.

Binda

Binda-du waxay nuugtaa dhiiga. Waxaad bindan saareysaa nigiska. Dhinaca ayay xabag bidan kaga dheggan tahay meesha ku haysa.  Wuxuu leeyahay qiyaaso kala duduwan. Dumarka intooda badan waxay maalmaha hore ee caadada bedbedelaan binda-da marar badan. Bindan waxay bilaabi karta inay urto ama uu dhiigu ka soo da'o haddii aad wax badan deyso.

En binda utan blod. Illustration.

Trosskydd

Trosskydd waa sida binda-da laakiin waa ay ka yar tahay. Waxaad isticmaali kartaa marka ay caadadu kaa sii dhamaaneyso ee wax yar oo dhiig ahi kaa socdaan. Dadka qaar ayaa xidhha trosskydd marka ay xidhan yihiin tampong, si aanu dhiigu nigiska uga soo gaadhin haddii uu tampongen buuxsamo. 

Tampong

Tampong waxaad galineysaa siilka. Waxa uu nuugayaa dhiiga si aanu u soo bixin. Waxaad qubaysan kartaa ama isboorti ciyaari kartaa adigoo xidhan tampong.

Wuxuu leeyahay qiyaaso kala duduwan. Dooro tampong ka weyn haddii wax badan aad dhiigeyso. Waxaad isticmaali kartaa tampong xataa haddii aanad waligaa galmo sameyn.

Tre tamponger utanför sina förpackningar. Illustration.

Sidan ayaad tampong u galinaysaa

Marka ugu horeysa ee aad isticmaalayso, waa inaad taas sameyso xiligga aad leedahay dhiig badan, maxaa yeelay markaas ayay si ka dhibyar u dhex sibaaxeysaa. Dooro markaa tampong yar. Waxa uu si ka dhibyar ugu galayaa haddii aad kadaloob u fadhido oo aad lugahana kala furto. 

  • Gacmaha dhaq oo qalaji.
  • Ka saar balastiga ku waregsan tampongen.
  • Waxa weeye dhinaca aanu ku oolin xadhigu, xagga galaysa afka siilka.
  • Ku kala fur dabnaha siilka gacanta kale ee aanad ku haynin tampongen.
  • Hel afka siilka oo dabadeedna gali tampongen.
  • Siilku waxa uu u janjeedaa dhinaca gadaasha, markaa waa in tampongen loo galiyo janjeedh. Waa ay cidhiidhyi kartaa wax yar, laakiin ma jiraan wax sinaba u dhaawacmaaya.
  • Tampongen waxa uu galayaa siilka gudahiisa hore. Xadhiga waa in uu dibada ka soo laalaado. Tampongen waa in aan la dareemin. Haddii aad dareento ayuu ku jiraa meel gudaha hoose ah. Isku dey inaad sii yara riixdo. Iskeed iskama soo bixi karto, jidhkana kuma dhex lumi karto.
Snippan i genomskärning från sidan så att det syns hur tampongen sitter i slidan. Utsatt med pilar finns livmoder, slida, tampong och slidöppning. Illustration.

Imisa jeer ayaan badalayaa tampongen?

Bedel tampongen marka aad is tidhaa waxa ka buuxsamey dhiig. Markaas ayuu si dhibyar u soo jibaaxayaa haddaad soo jiido xadhiga. Haddii uu aayar sacdo, ayay u badan tahay inuu qalalan yahay oo aan markaa loo baahneyn in la badelo.

Marka aad soo saarto tampongen, ku laalaab warqada musqusha oo ku tuur baaldiga qashinka. 

Waxaad adigu tampong xidhan kartaa habeenkii. Gali marka aad seexanayso, kadibna degdeg u bedel marka aad soo toosto. Waad qubaysan kartaa adigoo xidhan tampong. Bedel marka aad dhameysato qubeysiga.

Miyaa tampong ku dhagi karaa?

Ma dhacdo caadi ahaan inaan la soo saari karrin tampongen. Si kadaloob ah u fadhiiso oo gali hal far. Qabo xadhiga ama tampongen kadibna soo jiid. Waxaad adigu caawimo ka heli kartaa umuliso joogta ungdomsmottagning haddii aad soo saari kari weydo tampongen.

Menskopp

Waxa menskopp laga sameeyey caag jilicsan iyada oo markaa ku hayn karro dhowr sanno.

Waxaad galineysaa siilka iyadoo dhiigu galaayo jidhka. Menskoppen waxa uu qaadaa dhiig ka badan binda-da iyo tampong-en.

Waa lagu qubeysan karaa menskopp-ka.

En hand som håller i en menskopp. Foto.

Sidan ayaad koobka dhiiga caadada u isticmaalaysaa

Dhinaca balaadhan ayaa marka hore galaaya. Waxa uu si ka dhibyar ugu galayaa haddii aad kadaloob u fadhido oo aad lugahana kala furto.

  • Dhaq gacmaha.
  • Ku kala fur dabnaha siilka gacanta kale ee aanad ku haynin menskoppen.
  • Isku soo laab menskoppen oo danadeed gali siilka. Iyadaa is qaabeynaysa si ay ugu adkaato.

Waa inaad farta ku dareento usheeda, laakiin waa inaanay dibad uga soo jeedin.

Waxaad tusaale ahaan isku laabi kartaa koobka dhiiga caadada sida sawirkan ka muuqata marka aad ferjiga gelineyso.

In laga soo saaro, la faaruqiyo oo la keydiyo koobka dhiiga caadada

Si aad u soo saarto, waxaad ku soo jiidi doontaa gacanta. Musqusha ayaad dhiiga ku faaruqin kartaa.

Waxa caadi ah in koobka dhiiga caadada la faaruqiyo qiyaastii laba jeer maalintii. Laakiin waxa laga yaabaa inaad u baahato inaad marar ka badan faaruqiso maalmaha koowaad ee caadadaada dhiiga haddii aad markaas wax badan dhiigbaxayso.

Koobka ku dhaq biyo qabow ama biyo diirran ka hor inta aanad dib u gelin.

Marka uu dhiiga caadadku kaa dhamaado ku dhaq koobka dhiiga caadadada saabuun iyo biyo. Markaas ka dib shan daqiiqo biyo ku kari. Ku keydi kiish maro ah ama meel hawo leh, sida tusaale ahaan kabadhka qolka musqusha.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Waa maxay caadadu?

Muuqaalka ayaad ku ogaanaysaa waxa jidhka ku dhacaaya markaad caadada hesho.

Mawduuc

Xarunta daryeelka dhalinta

Waxaad Xarunta daryeelka dhalinta tagi kartaa haddii aad qabto su'aalo ku saabsan jidhka, galmada ama kahortagga uurka. Waxaad sidoo kale halkaas tagi kartaa haddii aad jiran tahay oo aad u baahan tahay qof aad la hadasho.

TAad bogga xaggiisa sare