Dhaqso uga bax bogga!
Galmada

Su’aal: Sidee baan u la kulma qof aan rabo inan galmo la sameyo?

Hur träffar jag någon att ha sex med? - somaliska

Su’aal

Waxaan ka fekarayaa sidaan u la kulmi lahaa qof aan galmo la sameeyo? Dadka kale oo dhan waxay u muuqdaan iney sameeyaan galmo. Weligay ma aan la kulmin qof raba inuu sameeyo galmo.

Jawaab

Dad badan ayaa ka fakaraaya arrintaas.

Waa ay fududahay in la ammino in qof kasta oo kale uu galmo sameeyo. Waxaa mararka qaarkood ay noqon kartaa mid aad loo hadal haayo galmo. Laakiin xaqiiqadu waxay noqon kartaa mid ka duwan. Waxa ugu muhiimsan waa inaan galmo la sameyn inteysan labada qof ay doonaya.

Haddii toos aad oo weydiiso dadka haddii aad galmo wada sameyn kartaan, markaa ku dhawaad midkoodna kuma dhahayo haa. Inta badan waxey rabaan marka hore in la is wada barto. Waxaa sidoo kale aad u kala duwan marka qofku diyaar u yahay galmo. Waxaa caadi ah in aad in muddo ah wada joogtaan.

Ma jiraa qof aad iskugu dheertihiin? Markaas waxay noqon kartaa wax wanaagsan in isku daydo inaad si fiican u barato qofkaa. Si tartiib ah iskugu day in aad ogaato haddii uu jiro xiiso jawaabcelin la mid ah. Waxaad ku bilaabi kartaa adigoo ka hadlaya wax ku saabsan waxyaalaha caadiga ah, ee muujinaya in aad qofka qaddarin weyn u hayso. Weydii, tusaale ahaan sida ey dareento ama sida ay ku tahay iskuulka ama shaqada.

Haddii qofku uu u muuqdo inuu ku faraxsan yahay inuu kula sheekeesto markaa waxaad bilaabi kartaa in aad weydiiso inaad wax wada sameesaan. Tusaale ahaan waad kulmi kartaan oo shah wada cabi kartaan ama soo socsocon kartaan.

Waxaad dad cusub u baran kartaa habab kala duwan sida iskuulka ama asxaabo kale. Ama inaad xubin ka noqoto urur aad jeceshahay. Markaas waxaad baraneysaa qof aad isku ahmiyado tihiin.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare