Su’aal: Waxaan ka baqanayaa in aanu dhiig iga imaan marka ugu horeysa ee aan galmo sameeyo. Miyaan qaliin sameyn karaa?
Jag behöver operera tillbaka min oskuld, hur ska jag göra? - somaliskaSu’aal
Waxaan ka baqayaa inuusan dhiig iga imaanin markii aan ninkeyga la sameeyo galmo marka ugu horrayso. Qoyskeyga ama qof uu qoyskeyga garanayo ayaa laga yaabaa inuu dhiig ka fiiriyo. Ma garanayo waxaan sameeyo. Saxiibkeyga wuxuu ii sheegay inaan qaliin geli karo si aan dib ugu helo bikranimadayda, sideen ayaan taas ku sameeyaa?
Jawaab
Kaligaa ma tihid. Su'aashaada waa mid caadi ah. Jawaabta su'aashaada si ay macno u yeelato, waxaad u baahantahay inaad ogaatid dhowr waxyaabo oo ku saabsan bikrada.
Xaqiiqaha ku saabsan siilka iyo sida uu u shaqeeyo
Siilka wuxuu leeyahay duleel lagu dhashay. Tan ayaa ka dhigan inaysan jirin xuub daboolaya ama xanibaya duleelka siilka. Unuga oo mararka qaar loo yaqaan "bikrada" waa quraafaad – wax jiro ma ahaan.
Duleelka siilka wuxuu qof walba u arkaa si ka duwan. Iskama badelo galmo sameynta. Ma jiro qof sheegi karo inaad galmo sameysay isagoo jirkaaga eegayo. Dhaqtar ama umulisada xattaa ma sheegi karaan.
Siilka waa laastiig. Taas waa sababta ay dadka badankood u dhiig bixin marka ugu horeyso oo ay galmo sameynayaan. Haddii aad dhiig baxdo, waxaa laga yaabaa inay sabab u tahay inaad walwalsantahay ama aadan si ku fllan u kacsan. Waad dhiig bixi kartaa xattaa haddii aad horay u sameysay galmo.
Waa maxay dib u habeynta bikrada?
Dib-u-habeynta bikrada (hagaajinta bikrada) waxaa loola jeedaa qaliinka meesha dhaqtarka uu tolo dhowr qodobo geeska dulleelka siilka si markaas ay u dhiigto marka galmo la sameeyo. Laakiin waxaad u baahantahay inaad ogaatid waxyaabaha soo socda:
- Weli lama hubo inaad dhiig bixi doontid.
- Qaliinka wuxuu joogaa lacag badan.
- Dhammaan qaliinada waxay leeyihiin qataro.
Maxaad sameyn kartaa?
Ilama ahan inaad qaliin gashid. Waxay ilatahay inaad lahadashid qof ku caawin karo. Halkaan waa tusaalooyinka qaar ee dadka aad la hadli kartid:
- Umulisada ama la taliyaha Xarunta Hagaha Dhalinyarada.
- Kaalisada dugsiga ama la taliyaha dugsiga, haddii aad dugsi aadid.
- Qof weyn ee aad aaminsantahay, sida macalinka, tababaraha ciyaaraha ama waalidka saaxibka.
Ma u baahantahay caawin badan?
Waxaa sidoo kale jiro meelo halkaasoo dhalinyarada ka walaacsan rabshada iyo xakameynta sharafta la xiriirto ay ka heli karaan taageero. Waad wici kartaa ama waad la sheekeysan kartaa adigoon magacaaga u sheegin. Waxaad taageero ka heli kartaa halkaan: Raadi taageero iyo caawin.
Qatar miyaad ku jirtaa?
Haddii aad dareentid in laguu hanjabay ama aad baqeysid, waa inaad la soo xiriirtaa adeegyada bulshada ama booliska. Si toos ah ayay kuu caawin karaan.