Dhaqso uga bax bogga!
Qoys

Niyad jabsan oo ka warwarsan qoyskeyga – maxaan sameyn karaa?

Jag är ledsen och orolig för min familj - somaliska

Su’aal

Salaam. Waxaan ka warwarsanahey qoyskeyga kuwaas oo ku hadhsan wadankeyga iyagoo aan waxbadan ka fikiro. Maxaan sameeyaa markaan niyad jabsanahay oo aan warwarsaney?

Jawaab

Ma aha wax cajiib ah inaad dareento niyad jab iyo warwar marka ay qoyskiinu ku hadhsan yihiin wadankiina, marka aad adiguna halkan Swiidhan joogto. Dadka intooda badan sidaas ayay dareemi karaan xaaladaas mid la mid ah.

Waxa ka dhib yaraan karta dareemadaa qalafsan, haddii aad si ka wanaagsan isku daryeesho. Halkan ayaa waxa ku dhigan dhowr talooyin ah:

  • Isku dey inaad sameyso waxyaalaha aad is leedahay waa ay xiiso badan yihiin ee ku dejiya, xataa haddii aad dareemayso niyad jab. Waxad u baahan tahay inaad marmar ka nasato waxyaalaha qalafsan, si aad dareenka ugu qaabisho hadhow.
  • Isku naxariiso oo ixtiraam naftaada. Waa muhiim marka aad ku jirto xaalad qalafsan, marka aad halkan joogto iyadoo aan qoyskaagu halkan joogin.
  • Isku dey inaad wax cunto oo aad in kugu filan seexato. Waxa muhiim ah in wax wanaagsan la dareemo. La xidhiidh rugta caafimaadka haddii ay dhibaato kaa haysato hurdada. Waxa lagu siin doonaa daawada hurdada ama wax kale oo lagugu caawiyo, haddii aad taas u baahan tahay.
  • Jimicso. Waxaad tusaale ahaan soo luglugeyn kartaa maalin walba. Markaas ayuu jidhku sii deynayaa maado wanaagsan marka aad warwarsan tahay ee aad niyad jabsan tahay.
  • Haddii aad dugsiga aado waa inaad taas sii wadato. Waxa wanaagsan in la sameeyo wax maalintii la qabto.

Waxaad caawimo ka heli kartaa xarunta daryeelka dhalinta, ungdomsmottagning. Halkaas ayaad qof kala hadlaysaa sidaa tahay, waxaad dareemayso iyo waxaad ka fikireyso. Taas ayaa kuu wanaagsanaan karta.

Aqoonyahanka cilmi‐nafsiga

Dheeraad ku saabsan Youmo

Mawduuc

Talooyin lagu siinaayo si aad si fiican ugu seexato

Waxa muhiim ah in si wanaagsan loo seexdo si loo caafimaad qabo. Laakiin waxa caadi ah in marmarka qaarkood aan loo seexan si wanaagsan. Taasi waxay tusaale ahaan ku xidhan tahay inaad warwarsan tahay iyo in warwar aad qabto. Halkan ayaad ka ogaan kartaa waxaad sameyn karto si aad si ka wanaagsan ugu seexato, iyo waxaad caawimo heli karto.

Mawduuc

In wax xun la dareemo

Qofkastaa marmar ayuu wax xun dareemaa. Waxa laga yaabaa inay wax xun kugu dhaceen ama inaad is weydiinayso sida ay wax noqon doonaan. Marmarka qaarkood ayaad xanuun dareemi kartaa adigoon sababta garaneyn. Waxa jira waxyaalo adigu aad sameyn karto si aad uga roonaato. Waxaad sidoo kale heli kartaa caawimo si aad uga roonaato.

Mawduuc

Xarunta daryeelka dhalinta

Waxaad Xarunta daryeelka dhalinta tagi kartaa haddii aad qabto su'aalo ku saabsan jidhka, galmada ama kahortagga uurka. Waxaad sidoo kale halkaas tagi kartaa haddii aad jiran tahay oo aad u baahan tahay qof aad la hadasho.

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare