Dhaqso uga bax bogga!
Su’aalo iyo jawaabo

Aniga qoyskaygu iima ogola in aan la shaaheeyo saxiibday ama aan u baxo safarada iskuulka

Jag får inte fika med kompisar eller åka på skolresa för min familj - somaliska

Su’aal

Qoyskaygu waxa uu go’aamiyaa wax kasta oo aana sameeyo. Waxa jira waxyaabo badan oo aan la ii ogolayn in aan sameeyo. Ma raaci karo safarada iskuulka sidoo kale la ima ogola in aan la shaah la soo cabo saaxiibaday. Hadiiba ay ka shakiyaan in aanan toos u iman guriga iskuulka ka dib aad ayay u cadhoodaan oo way ii hanjabaan.

Ma arabo in aan qoyskayga niyadjabiyo. Waxaan ka cabsi qaba waxa dhicidoona hadii aan jabiyo xeerkooda. Waxaan dareemayaa kalinimo iyo cadaalad daro in aanan samayn karin sida dadka kale sameeyaan. Maxaan yeelaa?

Jawa’aab

Waan dareemi karaa in ay tahay kali iyo cadaalad daro in aadan samayn karin sida dadka kale sameeyaan. Dhalinyaro badan oo oo Iswiidhan ku sugan ayaa dhibkan oo kale haystaa. Waxa laga yabaa in ay keeni karto sababtoo ah qoyska oo ka baqaya waxa ay dadka ka sheegi doonan ama sida loo arko. Familka ayaa ka cabsi qabta in la caayo oo sharaftooda ay meel kaga dhacaan. Ma fiicna in laguu hanjabo waxaana jira caawimo aad heli karto.

Waxaad qoraysaa in familkaagu ay aad kugu cadhonayaan kuna hanjabayaan hadii ay ka shakiyaan in in aadan guriga toos u iman iskuulka kadib. Sidoo kale in aad ka cabsi qabto waxa dhici doona hadii aad jabiso xeerka qoyska u yaala.

Magaranayo si toos ah waxa aad ka cabsi qabto. Waa muhiim in aad garanayso Meesha aad ka heli karto cawimaad hadiiba aad u baahato:

  • La xidhiidh haya’da Socialtjänsten hadii aad ka baqayso in ay wax kugu dhacaan, ama aad u baahantahy gashaan hanjabaad iyo gacan kahadal laguu gaysto.
  • Wac 112 hadii aad u sugan tahay xaalad khatar ah oo kadis ah.

Waxay ila tahay in aad la hadasho qof sida ugu dhakhsaha badan haday suuro gal tahay. Tusaale ahaan waxaad la hadli kartaa macalinka, kalkaaliyaha cilminafsiga ee iskuulka ama qof jooga goobta qaabilaada dhalinyara (ungdomsmottagning) ama Socialtjänsten.

Waxaad sidoo kale la xidhiidhi kartaa meel kamid ah kuwa ku qoran halkanStöd om du har frågor om hedersrelaterat våld och förtryck (ku qoran Iswidhish Umo.se)

Waxaad xaq u leedahay in aad dareento nabadgalyo, saaxiibadaa la kulanto iyo in aad xoriyad hesho.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

Mawduuc

Farman waxa uu joojiyey inuu ilaaliyo hablaha walaaladiis ah

Markii hore ayuu Farman ilaalin jirey waxkasta oo ay hablahoodu sameeyaan. Laakiin maalin aya waxa uu la kulmay gabadh loo geystey cadaadis sharaf ilaalinta. Waxay taasi keentey in Farman bilaabo inuu hab cusub u fikiro.

TAad bogga xaggiisa sare