Dhaqso uga bax bogga!
Jaceylka iyo saaxiibtinimada

Su’aal: Sidee ayaan u helaa asxaab cusub?

Hur får jag nya vänner? - somaliska

Su’aal

Waxaan Swiidhan joogaa hal sanno iyadoo aanan dad badan aqoonin. Maxaan sameeyaa si aan u helo asxaab cusub?

Jawaab

Waxa muhiim ah in la helo asxaab cusub marka la yimaado wadan cusub. Dad badan ayaa dareemaaya in aanay dhib yareyn.  Wax wanaagsan oo laga fikiro waa, in aad adigu dadka salaanto oo aad awoodo inaad la hadasho dadka kale marka aad joogto goob aad rabto inaad dadka barato.

Waxaan ka fikirayaa in laga yaabo inaad halkan ka bilowdey dugsi? Dugsiga waxaad haysataa fursad aad kula kulmeyso asxaab cusub. Haddii ay kugu adagtey inaad qof dugsiga iska barataan, ayaad qof weyn oo halkaa jooga kala hadli kartaa, sida macalin ama la taliye. Weydii inay qaban qaabin karaan waxqabadyo dugsiga ama dugsiyada kale lala sameeyo si aad adiga iyo kuwa kale u heshaan fursad aad ku kulantaan.

Dugsiga agtiisa waxa inta badan ku yaala goobta oo loogu talo galay da'yarta qiyaas ahaan u dhaxeeeya 13-18 sanno jir. Tag halkaas oo la hadal hogaamiyaha xiliyada firaaqada oo ka qeyb qaada waxqabadyadooda, haddii ay tahay wax aad rabto inaad ka qeyb qaadato.

Meesha aad degantahay waxa ku yaala ururo/jaaliyado, sida tusaale ahaan jaaliyada ciyaaraha fudud. Tag halkaas oo eeg inaad ka qeyb qaadan karto. in wax wadajir loola sameeyo dadka kale ayaa wax xiiso leh ah iyadoo ah hab wanaagsan oo asxaab cusub lagu helo. La taliyaha dugsigaaga ayaa kaa caawin kara inaad hesho jaaliyado aad xiiseyn karto.

Kamunada iyo magaalooyinka qaarkood waxa ku yaala meelo dadku ku kulmaan. Tusaale ahaan kafeega luqada iyo ururada qabanqaabiya kullanka iyo waxqabadka. Ka raadso internedka siday tahay halka aad degantey.

 

Dheeraad ku saabsan Youmo

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare