Dhaqso uga bax bogga!
In caawimo la raadsado

Qarsoodiga iyo sirta xirfadeed

Sekretess och tystnadsplikt - somaliska

Qofka shaqaalaha ee aad kula kulanto rugta caafimaadka ma aha inuu kala hadlo qof kale, ama wax rugta lagaaga qorey uu u gudbiyo cid kale. Tan waxaa loo yaqaan qarsoodida iyo sirta xirfadeed. Waxay quseysaa qof walba oo ka shaqeeyo daryeelka caafimaadka.

En vårdanställd säger till en person att hen lovar att inte berätta för någon. Emoji med blixtlås som mun. Illustration.

Qarsoodiga waxaa loola jeedaa in xubnaha shaqaalaha daryeelka caafimaadka aan loo ogoleyn inay la wadaagaan warbixinta adiga kugu saabsan dad kale. Qarsoodiga wuxuu ka qeyb yahay sirta xirfadeed. Mararka qaar shaqaalaha waxay u baahanyihiin inay jabiyaan qarsoodiga bukaanka oo ay u sheegaan ama siiyaan dad kale warbixin adiga kugu saabsan. Hoos ayaad ka aqrisan kartaa wax badan oo arrintaas ku saabsan.

Sir dhowristu waxay khuseysaa wax kasta oo aad sheegtey oo adiga faylkaaga dhakhtarka lagu qorey. Sir dhowrista waxay khuseysaa shaqaalaha iyo hay'adaha dawlada. Shaqaalaha an raacin sharciga sir dhowristu waxay galayaan fal danbi iyadoo maxkamad la soo saari karro.

Sir dhowristu waxay khuseysaa dhamaan shaqaalaha aad la kulmeyso

Sir dhowristu waxay qabanaysaa dhamaan dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka. Xataa tusaale ahaan shaqaalaha xafiiska iyo turjumaanada. Ma aha inay adiga wax kaa sheegaan.

Qofka aad la kulantey waa inuu kaliya adiga kaaga hadlaa dadka shaqaalaha kale, haddii ay dan u tahay daryeelkaaga. Kaliya dadka qeybta ka ah daryeelkaaga ayaa akhriyi kara waraaqahaaga dhakhtarka.

Shaqaalaha waxa ka mamnuuc ah inay la xidhiidhaan hay'adaha kale haddii ay taasi ku dhaawici karto. Waxa aad xataa daryeel caafimaad raadsan kartaa haddii aanad haysan waraqaha degenaanshaha sharciga. Shaqaalaha daryeelka caafimaadku ma aha inay booliiska u sheegaan meesha aad joogto. 

Miyaa sir dhowrista la burin karaa?

Xaaladaha qaar, shaqaalaha waxaa laga yaabaa inay jabiyaan qarsoodiga bukaanka oo ay dad kale la wadaagaan warbixinta adiga kugu saabsan. Halkaan waa tusaalooyinka qaar: 

  • Marka aad adigu ogolaato taas ee aad tidhaa waa ok. Waxaad adigu shaqaalaha u sheegi kartaa waxay sheegi karaan, tusaale ahaan haddii lagu dhigay cisbitaal oo qof ku yaqaanaa uu soo waco.
  • Marka aad ka yartahay 18 sanno jir ayay marmar shaqaaluhu u baahan yihiin inay la xidhiidhaan qof weyn oo kaa masuul ah. Tusaale ahaan haddii aad u baahan tahay inaad aado cisbitaal, si aad ugu hesho daryeel kale.
  • Marka aad ka yartahay 18 sanno jir ee ay shaqaaluhu u arkaan in wax xun si uun kuu soo gaadhayaan. Tusaale ahaan haddii lagu dagaalay ama ay jiraan wax u xun caafimaadkaaga. Markaas waa in shaqaaluhu la xidhiidhan adeega bulshada si aad ugu hesho caawimo. Shaqaaluhu waa inay sidaa sameeyaan waafaqsan sharciga.
  • Xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka waxay la xiriiri karaan booliska haddii ay aamminsan yihiin inaad geysatay dambi culus ama aad dhibane tahay.

Markee ayuu daryeelaheygu xaq u leeyahay inuu macluumaad helo?

Haddii aad ka yar tahay 18 sanno jir, dadka weyn ee masuulka kaa ah waxay leeyihiin xaquuqaha qaar ee lagu helo warbixin adiga kugu saabsan iyo inay ku lugyeeshaan go'aaminta waxyaabaha qaar. Tan waxay ku xirantahay da'da aad jirtid iyo xaalada ay ku lug leedahay. Haddii xaalada ay tahay mid muhiim ah iyo waxyaabo halis ah. Tusaale ahaan, waxay u baahan karaan inay ogaadaan haddii ay quseyso baaritaano weyn oo caafimaadka, daryeel ama daaweyno. Laakiin dadka weyn lalama xiriirayo ama lama ogeysiinayo haddii ay taas halis ku gelineyso.

Waxaad adigu la hadli kartaa qof kale oo aad ku kalsoontey, haddii aanad ka helin taageero qofka leh daryeelkaaga. Tusaale ahaan haddii aad doonayso inaad iska turto, oo anad rabin inaad u sheegto taas waalidkaaga. Markaas ayaad tusaale ahaan la hadli kartaa la taliye ama qof kale oo weyn oo ku siin kara taageero.

Waxaad adigu weydiin kartaa xarunta, haddi ay jirto waxyaalo aad is weydiinayso oo ku sabsan sir dhowrista.

TAad bogga xaggiisa sare