Dhaqso uga bax bogga!
Su’aalo iyo jawaabo

Waxaan ka fekerayaa in ay gabdhaha iyo wiilasha si isku mid ah u dareeman galmada si isku mid ah

Är sex lika skönt för killar och tjejer? - somaliska

Su’aal

Waxaan ka fekerayaa in ay gabdhaha iyo wiilasha si isku mid ah u dareeman galmada si isku mid ah. Wey ufiican tahay labadoodaba?

Jawaab

Waxaan oga jawaaba lahaa su’aashaada labo nooc. Ama "haa, galmada waa mid u wanaagsan labaduba gabdhaha iyo wiilasha" ama "waxaa jira in uusan midna ogeyn gabi ahaan". Waan kuu sharaxaya waxaan ola jeedo.

Labaduba, wiilasha iyo gabdhaha wey ku raaxeystaan galmada, way biyo baxaan waxayna dareemaan galmadooda. Sidaas daraadeed majiro farqi u dhexeeya wiilasha iyo gabdhaha.

Laakiin iney isku si raaxada u tahay labada qof wey adag tahay in la sheego. Ka soo qaad in laba qof ay cunto ay labaduba jecel yihiin cuneen taas oo labadooda kuwada raaxaysanayan. Markaas ka fikir labada dhadhan sida wanaagsan? Waxaa laga yaabaa in ay u samayn, laga yaabaa in eysan u sineen. Laakiin weli labadaba wey iskula faraxsan yihiin cuntada, waana taas waxa ugu muhiimsan.

Galmada si ey u noqoto mid fiican waxa laga yaabaa in aad u baahan tihiin in aad muujisaan waxa aad jeceshihiin, iyo sidoo kale in aad dhagaysataan waxa midba midka kale uu ka qabo waxa wanaagsan. Ma aha qof kasta in uu jecel yahay waxyaalahaas oo kale.

Mid ka mid ah habka aad u muujin karto waxa aad jeceshahay waa in dadka kale u sheegto marki ey qabtan aadna dareento in ay raaxo tahay. Waxaad dhihi kartaa tusaale, "waan jeclahay waxa aad sameysay." Waxa kale oo aad soo jeedin kartaa wax oo waxaad ku tidhaahdaa "waa iska caadi ah in aad halkan ii salaaxdo?", ama "aad taas samayn karto, waxaan qabaa in ey taasi fiican tahay."

Waxaad kaloo weydiin kartaa waxa kuwa kale ey jecel yihiin, tusaale ahaan, "ma jiraan wax si gaar ah aad urabto in aad samayso?" ama "ma dareemeysa in ey raaxo tahay?”

Isku soo wada duuboo, waxaan u malaynayaa in waayo-aragnimo loo kala leeyahay galmada eyna u kala duwan tahay waqtiyo kala duwan. Mararka qaar kood aad ayey umacaan tahay mararka kalana waa iska caadi. Sidaa bey dadkoo dhan u tahay.

Dheeraad ku saabsan Youmo

Su’aalo iyo jawaabo

Halkaan waxad ka akhrisan kartaa su’aalo eey dhilinyarado usoo dirtay UMO. Su,aalo kasta oo ku jira Youmo waxaa ka jawaabay dad khibrad u leh oo ka jawaaba su’aalaha UMO.se.

Mawduuc

Rabitaanka galmada

Dadka intooda badan ayaa ku dhasha jidh dareemi karan raaxo iyo kacsi. Rabitaanka galmada ayaa laga dareemi karaa jidhka oo dhan. Waxaa laga yaabaa in la dareemo sida ayadoo ay xanxanto iyo gariir in meelo kale ee jirka laga dareemayo galmada.

TAad bogga xaggiisa sare