Dhaqso uga bax bogga!
Su’aalo iyo jawaabo

Waa khatar intee leeg sigaarku?

Hur farligt är det att röka? - somaliska

Su’aal

Waxaan qabaa su'aal ku saabsan sigaarka. Waxaan arkay barnaaji tv-ga oo sida sigaarku u dhaawaco unugyada jidhka iyo wixii la mid ah ku saabsan. Sidee ayay khatar u tahay in sigaar la cabbo haddii aad da'yar caafimaad qaba oo jimicsi sameeya aad tahay?

Jawaab

Sigaarku waxa uu saameeyaa dhamaan jidhka oo dhan iyadoo uu kordhiyo khatarta cuduro badan. Dadka da'yarta ayaa si ka weyn uu u sii saameyaa sigaarku marka la garab dhigo dadka waaweyn, iyadoo aanay wax micno ah u sameyneyn haddii aad tababar qaadanayso iyo haddii kale. Sababtoo ah jidhku wali waa uu korayaa iyadoo maskaxdu aanay koritaankeedu dhamaanin.

Sigaarka waxa ku jira maado la yidhaa kolmonoxid, taas oo booska ogsajiinta qaadata. Taasi waxay keentaa in cabitaanku sigaarku sababo hoos u dhac ogsajiin qaadashada ku yimaada. Sidaas daraadeed ayay sigaar cabbistu u keentaa inaad yeelato xaalada dhaqdhaqaaqa jidhkaagu oo liidata, iyadoo aanad ku horumarin jimicsiga si la mid ah sida haddii aanad sigaarka cabbin.

Marba marka ka horeysa ee aad bilowdo cabitaanka sigaarka, ayay khatartu ka weyntahay in aad qabatinto. Sigaarka waxa ku jira in ka badan 4000 oo kiimikooyin kala duduwan ah. Qaar badan oo ka mid ah maadooyinka ayaa u xun jidhka. In jimicsi la sameeyo ayaa caafimaadka u wanaagsan, laakiin inaan sigaar la cabbin ayaa ka sii wanaagsan si loo dhimo khatarta cudurada xunxun.

Current articles

Mawduuc

Sidan ayaad samaynaysaa haddii aad u baahan tahay daryeel

Dhamaan dadka ku nool Iswiidhan waxa ay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka marka ay u baahan yihiin. Soo wac 112 haddii aad adigu ama qof kale uu qabo dhaawac ama cudur nolosha u halis ah.

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

TAad bogga xaggiisa sare